Share this:

" />
Published On: Wed, Nov 18th, 2015

Dawladda Kanada Oo Joojisay Xeer Lagu Mamnuucayey Xidhashada Niqaamka

Smiley face

haweenay xijaabanOttawa(ANN)Xukuumadda cusub ee dalka Kanada (Canada) ee waqooyiga Qaaradda Ameerika, ayaa dib uga joogsatay racfaan ay Maxkamadda Sare kaga go’aaminaysay in la mamnuuco gebi ahaan xidhashada niqaamka oo ay isku asturaan haweenka islaamka ah, kaasoo dhawaan golaha sharci-dejinta ee dalkaas sameeyeen.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Kanada Mr. Jody Wilson-Raybould, ayaa sheegay inuu Maxkamadda Sare u sheegay in dawladiisu dib uga noqotay olole ay ku jirtay oo ahaa ansixinta iyo hirgelinta xeer niqaamka lagu mamnuucayo, sidaas darteedna hadda la ogolaanayo xidhashada niqaamka.

“Kanada waxa ku nool dad kala gedisan, waana awoodda ay ku fadhido, maanta waxa aannu caddaynaynaa in muwaaddiniinta guulaystay ee murrashaxiinta doorashada dalkaas ay qoysaska Kanada mideeyeen, waxa aannu ku midaysanahay kala duwanaanshaha.” Ayaa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Socdaalka ee dalka Kanada.

Xisbiga talada dalka Kanada ku guulaystay ayaa ay taageereen dadka muslimiinta ah, kadib markii uu ballanqaaday inuu u ogolanayo xaqa ay u leeyihiin xidhashada xijaabka ee ay jidhkooda ilaa indhaha ku qariyaan haweenka muslimka ah.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face