Share this:

" />
Published On: Mon, Apr 4th, 2016

Al-shabaab oo Markii ugu Horreysay ka Hadlay Duullaankii ay ku Qaadeen Xeebaha Puntland

Smiley face

 Araweelo News Network

Ciidamada Puntland oo kusii jeeeda deegaanka Siiji

Ciidamada Puntland oo kusii jeeeda deegaanka Siiji

Muqdisho (ANN)Afhayeenka kooxda Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere), ayaa markii u horreysay ka hadlay duullaan dagaalyahannadoodu ku qaadeen degaannada xeebaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland badhtamihii bishii la soo dhaafay ee March.
Sh. Cali-dheere oo la hadlay warbaahinta taageera Al-shabaab shalay, ayaa xusay in duullaankii ay Puntland ku qaadeen hadafkiisu ahaa sidii shareecadda islaamka loo gaadhsiin lahaa degaannadaas, isagoo ku dooday haddii aan cadowga laga hortegin inuu dalku galayo gumeysi.
“Waxay 14-kii March 2016, Mujaahidiintu weerar ku qaadeen deganno ka tirsan gobollada woqooyi-bari ee Puntland, hadafka duullaankaasna wuxuu ahaa sidii shareecadda Alle loo gaadhsiin lahaa,” ayuu yidhi Afhayeenka Al-shabaab.
“Mujaahidiintu waxay dagaalladaas ku bixiyeen naf iyo maal, iyagoo Alle talo saartay, qaddarkiisana raalli ku ah. Waxaan leeyahay xoogaggii duullaankaas fuliyay Alle ha idinka abaal-mariyo. Allaah waxaan weydiisaneynaa inuu shuhadadiinna aqbalo, dhaawaciinna caafiyo, kuwiinna maxaabiista ahna soo badbaadiyo.”
Hase ahaatee, Afhyeenka Al-shabaab marna ma soo hadal-qaadin khasaaraha dagaalyahannadoodu kala kulmeen duullaankii ay ku qaadeen degaannada Puntland, sida dhimashada, dhaawaca iyo weliba tirada maxaabiis ahaan looga qabtay.
Dhanka kale, Sh. Cali-dheere ayaa ugu baaqay beelaha Puntland inay wax walba oo khalad ah oo ka dhacaya joojiyaan, isagoo xusay in maamulka ay la safan yihiin yahay mid u adeega cadowga Islaamka.
Hadalka Afhayeenka waxa uu ku soo beegmay toddobaad kadib markii maamulka Puntland sheegeen inay soo afjareen dagaallo culus oo ay ciidankoodu la galeen xoogagga Al-shabaab, isla

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face