Share this:

" />
Published On: Sat, Sep 19th, 2015

Al-shabaab oo guullo ka sheegatay dagaalo ay la gashay ciidamada kenya iyo kuwa dawlada somalia

Smiley face

Alshabaab1Geddo(ANN)Taliska ciidanka xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo dhiigbadan ku daatay oo ay sheeger in ciidamadoodu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollo dhaca Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Sheekh CabdiCaziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Islaamiga Andalus ku sheegay in dagaallo khasaara xooggan dhaliyay oo ciidanka Kenya ku qabsaday gobolka Geddo iyo dagaalkii shalay ka dhacay Yaaqbari weyne oo sida uu sheegay ciidamada Mujaahidiintu ay si buuxda kula wareegeen deegaanka.

Abuu Muscab waxa kale oo uu sheegay in dagaallo saaka waaberigii hore ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmooyinka Baardheere iyo Ceel-cali lagu dilay 15 Askari Kenyan ah, islamarkaana gaadiid dagaal ày ku qabsadeen.

Sidoo kale Afhàyeenka Al-shabaab Sheekh Abuu Muscab, wuxuu sheegay in dagaallo ka dhacay gobollada Shabeelaha Hoose,Hiiraan iyo Galguduud ay guullo ka gaadheen.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face