Published On: Thu, Mar 5th, 2015

Dhiga koofiyadaha, Cumaadaha iyo Bakooraddaha

Smiley face

rashiid sulubDhiga koofiyadaha, Cumaadaha iyo Bakooraddaha
W/Q: Rashiid Sulub Caalin

Marka hore waxaan halkan uga ducaynayaa, una soo jeedinayaa inay u duceeyaan bulshada reer Somaliland Sheekha caanka ah ee sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, isagoo dhowaan qalliin weyn loogu sameeyey dalka India, halkaasoo inantiisu ugu deeqday kelideeda, kadib markii ay fadhiisteen kelyihiisu, waxaanan leeyahay Ilaahay ha ka soo kiciyo qalliinkaas weyn, isagoo caafimaad qabana ha soo nabad celiyo.

Dhinaca kale, waxaaan u mahadnaqayaa Wasaaradda Caafimaadka, Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka, Waaxda Socdaalka, Waaxda Baadhista iyo dadweynihii iska xilsaarayba mustaafurinta 3 qof oo sheegtay inay leeyihiin khibrad caafimaad, laakiin si been-abuur ah dadka caafimaadkiisa ku ciyaarayey, kana shaqaysanayey, iyadoo loo mustaafuriyey markii dambe dalka Kenya. Waxa kale oo mahad leh Dowladda hoose ee Hargeysa oo fulisay arrin in badan laga sugayey oo ah Gaadiidka dab-damista, iyadoo gaadiid iyo shaqaale badan laga hirgaliyey magaalada Hargeysa, waxaanan ku boorinayaa in la sameeyo jeelkii dumarka ee Hargeysa sida uu ii ballanqaaday Duqa Caasimadda Hargeysa, iyagoo dumarku ku mutaysta jeelasha imika jira dhib weyn, baahi weyna loo qabo.

Waxaanan u soo jeedinayayaa masuuliyiinta iyo goobaha ay khusayso arrimahan muhiimka ah ee bulshada loo qabanayo sida ilaalinta caafimaadka dadweynaha, in loo yeesho fiiro gaar ah, lagana digtoonaado arrimaha noocan ah sida suntan cayayaanka beeraha iyo guryaha loo isticmaalo, taasoo si bilaa taxadar ama bilaa aqoon ah ay u adeegsadaan, iyadoo soo jiidi doonta cawaaqib xun oo caafimaadka bulshada ah, lagana faa’iidaysto, lana hawl-galiyo 3 nin oo aqoon gaar ah u leh isticmaalka suntan, oo dowladihii hore dibadaha u direen, kuwaasoo si gaar ah uga shaqayn doona arrintan lana ilaashado inta ay nool yihiin.

Imikana waxaan u soo gudbinayaa dadweynaha reer Somaliland qodobo talo iyo tusaale ah oo qoraalkaygu daarran yahay, lagu yaqaano qoraaladaydana, oo beryahan dambe aanan soo gudbin:

Waxa murugo weyn leh, bulshada reer Somaliland-na u soo bandhigayaa arrin muhiima oo ah sida la og yahay dhallinyarada reer Somaliland ee ahaa xoogga hantida u ah dalkeenna, da’dooduna u dhexayso 20-35 jir ay meesha ka baxayaan, kadib markii mawjado tahriiba ay galeen, halka qaar kalena xabsiyada ku jiraan, kuwo kalena ay balwadi qaadatay.

Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa, danina ina badaysaa in da’da qiyaastii 50-65 jir oo imika ku sugan macne hawl-gab ah, oo ku shaqaysta odayeyn iyo ka shaqaynta maslaxadda dadka, in ay dhigaan koofiyaddaha, bakooraddaha iyo cumaamaddaha, isla markaana u xaytaan danta qaranka Somaliland, buuxiyaana kaalintaas bannaanaatay, iyagoo wax ka qabanaya wax-soo-saarka beeraha, noloshii reer miyiga iyo xoolihii oo loo baahan yahay in dib loo casriyeeyo, waxbararashada I.W.M ee ay qaban karayaan. Waxaanad kaga tusaale qaadataan marka dagaal la galayo in loo yeedho ciidankii kaydka ahaa ee tababarka qaatay, si hawsha culus ee timi loogu xoojiyo ciidankii hore. Sidaasoo kale in la buuxiyo kaalinta ay dhallinyaradu banaynayso.Sida uu awoowgay Ducaale Suldaan sheegay ee uu yidhi ‘dani waa seeto.’

In ay Wasaaradda Caddaaladdu samayso xafiis u gaar ah, khuseeyana dhaarinta Madaxda Qaranka iyo dadweynaha kiisaska ku leh maxkamadaha iyo ciddii ay soo galaysaba, si dadka loogu baraarujiyo aqoon badan oo xagga diinta ah, lana xidhiidha dhaarta iyo cawaaqibkeeda. Sidoo kale wiilasha iyo hablaha is mehersanaya in loo furo marnaamij joogto ah, laguna barayo xaqa iyo xuquuqda ka dhexeeya iyaga, ubadkooda iyo ehelkoodaba.
Beryahan dambe waxaan saxaafadda ka maqlayey tabasho ka imanaysay seediyaashay reer Awdal, iyadoo arrimo dhowr ah u soo bandhigeen dowladda reer Somaliland inay wax ka qabato, runtiina waxay xaq u leeyihiin in wixii la qaban karayo, hagrashana ku jirin loo qabto, lana siiyo. Waxaanan odhan karaa beeshaasi waxay mudan tahay sharaf iyo cisi agteena ah, maadaama ay ka mid yihiin beelaha ugu mihiimsan ee dega geyiga Somaliland. Sidoo kalena waxaan reer Awdal leeyahay samra, wixii aad qabsan kartaan sii qabsada, adduunkii oo dhan ayaaba salag-salaglee. Markaan eego ifafaalahaygana waxa soo dhow waqtigii Ilaahay sheegay ee uu yidhi ‘inta dhulka la duubo sida roogga la tiirin doono.’
Waxaan had iyo jeer ka maqlaa jaraa’idka iyo T.V-yada carruuro dhashaya, dhawr habeenna jiray oo lagu tuurayo meel qashin qub ah ama tiin ah, kuwo kalena suuli lagu rido, hase ahaatee ma maqlo dad lagu tuhmayo arrimahan oo maxkamad la joojiyey, waxna laga qabtay. Sidaa daraadeed xaqa iyo xuquuqda ay inagu leeyihiin ubadkaas yaryar ee la tuurayo in laga abaal-mariyo cidda gabood-falka kula kacday. Sidoo kalena hay’adaha Xuquuqal-Iinsaanka iyo Waaxda Baadhista Dambiyadu inay ka hawlgalaan arrimaha noocan ah. Sidoo kalena dadka Ilaahay maalka siiyey inaanay gacmaha ka laabanin oo ay hor Ilaahay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa arrintan.
Waxa aan indhaha laga qarsan karayn dhaqan xun oo aynu la soo baxnay beryahan dambe, kaasoo ah dadkii la dhalay markay guursadeen ee ay carruur dhalaan intay kala tagaan waalidkii iyaga soo koriyey inta carruurtii loo dhiibo ay waliba raggii daawanayaan hooyo ama aabbe 70 jir oo la kufaa-kacaya korinta ubadkaas. Markaad tan iska dhaafto, waxa kale oo ka sii yaab badan carruurtii loo awoowga ahaa in dusha lagaga tuuro waalidka oo culays kale sii fuulo, sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa in laga fogaado argagaxa intaas le’eg, Ilaahayna la isku xidho oo arrintaas wax laga qabto.
Beryahan dambe waxaad arkaysaa waddooyin badan oo bulshoweyntu iska xil-saartay oo soo kordhay, waxase aan la yaabay habka loo dhisay waddadu inaanay lahayn hab biyaha lagaga duwo, marka dambena noqdaan biyo-fadhiisin hareerahana ka soo fagmaan, sidaa awgeed aqoontayda gaaban waxay ii sheegaysaa in badhtanka laamiga tuur yar loo samayn jiray si ay biyuhu hareeraha ugu dhacaan. Waxaan u soo jeedinayaa inay khubarada ku lug leh ay habeeyaan arrintan.
Sida badankeennu aynu ognahay in muddo ahba waxa socday wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee laysku wajahayna lagu kala kacay. Markaa waxaan u arkaa arrinta reer Soomaaliya inay ku jiraan gaado-ka-ciyaar (taasoo macneheedu tahay marka ay nabadda tahay ee dabaaldegyadu jiraan inay ciidamadu soo bandhigaan gaado-ka-ciyaar macne garbo-ruxis ah si quruxdooda iyo haybadooda soo ban-dhigaan). Sida muuqatana aad baa loo kala fog yahay, waqtina uma hayno gaado-ka-ciyaar iyo is-jiidasho, maxaa yeelay anaga dhinacayaga wuxuu ka taagan yahay gaaddo-ka-ciyaarkaasi geeri iyo nolol. Sidaan ognahayna meel kastoo reer Somaliland ahaan ay galnaba iyo mar kastaba oo aynu joognaba waxay ina haystaan faraqa, iyadoo aanay jirin waxaynu ka haysano. Sidaa awgeed waxaan odhan lahaa reer Soomaaliya waqtiga cusub ee adduunku ku jiro inay ku baraarugaan, waqtigaas casriga ah oo wata, in kooxihii ama waddamadii is doonayaaba ay si fudud iskugu biirayaan wixii kala booday iyaguna si fudud ay u kala bixi karayaan. Waxaan uga digayaa in aanay reer Soomaaliya ku hawaawiyin federaalka ay sheegaan iyo xeeladaha raqiiska ee ay kolba waji inoogu soo dhigayaan. Haddii ay joojin waayaana waxa diyaar ah halyeeyadii waddankan xoreeyey iyo halyeeyada cusub ee maanta jooga iyo gargaarkii Alle oo diyaar ah, iyagoo lagu gani doono gantaalaha riddada dheer iyo riddada gaaban oo 30 sanno lagu ganaayey. Taasi oo ay ka qaadeen waxaan halkan lagu soo koobi karayn (waxaad ka daalacan kartaa qormo dheer oo ka hadlaysa gantaalahaas www.fatxisulub.blog.com Raad-gurayaashii la Raad-gurayey). Gantaaladaas oo mucjiso ah oo hiiliya marka qaddiyadda reer Somaliland cid walbafaraha la soo gasho. Waxaan kusoo koobi lahaa ‘waar hooy waantooba oo na daaya, haddii kale dhibta iyo hoogga idin haysta madax iyo dadweynahaba wuu sii laban-laabmi doonaa.’
Maxaa u diiday madaxda reer Somaliland iyo ganacsatadooda inay sameeyaan taariikh ka hadha sida in gidaarka lagu dhajiyo meesha ku habboon raggii xilalka soo qabtay ee wax fiican qabtay sida masuuliyiintii soo martay bilayska, wax nool iyo wax dhintayba. Sidoo kale in waxay qabteen iyo taariikhdoodii la fayl gareeyo.

Fiiro gaar ah: waxaan uga cudurdaaranayaa akhristayaasha la socda maqaalada aan qoro, inay had iyo jeer ka cawdaan dheerida qormooyinkayga, anigoo maanka ku haya mar kasta oo aan wax qorayo, haddana mar-marka qaar ay ila taraarto, sidaa awgeed ha loo dulqaato.

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:fatxisulub@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face