Share this:

" />
Published On: Sun, Nov 16th, 2014

Al-shabaab Oo Duqayn Ku Casharisay Madaxtooyadda Villa Somalia Iyo Sarkaal Lagu Dilay Qarax

Smiley face

qaraxmuqdishoMogadishu(ANN)Madaafiic Hoobiyayaal ah, ayaa lagu cashiriyay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho caweyskii caawa, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday dhismayaasha ay leeyihiin Safaaradaha Ethiopia iyo Djibouti oo ku yaal xayndaabka madaxtooyada.

Weerarka Madaafiicda lagu garaacay Madaxtooyadda Villa Somalia iyo dhismayaasha ku dhow, waxa sheegatay Al-shabaab, balse madaafiicdaa oo kusoo beegmay xili khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh sii xoogaysanayo ayan la ogayn in ay wax khasaare ah geysteen.

Dhinaca kale weerar Qarax ah oo ka dhacay wadada Maka Al-mukarama, waxaa ku nafwaayay Saraal ka tirsan Dawlada oo ka mid ahaa saraakiisha ka hawlgasha Madaarka Muqdisho.

Weerarada qorshaysan iyo qaraxya ayaa sii batay mudooyinii u danbeeyay Magaalada Muqdisho, waxayna maalmahan danbe kusoo beegmayaan xili ay taagantahay xiisada siyaasadeed ee khilaafka Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face