Published On: Tue, Feb 3rd, 2015

Smiley face

Dalalka Suudaan iyo Jabuuti oo Codsaday in Somaliland Baadhis ku Samayso Markabka Hubka Sida ee Lagu Qabtay Berbera
Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo ka hadlay jawaabaha ay ka bixiyeen codsiyada Suudaan iyo Jabuuti iyo Wasiir Warancadde oo faahfaahin ka bixiyey noocyada hubka la qabtay oo markabka laga dejiyey
Berbera (Jam)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in dalalka Suudaan iyo Jabuuti ka codsadeen inay baadhitaan ku samayso markabka hubka siday ee lagu qabtay dekedda Berbera 24 January 2015, hubkaas oo hadda si rasmi ah looga dejiyey markabka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka soo laabtay safar uu ku joogay dalalka Yurub, madaarka Hargeysa-na ugu warramay saxaafadda shalay, ayaa xusay in caalamku si weyn ugu hambalyeeyey tallaabada Somaliland ku qabtay markabka hubka siday, isagoo xaqiijiyey in waddamada Suudaan iyo Jabuuti ka codsadeen in baadhitaan sugan lagu sameeyo markabkaas oo dawladda Somaliland kala degtay hubkii saarnaa.
“Waxa aan la kulmay dawladda Sudaan oo ila soo xidhiidhay. Waxa kaloo aan la kulmay dawladda Jabuuti oo ila soo xidhiidhay, waxayna yidhaahdeen; ‘waxa aannu u baahanahay in aannu arrinka eegno oo aannu baadhitaan samaynno.’ Waad la socotaan Somaliland, guud ahaanba Soomaaliya iyo Eratariya waxa saaran cuna-qabatayn dhinaca hubka ah, beesha caalamkuna aad iyo aad ayey u soo dhowaysay hawshaas culus ee aynnu qabannay ee markabka hubka sida, hay’adaha caalamiga iyo Qarammada Midoobay-na waannu u sheegnay, welina waxa aannu ku jirnaa, dhinacyadaasna waxaannu u sheegnay in marka baadhitaanku noo dhammaado, isla markaana aannu xaqiijinno waxa hawshu tahay in aannu war ku celin doonno,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde oo isna warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera shalay, ayaa caddeeyey in markabka la qabtay laga dejiyey hubka uu siday oo uu sheegay in aanay ilaa hadda ogayn cidda leh iyo halka lagu waday toona.
“Waxa aan jecelahay in aan caddaynon markabka MV. SHAKIR ee hubka siday in aannu ka dejinnay hubkii xalay (habeenkii Isniinta), waxaannu hubkaasi ahaa mid aannu garan weynay cid leh iyo meel uu u socdo midna. Inkastoo aynu nahay dal aan caalamku ictiraafsanayn, haddana waxaynu nahay dal isagu is-ictiraafay, kana mid ah caalamka, meel muhiim ahna kaga yaal qaaradda Afrika iyo mandaqadda Geeska Afrika, maadaama cuna-qabatayn dhinaca hubka ah saaran tahay meelo ka mid ah dalalka Geeska Afrika arrintaas awgeed, hubkaas waannu qabanay, waanan dejinnay, waxaannu ku jiraa gacan aamin ah,” ayuu yidhi Md. Warancadde.
Waxa kaloo wasiirku faahfaahin ka bixiyey noocyada hubka markabka laga dejiyey, waxaannu yidhi; “Hubka la qabtay waxa uu isagu jiraa toddoba nooc. Beebeeyo ayaa ku jira, madaafiic waaweyn ayaa ku jira, baabuurta gaashaaman ee ciidammada qaada ayaa ku jira, kuwo kale oo gaashaaman iyo hub fudud oo saarnaa ayaa ka mid ah, doonni weyn oo ku dagaalka ah, aadna u qiimo badan ayaa ku jirta.”
Sidoo kale, Wasiirka Daakhiligu waxa uu ka jawaabay eedaymo ka soo yeedhay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo hore ugu eedeeyey Somaliland inay leedahay hubka markabka Dekedda Berbera lagu qabtay, isla markaana gacan-saar ka dhexeeyo dagaalyahannada Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya.
“Ninkaa (Wasiirka Amniga Puntland) hadlay wuxuu runtii waxyeello weyn ku yahay wadahadalkii iyo wanaaggii naga dhexeeyay Puntland, waxaannu u egyahay nin aan xataa u war hayn siyaasadda dawladdiisa ama maamulkiisa, waxaannu ummadda Somaliland u muujiyey cadaawad aad u fool xun oo waxyeeli karta cilaaqaadka labada dal. Wuxuu ka been sheegay hubkan iyo waxa uu yahay. Markii aannu qabanay hubka markanbka saaran laba saac kadib waxaannu u sheegnay Qarammada Midoobay. Waxaannu u sheegnay Monitoring Group (Guddida Korkeerka Hubka ee UN-ka) in hubkaasi yahay hub aannu qabanay oo dekedda Berbera ku qabannay.”
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Ninka isagu wax wata amma hub uu leeyahay la soo degaa iskuma qayliyo oo caalamka uma sheego, markaa arrintaas waxaannu u aragnay arrin cadaawad ah. Tusaale ahaan; bulshada gobollada bari ee Sool iyo Sanaag wuxuu ku sheegay argagixiso, taasoo meel-ka-dhac ku ah bulshada gobolkaas deggan iyo inuu waxyeelaynayo cilaaqaadka naga dhexeeya annaga iyo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waana arrin ay ka muuqato xumaan, xiqdi iyo xasad.”
Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa ku sifeeyey Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Puntland nin aanwax aqoon ah u lahayn hawlaha amniga, xog badanna ka haysan markabka hubka siday ee dawladda Somaliland qabtay.

Tallaabadda Xukuumadda Somaliland Kusii Deysay Markabka Hubka Siday Oo Kashiftay Heerka Dublamaasiyadeeda

Hargeysa(ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in sii deysay maanta Markab lagu magcaabo Shakir 1 oo lagu qabtay dekedda Berbera 24 January 2015, kaas oo shalay laga dejiyay hubkii saarnaa.

Wasiirka Arrimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay maanta in lasii daayay Markabkaa. Kadib markii sida uu sheegay xidhiidh is faham ay ka gaadheen labada dawladood ee Somaliland iyo Sudan oo sheegatay Markabka sida uu sheegay Wasiirku, isagoo tilmaamay in cilaaqaad wanaagsan ka dhexeeyo labada dal. Sidaa awgeed ay go’aansadeen xukuumad ahaan in lasii daayo markabka iyo Hubkii saarnaa.

Go’aanka xukuumadda Somaliland, ayaa yimi saaco kadib markii shalay Wasiirka Arrimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka soo laabtay safar uu ku joogay dalalka Yurub, isla markaana markii uu soo gaadhay madaarka Hargeysa, saxaafada u sheegay in caalamku si weyn ugu hambalyeeyey tallaabada Somaliland ku qabtay markabka hubka siday, isagoo xaqiijiyey in waddamada Suudaan iyo Djibouti ka codsadeen in baadhitaan sugan lagu sameeyo markabkaas oo dawladda Somaliland kala degtay hubkii saarnaa, balse saaka ayuu wasiirku mar kale saxaafada u xaqiijiyay inay sii daayeen Markabka iyo Hubkii saarnaa

Sidoo kale is bedelka sii deynta Markabka, ayaa kusoo beegnatay saacado kadib markii xukuumadda Somaliland Markabka ka dejisay Hubkii saarnaa shalay, isla markaana Maxkamaddi ku socoto Markabka oo ay u raaci doonaan go’aanka ay kasoo saarto sharci ahaan sida uu shalay warbaahina u sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade.

Dhawaaqyada Masuuliyiinta Xukuumadda ee Markabka oo ay u dhexeeyeen saacado yar, ayaa ka cadhaysiiyay rayal Caamka Bulshada Somaliland ee indhaha ku hayay Markabkaa iyo go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadatay, balse waxa layaab ku noqotay Bulshada dhawaaqyada is burinaya iyo go’aamada qaawiyay anshaxa dublamaasiyada ee saacadihii u danbeeyay xukuumadda Somalialnd kaga hadlaysay arrinta Markabka, taas oo lagu tilmaamay mid si cad u muujisay in aanay masuuliyiinta Xukuumaddu ahayn kuwoka wadda socda hawsha Markabka ee mid walba gaarkiisa uga hadlayay, isla markaana ay meesha ka masqantahay siyaasad midaysan oo ku dhisan anshaxa masuuliyada iyo Dublamaasiyada marka ay dhacaan arrimahan oo kale.
Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face