Share this:

" />
Published On: Sun, Dec 27th, 2015

Buugaagta Mulkiilaha Facebook Akhriskooda Kula Taliyo Cid Kasta

Smiley face

Araweelo News Network
Qaybtii 2aad

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg


Buugga ‘Why Nations Fail ‘ee ay qoreen Daren Acemoğlu iyo James Robinson
Buugga “Why Nations Fail” ee macnahiisu yahay sababmay qarannadu u dumaan, kaasoo ah cilmi-baadhis muddo 15 sannadood ah socotay oo ay wadeen Daren Acemoglu oo ah dhaqaaleyahan ah iyo James Robinson oo cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacada Harvard, waxa uu ka mid yahay buuggaagta saamaynta ku leh adduunka ee la daabacay 2012-kiii.
Qorayaasha buuggan waxa ay ku doodayaan in xukuumaddaha jiraa qaar ka mid ah si xoog ah ku maamulaan awoodda dalka dad tiro yar, halka qaarna ay furaan suuq furan oo muwaadiniinta u ogolaada in ay lacagtooda ku maalgashadaan waxa ay doonaan si xor ah, balse kobocaas dhaqaale aannu tilmaamayn in dalkaas muddo dheer sii jiri karo.

Mulkiilaha Facebook oo ah hantiile waxa uu qoray inuu buugan u doortay sidii uu si fiican ugu fahmi lahaa asalka keena saboolnimada.

Buugga ‘The Rational Optimist’ ee uu qoray Matt Ridley

Buugga “The Rational Optimist” amma caqliyada waaqicinimada oo la daabacay 2010-kii waxa uu ka mid yahay buuggaagta ugu caansan ee loogu muranka badan buuggaagta uu qoray saynisyahanka Matt Ridley.

Qoraagu macne ahaan waxa uu ka hadlaya in suuqyadu yihiin ilaha horumarineed ee bulshada, horumarkaasna uu xawli ku socda marka xor uu yahay suuqu. Natiijada ka soo baxdaana ay bani’aadamka u ogolaato in ay noloshooda horumariyaan, marka laga yimaado isbeddelka cilmilada iyo korodhka bulshada ku yimaada.
Haddaba, Mr. Zuckerberg waxa uu sheegay in buuggan uu ku doortay inuu aragti ka duwan buugga “Sababmay qarannadu u burburaan?” xambaarsan yahay, kaasoo isagu ka eegaaya dhinaca bulshada iyo siyaasaddu in ay saamayn dhaqaalaha ku leeyihiin.

Buugga “Portfolios of the Poor” ee ay qoreen Daryl Collins, Jonathan Marduch, Staurt Ruthefrod iyo Orlanda Ruthven.

Buuggan afarta qoraa isugu tageen ee ka hadlaaya ururiska asbaabaha saboolnimada oo ah cilmi-baadhis muddo 10 sannadood ah la samaynaayy oo laga sameeyey dadka baqadaha hoose ee Bangladesh, Hindiya iyo Koonfur Afrika waxa uu xambaarsan yahay kala duwanaanshaha nololeed bulshada, gaar ahaan meel dadka qaar hal doollar wax ka yar ku nool yihiin maalintii iyo meelo qofku waxa uu doono iibsado.

“Waa wax maskaxda aanay qabanayn in kala badh dadka adduunka oo ku dhawaad ah 3 milyan oo qof ay maalintii ku nool yihiin $2.50 dollar amma wax ka yar. Tiro ka badan hal milyan oo qof waxa ay maalintii ku nool yihiin $1 amma wax ka yar. Wax aan rajaynayaa akhrinta arrimahan in ay qofka siinayso aragti fog oo ku salaysan sidii dadka shaqo loogu abuuri lahaa,” ayuu ku qoray Zuckerberg oo ka hadlaayey faa’iidada Buuggan.
Buugga “The Three-Body Problem” ee uu qoray Liu Cixin

Buugga “The Three-Body Problem” ee macnahiisu yahay saddexda dhibaato ee jidhka oo markii ugu horraysay lagu daabacay Shiinaha sannadkii 2008-dii, luuqada Ingiriisigana lo turjumay dabayaaqadii 2015kii, kuna guulaystay abaal-marinta Hugo Award ee ah noofalka ugu iibka fiicnaa iyo waliba bilada kale ee Sci-fi Book oo ah bugga sannadka waxa uu ka mid yahay buuggagta uu akhrintooda mulkiilaha Facebook waqtigiisa ku lumiyo.

Waxa uu ka hadlaya kacaankii dhaqanka (Cultural Revolution) ee dhacay waqtii uu hoggaanka Shiinaha hayey Mao Zedong iyo waliba waqtiyadii shiinuhu hawada u diray signal sii uu bal wax uga ogaado in ay jiraan quruumo kale oo samada ku nool. Waqtigan buuggu ka hadlaya waa waqtiii casriga Shiinuhu bilaabmay iyo horumarka dhinaca awoodaha dhaqaale ah.
Sidaa darteed, qoraaga Facebook waxa uu buuggan ku tilmaamay mid cilmi iyo aqoon dheeraad ah xambaarsan.
Buuggaagta kale ee uu aadka u akhriyo waxa ka mid ah;
 
· Genome ee uu qorgay Matt Ridley
· ‘Sapiens’ oo uu qoray Yuval Noah Harari
· ‘The Varieties of Religious Experience’ oo uu qoray William James
· ‘The New Jim Crow” The New Jim Crow oo uu qoray Michelle Alexander
· The End of Power’ oo uu qoray Moisés Naím
· ‘Creativity, Inc.’ oo uu qoray Ed Catmull
· ‘On Immunity’ oo uu qoray Eula Biss
· ‘The Player of Games’ oo uu qoray Iain M. Banks
· ‘Gang Leader for a Day’ oo uu qoray Sudhir Venkatesh
· ‘The Structure of Scientific Revolutions’ oo uu qoray Thomas S. Kuhn
· ‘Orwell’s Revenge’ oo uu qoray Peter Huber
· ‘Energy: A Beginner’s Guide’ oo uu qoray Vaclav Smil
· ‘Dealing with China’ oo uu qoray Henry M. Paulson Jr.
· ‘Rational Ritual’ oo uu qoray Michael Suk-Young Chwe

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face