Share this:

" />
Published On: Thu, Apr 26th, 2018

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw Oo Lagu Riday Xukun Shan Sannadood Ah Iyo Dhaliilo Loo Jeediyay Nidaamka Xukunka Loogu Riday

Smiley face

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, ayaa xukun shan sanno oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu magaca dheer Somaliland. kadib markii saaka la keenay maxkamadda.

Boqor Cismaan, wuxuu guddoomiyaha maxkamadda gobolka, ahna garsoorihii xukunka riday Axmed Dalmar Ismaaciil u cuskaday xukunkiisa, wuxuu ku sheegay in Boqor Cismaan denbi ka galay qaranka, wuxuuna ku dhawaaqay xukunka uu ku riday.

Xildhibaan Ibraahin Carraale oo la socday Boqor Cismaan, ayaa sheegay in nidaamka dacwada xukunka ku dhacay Boqor Cismaan aanu ahayn mid waafaqsan nidaamka garsoorka, isla markaana laga diiday Boqor Cismaan inuu qabsado qareeno si uu isu difaaco, taas oo Xildhibaanku sheegay inay ahayd xaq dastuuri ah oo muaadinku leeyahay.

Sidoo kale Xildhibaan Ibraahin Carraale, ayaa sheegay in Boqor Cismaan laga diiday dalabkiisa ahaa in laga bedelo garsoorahaa dacwada gacanta ku hayay, balse aan waxba laga dhegeysan, isla markaana uu xukunka sidaa ugu riday, isagoo ku xukumay 5 sanadood oo xabsi ah, wuxuuna Xildhibaan Ruush Arrimahaa ku tilmaamay kuwo aan nidaamka garsoorka iyo cadaaladda waafaqsanayn.

Xildhibaan Ruush, wuxuu sheegay in aanay ku fiicnayn dowladnimada iyo madax-bannaanida garsoorka Somaliland,wixii ka dhacay Maxkamadda oo sida uu sheegay uu goob joog u ahaa, isla markaana aan loo ogolaan Boqor Cismaan inuu is difaaco oo haddii uu denbi yeesho sida muwaadiniinta kale lagu qaado, haddii lagu waayona xoriyadiisa loo celiyo.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud buur-Madow, ayaa la xidhay Khamiistii todobaadkii hore, isagoo kasoo laabtay xaflad caleemo saar madaxdhaqameed uu kaga qayb galay dhinaca maamul goboleedka Puntland, balse waxa lasii daayay sabtidi todobaadkii hore oo xoriyadiisa loo celiyay, iyadoo lagu sii daayay damiin.

 

Xidhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa ka dhashay xadhigiisa horaantii todobaadkan mudaharaadyo lagu diidan yahay oo ka dhacay qaar ka mid ah deegaamada Bariga Somaliland, balse waxa lasii daayay maalin kadib, iyadoo maanta maxkamadda dib loogu celiyay, isla markaana lagu riday xukun shan sannadood ah.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa sidan oo kale loo u xidhay Xukuumadihii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Daahir Rayaale, iyadoo xiliyadaana loo xidhay arrimo siyaasadeed, waxaase lasii daayay muddo kadib, markii maxkamadda la hor geeyay.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face