Share this:

" />
Published On: Tue, Jan 26th, 2016

Cabdi Xaaji Goob-doon Weriye Ruug-cadaa Ah Oo Ku Geeriyooday Muqdisho Iyo Raysal-wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay

Smiley face

Araweelo News Network
Omar abdirashiid
Mogadishu(ANN)Allah haw naxariistee Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ahaa Weriye ruug cadaa ah, ayaa ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Ehelada Cabdi Xaaji Goob-doon, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa, waxaana ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Ruug-cadaagii Saxaafadeed Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo xiligan ahaa La-taliyaha R/Wasaaraha ee Arrimaha Saxaafadda, sidoo kalana ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabi yo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay Soomaaliya, tusaale iyo ku dayasho wanaagsana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel walba oo ay joogaan. Marxuumka ayaa xaley saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face