Share this:

" />
Published On: Thu, Mar 31st, 2016

“Cabdiraxmaan Cirro Muu Oggalaan Diiwaan-gelinta La Hakiyey, Muuse Biixi iyo Faysal-na Wanjal Been Ah Ayey Ka Sameeyeen.”.Axmed Muumin Seed

Smiley face

Araweelo News Network

MuuminseedHargeysa(ANN)Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI .Axmed Muumin Seed, ayaa beeniyey in guddoomiyaha xisbigooda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu oggalaaday go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku hakiyey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wanjal been abuur ah ay ka sameeyeen guddoomiyeyaasha xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, isla markaana ay umadda u sheegeen wax aan ka soo bixin af-ka guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro.

Md.Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayey munaasibad ay qabsadeen garabka haweenka Xisbiga WADDANI oo u debaal-degaayey sannad guuradoodii 1aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas aasay, waxaana uu ugu horreyn hambalyo iyo boggaadin ballaadhan uu u diray guud ahaanba haween weynaha xisbiga WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii ugu horreeyey ee intii asxaabta siyaasaddu ay jirtay hirgeliyey in uu aas aaso garab haween oo iyagu dhexdooda si dumuqraadi ah isku soo doorta.

Halkan Ka Daawo Hadalka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee WADDANI oo dhamaystiran Riix

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face