Share this:

" />
Published On: Sat, Sep 5th, 2015

Dalalka Khaliijka Oo Dhirbaaxo Kulul Kala Kulmay Xuutiyiinta Iyo Xulufada Madaxweynihii Hore Ee Yemen

Smiley face

Maydadka askarta imaaraadkaSanca(ANN) Dalalka Khaliijka ee hoggaaminaya dagaalka lagu hayo Xuutiyiinta dalka Yemen iyo xulufada Madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax, ayaa dhirbaaxo kala kulmay weerar gantaal ah oo lala beegsaday xero ciidamo u dhashay Sacuudiga iyo Imaraadku ku lahaayeen dalka Yemen.

Dawlada Sucuudiga, ayaa sheegay in ilaa 10 ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar shalay ka dhacay dalka Yemen. Sidoo kale 45 ka mid ah ciidamada dalka Imaraadka EAU, ayaa ku dhintay weerarkaa. Sida lagu baahiyay wakaaladaha wararka.
Warar kale ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 ka mid ah Askarta Baxrayn ku dhinteen weerarkaa oo noqonaya khasaarihii ugu xumaa ee soo gaadha ciidamadooda dagaalka kula jira Xuutiyiinta iyo askarta Madaxweynihii hore ee Yemen.

Diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga, ayaa jawaab deg deg ah oo aargudasho ah ka bixiyay weerarkaa, waxayna beegsadeen goobo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta iyo xulufadoodu gudaha magaalada Sanca, iyagoo duqaymo aan loo aabo yeelin la beegsaday goobo xataa ay ku jiraan xaafado dad shacab ah degan yihiin.

Waxayna wararka qaar sheegayaan in weerarada duqaynta ah ay ku dhinteen ugu yaraan dad shacab ah oo daraasiin ah, kuwaas oo ku sugnaa goobaha magaalada Sanca ee ay beegsadeen diyaaradaha xulufadu. Dadka ku dhintay weerarada waxa ku jira sida ay sheegayaan wararku Haween iyo caruur.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face