Share this:

" />
Published On: Thu, Mar 19th, 2015

Diyaaradaha Dagaalka Yemen Oo Weeraray Guriga Madaxweynahii Xukunka Laga Tuuray

Smiley face

madarka cadanAden(ANN)Diyaaradaha Dagaalka ee Yemen oo kasoo duulay dhinaca Woqooyiga ee Caasimada Sanca, ayaa weerar ku qaaday guriga uu deganyahay Madaxweynihii xukunka laga tuuray Abdrabbuh Mansour Hadi ee magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta.Dhismaha uu deganyahay Madaxweynihii hore Abdrabbuh Mansour oo lagu magcaabo Hiltop Compound, ayaa lala eegtay gantaalo dhinaca cirka ay kaga soo tureen diyaarado dhinaca Woqooyiga ee Sanca oo ay Huutiyiinta shiicadu gacanta ku hayaan kasoo duulay.
Dad u dhow goobta, ayaa sheegay in qiiq madaw samada isku shareeray, balse ma jirto wax khasaare ah oo weerarka diyaaraduhu sababeen ilaa hadda, sidoo kale Madaxweyne Abdrabbuh Mansour ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ka maqnaa guriga marka gantaalaha lala beegsaday, iyadoo saraakiil dhinaca amniga ah oo u hadashay Koonfurta Cadan sheegeen in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay Mansour Hadi.

Ilaa afar qof , ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Cadan, iyadoo la xidhay Madaarka kadib markii madaafiic lagu garaacay Madaarka, taas oo ka dhalatay awaamiir uu bixiyay Madaxweynihii hore oo ku sugan Cadan, isagoo ka wareejiyay Genaral ciidan ku sugan halkaa madax k ah, kaas oo ku gacansaydhay arrintaa oo sababtay inay isku dhacaan laba ciidan.
Diyaaradaha ka duulayay Garoonka caalamiga ah ee Cadan, ayaa la joojiyay, iyadoo Diyaarad laga leeyahay Dalka Masar laga dejiyay rakaabkii saarnaa.
Weerarka duqaynta dhinaca Cirka ee qasriga uu deganyahay Madaxweynihii hore, ayaa yimi wax yar ka dib markii si kumeel gaadh ah loo xidhay gegida caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Cadan, taas oo ay sababtay dagaal dhexmaray laba ciidan oo mid taageero ka haysto Xuutiyiinta la wareegay talada dalka ee dhinaca Woqooyiga awooda ku leh iyo maamulka Madaxweynihii la inqilaabay Abdrabbo Mansour ka sameeyay dhinaca koonfurta ee cadan oo uu ku sugnaa bishii u danbeyay tan iyo markii horaantii sanadkan january 2015, malayshiyada xuutigu afgenbiyeen xukuumadiisa, isagoo mudadaa ka dib ku jiray xabsi guri dhinaca magaalada Sanca, balse todobaadyo ka hor kasoo baxsaday. Kadibna dhinaca magaalada Cadan ee uu kasoo jeedo u guuray, isagoo sheegay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dalka Yemen.
Xaalada dalka Yemen oo ay ku loolamayaan dalalka Iran, Sucuudiga iyo wadamada shisheeye, ayaa laga cabsiqabaa inay marto jidkii Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face