Share this:

" />
Published On: Mon, Feb 15th, 2016

Al-Shabaab Oo Gacanta ku Dhigtay Diyaarad Kuwa Drones-ka Ah Iyo Weerrar Lagu Qaaday Saldhig Maraykanku Leeyahay

Smiley face

Araweelo News Network

usdaroneKismaayo(ANN)Al-shabaab ayaa sheegatay weerrar lagu qaaday Saldhig ku yaal magaalada Kismaayo ee Konfurta Somalia. Sidoo kale wrarka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad Dagaal oo dowladda Mareykanka leedahay ay kusoo dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan ciidamadda Al-shabaab.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa shaacisay weerrarka iyo inay gacanta ku dhigeen Diyaarad Drone ah oo ay ku rakibanyihiin 6 gantaal ay ku dhacday dhulka Buralayda ah ee Shan dacaar oo 70 KM u jirta magaalada Baardheere.

Sidoo kale Wararka ka imanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Al-shabaab weerrar hubeysan ku qaaday maanta saldhig dhinaca cirka ah oo Maraykanku ku leeyahay Kismaayo, kaasoo xiliga la weerraray ay ku sugnaayeen saraakiil Milateri oo Maraykan ah.

Weerrarka oo dhacay maanta gelinkii dambe waxay Al-shabaab u adeegsadeen madaafiic , balse lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerrarkaa, mana jiro wax war ah oo dawlada Maraykanku kasoo saartay weerrarka Al-shabaab sheegatay ee saldhigaa iyo diyaaradda ay sheegeen inay kusoo dhacday deegaanka ay gacanta ku hayaan.

Saldhiga Al-sabaab weerrartay, wuxuu Maraykanku dhowaan ka sameeyay halkaa kadib markii uu xidhay Saldhiga Milateri oo uu ku lahaa dhinaca Koonfureed ee dalka Ethiopia, kaas oo diyaaradaha Drones-ka ee weerrada ka fuliya adeegsan jireen.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face