Share this:

" />
Published On: Sun, Sep 20th, 2015

China Oo Maalgeliyay Mashruuc $ 470 Milyan Ku Kacay Oo Lagu Yagleelay Tareeno Isaga Gooshaya Caasimadda Ethiopia

Smiley face

tereenadaaddisababAddi’s-Ababa(ANN)Dawladda Ethiopia, ayaa shaacisay inay magaalada Addis- Ababa ka bilawday khad tareen oo magaalada gudaheeda ka shaqaynaya, kaas oo ah mashruuc cusub oo uu maalgeliyay Bangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China.

Khadka Tareenada, ayaa isticmaalaya Koronto, waxaana ku baxday $ 470 milyan oo lacagta Marayka ah, Tareenadan oo isugu jira kuwo leh Midabo cadiin iyo cagaar ah iyo kuwo Buluug iyo cadaan ah waxay ka shaqayn doonaan 34 km oo magaalada gudaheeda, waxaana lagu qiyaasay inay halkii saac qaadi karaan 60 kun oo rakaab ah.
Dad lagu qiyaasay hal milyan oo qof, ayaa la sheegay inay maalintiiba adeegsan doonaan, iyadoo qiimaha lagu raacayo uu noqon doonaa wax ka yar doolar badhkii, $ 50 cent.

Qorashaha Mashruucan, ayaa noqday mid si weyn u iftiimiyayay saamaynta iyo raadadka horumarka dhinaca dhaqaallaha ee Dawlada China ku leedahay Afrika, iyadoo khadka cusub ee Tareenada oo ay dhiseen Khuburo China ah.

Xukuumadda Ethiopia oo soo dhowaysay mashruucan, ayaa sheegtay in tareenadani ay shaqayndoonaan 16 saacadood maalin kasta, isla markaasna ay wax wayn katari doonaan saxmada iyo cidhiidhiga ka jira wadooyinka magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face