Share this:

" />
Published On: Tue, Mar 22nd, 2016

Dhagarta la Dugsanayo

Smiley face

“Nabaddeena waxaa ka masuul ah Guurtida seexatay iyo Salaadiinta ku milantay Siyaasadda amma Culimada ku mashquulay Abu Bidaarka”by, Maxamad Cabdi Daa’uud

AXMEDCABDIDAAUUD
Dhagar-qabaha oo la dilo ayey ku jirtaa nolashiinu. Waa macnaha ay gudbinayso Aayadda 179aad ee Suuradda Al Baqara. Dhinaca kale haddii aad isha mariso 25ka-50ka Aayadood ee Suuratul Maa’ida, waxa uu Quraanku kuu iftiiminayaa taariikhdii dheerayd ee ay lahayd dhagartu, intii uu Aadanuhu jiray ilaa maanta, waxa sababa iyo sida ay Diimaha Yuhuudda, Kiristanka iyo Muslinkuba u maareeyeen dhagartaas. Hal-ku-dhegga saddexdaas Diimood, sida uu Qur’aanku sheegayo, mar kasta waxa uu ahaa; in diintii Ilaahay laga fara-baxay, haddii maaraynta iyo xukunka Ilaahay la dabbiqi waayo.
Waa arrin adag oo u baahan in la is dul taago. Qofka dila qof kale, haddii aan lagu fulin xukun dil ah, waa diin la’aan. Qur’aanku intaas kumuu dayn, ee waxa uu yidhi; xukunkaas nolashiina ayaa ku jirta. Taas macnaheedu waxa weeye, marka aynu fulino xukunka Ilaahay ayey yaraan doontaa dhagartuna, oo laga maagi doonaa dilalka keeni kara aargoosi, dagaalo sokeeye, qas iyo jaha-wareer aan lahayn meel uu ku bilaabmo iyo meel uu ku dhammaado.
Aqoonta maadiga ah, waxa ay xustaa inta la og-yahay, in xukunka dilka ah ee lagu fuliyo dhagar-qabuhu soo taxnaa ilaa 3,700 (saddex kun iyo toddoba boqol) oo sannadood. Marka laga soo bilaabo Xadaaraddii Ciraaq (Babylon), ilaa laga soo gaadho tii Giriigga iyo Roomaanka. Dambiyada dartood, qofka lagu dilaa waxay ahaan jireen kuwo kala duwan, sida dhagarta, jid-goyada, kufsiga, siyaasadda, basaasidda iyo khiyaamo qaran. Taas ayaa keentay maanta in xukunka dilka ah murankiisu bato. Isbahaysiga Yurub iyagu gabi ahaanba wuu ka soo hor jeedaa xukunkaas dilka ah, xuquuqda aasaasiga ah ee qofka ayaannu ku daray in aan xabsi mooyee, sinnaba xukun dil ah lagu qaadin dhagar-qabaha. Laakiin Dawladaha adduunka ugu dadka badan, sida Maraykanka (USA 34 Gobol oo ka mid ah), Shiinaha, Hindida iyo Indooniisia ayaa iyagu ka duwan reer Yurub oo adeegsada xukunka dilka ah, si ay u xakameeyaan dambiyada ay ka mid yihiin dhagartu, fidinta maandooriyahu iyo kufsigu. Murankan adduunyada ka jira waxaa sal u ah, sida kolba ay dambiyadu dalalka ugu kala badan yihiin. Matalamba haddii dalka ay dhagartu ku badato, waxaa qasab ku noqonaya dalkaas inuu adkeeyo xukunka dhagarta, si uu arrinkaas u maareeyo, waana ta lama-dhaafaanka u ah Aqoonta Diineed.
Sannadkii 2007kii, haddii aynu eegno dalalka fuliya xukunka dilka ah, waxaynu arkaynaa Maraykanka oo siddeeddii milyanba, hal qof oo keli ah lagu fuliyay xukunka dilka ahaa. Shiinahana halkii milyanba in 3 qof lagu fuliyay xukunkaas. Paakistaan iyo Ciraaq, halkii milyanba hal qof baa lagu fuliyay xukunka dilka ah. Iiran halkii milyanba 4 qof … Sucuudigana halkii Milyanba 5 qof baa lagu fuliyay qisaasta dilka. Ha moogaan, dadkaas kor ku xusani, kulligood may gaysan dhagar, ee waxaa ku jira dad geystay dambiyo kaloo qofka loo dilo, sida kufsiga iyo ka ganacsiga maan-dooriyaha.
Warbixintii Booliska Somaliland ee 2007-kii, oo aan filayo inay wadatay dhagarihii ugu yaraa tobankii sanno ee ugu dambeeyay … waxay sheegtay in sannadkaas ay dalka ka dhaceen dilal gaadhaya 83 dil, kuwaas oo ay sheegtay in 55 gacan-ku-dhiigle, boolisku gacanta ku dhigeen, halka 23 kalena ay ka baxsadeen, oo lagu daba jiro. Waxaa hubaal ah in dilalkaas badankoodu ay ahaayeen dhagar ula kac ah, oo kama’u ku yar yahay.
Bal haddaba haddii tiradeennu guud ahaan ay tahay saddex milyan, ugu yaraanna aan ka soo qaadno 51 dhagarood oo ula kac ahi inay dhaceen sannadkii 2007. Taas macnaheedu waxa weeyi in Somaliland halkii milyanba, 17 qof oo ka mida si ula-kac ah loo dilo sannad walba. Tan haddii la barbar dhigo halbeeggii hore ee dunida, Sucuudiga oo kale matalamba, shanta qof ee u qorani kulligood dhagar may ahayn ee sidaynu hore u sheegnay, waxaa ku jira oo shanta ka mid ah, kuwii wax kufsaday iyo kuwii ka ganacsanayay maaandooriyaha. Halka sannadkaas, 17 ka qof ee Somaliland, kulligood ay dhagar qabayaal ka ahaayeen. Halkaas ayey Somaliland ku jabisay ’Record’kii ama xogtii u taalay adduunka ee ku saabsan dilalka ka dhaca. Markaas waxay Somaliland noqonaysaa dalalka adduunka ee nabdoon ta ugu dhagarta badan.
Fulin la’aanta xukunka diinta ka sokaw, waxaa iyana dhiirigaliya dhagarta, oo uu qur’aanku inoo sheegay damaca iyo duudsiga ku abuuran Aadmiga, kaas oo isna u baahan xakamayn iyo sharci dabbaala. Qaska ugu badan waxa uu Somaliland ka haystaa damaca iyo lahaanshaha dhulka.
Ilaa hadda ma hayno shuruuc dhaqan gal ah oo la fuliyey, oo dhulka ku soo celisa gacanta Dawladda. Dhulkeenu, xeebta ilaa xadka, waa seerayaal qarfo ah oo anfaaci daayoo aan xataa calaamad lahayn, laakiin dadweynuhu sheeganayo oo uu ku kala iibsanayo malaayiin Doolar. Taas waxaa ka daran Dawladda oo aan ka helin wax cashuur ah iibkaas iyo kala wereejintaas. Seerayaashaasi waxa ay toos uga hor imanayaan shareecadda Islaamka oo mamnuucaysa seero qarfo ah oo aan ahayn seeraha Ilaahay iyo Rasuulkiis. Xadiiska Saxiixa ah ee ku yimid Bukhaari, ee uu soo werinayo Ibnu Cabaas, ayuu Rasuulku ku laalayaa seerayaasha qarfada ah ee layska ooto:
لا حمى إلا لله ولرسوله. Kaas oo maanta u dhigmaya dhulka qarfada ah, oo ay tahay inuu Dan Guud noqdo, inta loo helayo Maalgelin.
Xaaladda dhulka ee Somaliland ma jirto meel ay adduunka ka shaqaysaa iyada oo kale. Matalamba dalka Jabuuti, oo yaraantiisa bed ahaan aan ka war-qabno, dhulkiisu wuu wada bannaan yahay, gacanta dawladda ayaanu ku jiraa. Sidaa darteed, ayaanay u jirin cid isku dishaa lahaanshaha dhulka. Maxaynu kaga duwan nahay adduunka kale? Su’aashaasi waxa ay mudan tahay malaayiin lacag ah. Dhulka Somaliland waxaa quuta cannaasir xilal ka soo qabtay ama ka haya Dawladaha Hoose, Ta Dhexe, ama Baarlamaanka iyo ganacsatada. Waa inta taladu gacanta ugu jirto. Ma doonayaan in la soo af-jaro xeerarka ama siyaasadda adduunku ku dhaqmo ee ku saabsan Lahaanshaha Dhulka, si uu u yeesho intifaac ka dhexeeya shacabka Somaliland. Sharcigaasi haddii ay wax ka jiraana, ma doonayaan in lagu dhaqmo. Deedna waa gacantaa ha socoto, oo ha la isku dilo dhulka iyo lahaanshihiisa.
Nabaddeena waxaa ka masuul ah Guurtida seexatay iyo Salaadiinta ku milantay Siyaasadda amma Culimada ku mashquulay Abu Bidaarka. Dawladda waa in si wada jir ah loogu dirqiyaa Fulinta Qisaasta oo gannafka lagu dhuftaa talada Reer Yurubkan, aynaan isku diin ahayn, iskuna awood ahayn, ee inoogu talinaya taagtooda! Hay’adaha Dawladdu, siiba Xukuumadda iyo Xeer-dajintu waa in ay keenaan shuruucdii lagu yarayn lahaa dhagarta. Si gaar ahna arrintani waxa ay u taabanaysaa Golaha Guurtida, oo aad mooddo marka ay wax dhacaan uun in ay nabarka dusha ka dhayaan, halka ay la iman lahaayeen dawo lagu bogsado, oo ah shuruucda la xidhiidha nabadda guud. Shuruucdaas waxa ka mid ah in dib loogu noqdo oo la saxo dhaqankeenna, intiisa madaw oo ah in la fakiyo dhagar qabaha, lana duudsiyo xaqa uu lahaa qofka la dilay, oo ah in loo dilo, si ay u yaraato dhagartu. Dhaqankeena intiisa madaw ama bilaa diinta ah waxa ay sasabtaa eheladda marxuunka, kuna qancisaa; barito ayaad idinkuba cid kale dili doontaane, xeer dhigta oo magta iska qaata!
Xeerkaas la dhiganayaa waxa uu burinayaa Shareecaddii Islaamka, oo asalkeedu ahaa qofkii qof dila, in loo dilo. Shareecaddu waxa ay awood u siinaysaa Madaxda Muslimiinta, inay laali karaan mag qaadashada haddii ay u arkaan in dhagartu sidaas ku badanayso. Waana ta uu Qur’aanku ina xusuusinayo in ay nolasheennu ku jirto dilka dhagar qabaha.

Wa Billaahit Tawfiiq

Maxamad Cabdi Daa’uud
madaud@gmail.com
AXMEDCABDIDAAUUD

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face