Share this:

" />
Published On: Wed, Feb 10th, 2016

Donald Trump iyo Sanders Oo Ku Guulaystay Doorashadii New Hampshire Iyo Hillary Clinton Oo Hanbalyaysay

Smiley face

Araweelo News Network

Mr. Donald TrumpNew Hampshire(ANN)Doorashada Musharixiinta Labada Xisbi ee Maraykanka ee ku loolamaya tartanka, ayaa guulo kala suntaday. Musharixiinta kala ah Donald Trump iyo Bernie Sanders ayaa ku kala guuleystay tartanka is reeb-reebka xisbiyada gudahooda ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.
Donald Trump oo ku soo baxay xisbiga Jamhuuriga ayaa helay laba jibbaar codadka uu helkay barasaabka gobolka Ohio John Kasich oo la tartamayay, halka Hillary Clinton oo u tartameysay xisbiga dimuquraadiga ay durbaba u hambalyeysay ninka uu loolanka kala dhexeeyay ee Bernie Sanders oo iyada ka guuleystay.
Mr Sanders ayaa sheegay in natiijadani ay direyso farriin ah in qof kastaa oo Mareykan ah uu leeyahay dowladda.
Donald Trump natiijadaasi kaddib, wuxuu sheegay taageerayaashiisa in uu doonayo in Mareykanka uu durbaba billaabo in uu hanto caalamka.
Ninka ku guuleystay tartanka xisbiga dimuquraadiga Bernie Sanders ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo taageerayaashiisuba ay dirayaan farriin ah in dowladda ay wada leeyihiin dhammaan dadka mareykanka ah, balse aanay ahayn mid ay leeyihiin shakhsiyaad maal qabeen ah oo lacago ugu yaboohay ololaha doorashada.
Hillary Clinton oo uu loolan kala dhaxeeyay Sanders ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto loolanka ay ugu jirto dhammaan codadka gobol kastaa.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face