Share this:

" />
Published On: Fri, Jan 23rd, 2015

Boqorkii Sucuudiga Oo Xijaabtay

Smiley face

KingAbdallah1Riyadh(ANN)Boqorkii Dalka Sucuudiga Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al- Sucuud, ayaa xijaabtay, isagoo dadiisu ahayd waqtigan 91 jir. Sidaana waxa caawa oo Jimace 23 Janury 2015, baahiyay Telefishanka Qaranka Sucuudiga oo soo xiganayay qoraal Maxkamadda sare ku xaqiijisay geerida Boqor Abdallah.sida ay faafisay wakaaladda wararka (Associated Press) ee loo soo gaabiyo AP.
Amiirka, ayaa mudadii uu xukunka Dalka gacanta ku hayay xidhiidh dhow la laahaa dalalka reer galbeedka oo ay iska kaashanayeen la dagaalanka Argagixisada loogu yeedho al-Qaida, isagoo isbahaysi dhow oo ku waajahan dagaalka muslimiinta mayalka adag la lahaa xukuumadda Washington.
Abdallah wuxuu ahaa Boqorkii 6aad ee soo mara xukunka mudadii ay qoyska reer Boqor xukumayeen Dalka Sucuudiga, wuuxuna  xilka ka dhaxlay walaalkii Boqor Fahad, wuxuu mudadii uu xilka hayay sameeyay siyaasad fur-furan, isagoo dalka Sucuudiga wax baddan kusoo kordhiyay, isla markaana hoos u dhigay xaalado laga cabsi qabay inay kacdoonadii galaaftay hoggaamiyayaal baddan oo Carbeed ay saamayn ku yeeshaan xukunkiisa.

Geerida Boqor Abdallah ayaa kusoo beegantay xili xaalada dalka Yemen ee ay jaarka yihiin qalalaase ka taaganyahay, iyadoo aan la ogayn saamaynta ay ku yeelan karto xaalada.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor.

2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance.

contact:
Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

+ 252 63 442 5380

+ 252 63 4764409

+ 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face