Share this:

" />
Published On: Wed, Dec 6th, 2017

Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland, Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa?

Smiley face

Qaybta 5aad, Waa Maxay Taageerada Siyaasadeed ee Aan
Looga Maarmin Aqoonsiga Dalka?
Qalinkii Xassan Cumar Hoorri


Qormadan waxaa aan ku daahfuray barashada Prof. Gérard Prunier, xeeldheere 30 sannadood ka hor, shahaadada PhD ka diyaariyay taariikhda Afrika. Waxaa uu ku takhasusay Geeska Afrika, isagoo aqoon sare u leh Cilmiga Arrimaha Bulshada. Waxaana uu si soke u la socdaa waayaha dalkeenna. Goobjoog waxaa uu ka ahaa doorashadii Guddoomiyahii SNM, Balli-gubadle, 1990 iyo sidii milgaha lahayd ee xilka ay u la kala wareegeen labadii Madaxweyne Dahir Rayaal Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.
Prunier, kal hore, waxaa uu yimid Hargeisa. Waxaana uu madal ka soo jeediyay, aragtidiisa ku saabsan tubta loo mari karo aqoonsiga. “Somaaliland waxaa ay buuxisay dhammaan shuruudaha looga baahnaa dal madax-bannaan, dimuqraadi ah, weliba nabad qaba”. Balse, waxaa uu ku ladhay, “nasiib-darro, ha ka sugina adduunka inuu idinku abaaliyo ictiraafka dalkeennu mudan yahay”!

Waxaa uu tibaaxay, “madaxweynaha aad soo doorataan waxaa u taalla hawl aad u culus”. “Hawsha sugaysa kuma qabsoomi karto siyaasaddii qaboobayd ee idin soo daashatay muddada dheer”. Somaaliland waxaa laga rabaa in ay la timaado siyaasad qallafsan oo ay ku la xisaabtanto deriska iyo caalamkaba.

Prof Gérard waxaa uu tilmaam u soo qaatay dabka ka holcaya Bariga Dhexe ee adduunku wadnaha farta kaga hayo taasoo sida uu sheegay dalkeennu ka shidaal qaadan karo. “Sidan kuma sii jiri kartaan, balse, haddii adduunku dareemo inuu dalku gacantiinna ka sii baxayo, waxaa iman doonta in la idinku kaalmeeyo ictiraaf iyo taakulayn dhaqaale,” ayuu sheegay Prof Gérard. Waxaa kaloo uu tibaaxay, haddii aan la maarayn dhallinyarada tiradoodu gaadhayso (70% bulshada) iyo haddii aan shaqo loo abuurin, sabaalaynta soo jiitamaysay 30 sannadood in ay keeni karto qarax aan loo caal helin.

Dalkiisa (France), waxaa uu ka sheegay, dhallinyaro badan oo qaarkood aanay hore Muslim u ahayn in ay u haajireen Suuriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan DAACISH. Sidaa darteed, waxaa uu ka digay dhallinta Somaaliland, haddii aan talo loo helin, toban laab, in ay kuwaas uga dhow yahiin argagaxisada, dhaqan iyo diin ahaanba. Professor-ku, waxaa uu ku guubaabiyay madaxdweynaha soo socda in uu la yimaado siyaasad qallafsan isagoo farta ku fiiqay in uu la xajoodka ka bilaabo dalka ugu nugul ee Jabuuti si uu dadkiisa ugu horseedo nolol macne leh oo ka duwan waxii lagu soo dhaqmayay 30kii sano ee tegay.

Haddaba, sida ay caddeeyeen Guddidii Xaqiiqo Raadinta ee Midowga Afrika, Somaaliland sannadkii 2005 waxaa ay buuxisay shuruucda caalamka ee dal madaxbannaan. Hase yeeshee, aqoonsiga waxaa isku gudbay xattabaddo siyaasadeed, waxaana loo baahan yahay in lala soo baxo tabo iyo xeelado siyaasadeed oo lagaga gudubo turunturooyinkaa.

Sidaa ayaan u arkay talo soo jeedinta professor-ka. Waxaana ay taageeraysaa maqaal aan 5 sanno ka hor ku daabacay warbaahinta Somaalida, kaasoo dulucdiisu ahayd “Aqoonsiga Somaaliland Waa Xil Ku Waajibay Ethiopia”, Qaybtii 10aad ee taxanahii Colaadda Biyaha Niil-ka (Nile) iyo Saamaynta Geeska Afrika. Maqaalka awaxaan ka soo xigan doonaa dhowr faqaradood.

Dalkeennu waxaa uu ku caano-maalay nabad iyo deris wanaag ay ku naaloodaan derisku. Allah mahaddii, waxaa aan ka kornay fal-xumooyinka argagaxiso, budhcad-badeed iyo colaad sokeeye (deris). Haddaba, ka sokow, in ay nabaddu cid kasta dan u tahay, deriskeennu waxaa ay ka gaabiyeen inay mahadnaqaan, kana abaal gudaan nabadda ay ku ledaan soohdinteenna. Waxaa aan isweydiiyaa sida arrin ahaan lahaa, haddii, aanay ahayn nabadda, maamulka iyo kala-danbaynta ka jirta dalkeenna?

“Bal waxaad malaysaa duruufaha deriskeenna haddii Al-Shabaab galaangal ay ka heli lahayd soohdimaha aan la wadaagno deriska? Malay, haddii budhcad-badeed isaga dab qaadi lahaayd xeebaheenna dheraran 850 kilometer? Sidee xaal noqon lahaa, haddii, xuduudaheennu ay fadhiisin u ahaan lahaayeen jabhadaha hubaysan ee deriska? Waxaad is weydiisaa dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Berbera haddii uu shisheeye kaga duuli lahaa deriska?”

Haddii, haddii iyo haddii ka sii badan, waxaa ka muuqanaya khataraha ka iman kara baylahdeenna, deriska, heer gobol iyo mid caalami. Hase ahaatee, bulshada caalamka iyo deriskuba waxaa ay abaal innoga dhigeen duudsi iyo inay dhegaha ka furaystaan runta iyo aqoonsiga aan xaqa u leenahay.

Dhica badaha, tan iyo 2005-2015 waxaa xeebaha Somaaliya lagu weeraray 1,068 markab iyadoo laga qafaashay 218 markab iyo kumanyaal rakaab ah. Xogaha rasmiga ah waxaa ay tibaaxeen, 2008-2012, budhcaddu in ay qabsadeen 178 markab iyo 3,365 qof. April 2012 warbixin Telifishanka CNN uu ka soo xigtay Baanka Adduunka (WB) waxaa lagu sheegay, sannad kasta, US$18 bilyan inay ku baxaan budhcadda Somaalida. (halka ka akhri). Kharashku waxaa uu galaa caymiska, ilaalada iyo madax-furashada gaadiidka badda iyo dadka. Hase yeeshee, hal shillin oo keliya kuma uu baxo xeebaha nabdoon ee Somaaliland.

Waxaa kaloo xusid mudan, sannad kasta, 21,000 markab ayaa ka tallaaba xeebaha Somaalida. Haddii se laga soo wareego Gacanka (Cape of Good Hope), Koonfur Afrika, waxaa ku kordhi lahaa masaafo ka badan 3,500km. Hadda, waxaa khasab noqotay in ay maraakiibtu samaystaan ciidamo joogto ku ahaada korkooda. Isla markaa, si loo badbaadiyo ganacsiga waxaa badaha Somaalida ku sugan ciidamo caalami ah. Ogow, adeegsiga hal markab-dagaal oo kooban (frigate) waxaa bil kasta ku baxda US$1.3 malyuun, halka raxan maraakiib ah iyaduna ay ku kacdo US$200-350 malyuun, sannadkiiba.

Dhinaca kale, tan iyo 1991 adduunku waxaa uu ku fashilmay dedaalo fara badan oo Somaaliya dib loogu soo dabbaalayay nabadda. Waxaa guul-darraystay faro-gelintii tobonaan kun ciidamadii UNITAF ee horseedka uu ka ahaa Maraykanku. Waxaa lagu hungoobay ciidamadii Qaramada Midoobay ee UNOSOM 1992 iyo UNOSOM II 1993. Ilaa haddana lama sii odorisi karo halka ay ku danbaynayaan ciidamada AMISOM (17.731 ciidan ah) ee dalalka Ethiopia, Kenya, Uganda, Rwanada iyo Senegal. Hawlgalka AMISOM waxaa sannad kasta ku baxa ilaa US$500 malyuun. Halka kaalinta la midka ahayd ee ay buuxisay Somaaliland, haba yaraatee, aan wax taageero ah looga helin deriska iyo bulshada caalamkaba.

Sidaa darteed, waxaa cad nabadda iyo xasiloonida dalka naf iyo maalba in loo huro iyadoo aan cid kale ka taageerin. Keliya, waxaa ay ahayd adduunku inuu innagu abaal mariyo AQOONSI lagu sii xoojiyo nabdaynta ito qarannimada. Taasna. Waxaase barbar taalla in laga sii digtoonaado waxyeelo ka timaada haddii adduunku uu gabo xilkiisa. Allah innagu ma keeno inuu dalku dib ugu laabto duruufaha jaantaa rogan ee ka jira Somaaliya.

Waxaa aan xasuustaa, May 2013, Ra’iisal Wasaare Mudane Hailemariam Desalgne, waxaa uu barlamaankiisa ka caddeeyay, Somaaliland inay tahay saaxiib dhow, garab iyo gaashaan ay ku tashanayaan. “Wax kasta, waxaannu u huraynaa difaaca Somaaliland, mar kastoo loo baahdo,” ayuu sheegay Mudane Hailemariam. Waxaana uu ku ladhay, ”haddii ay soo wajahdo khatar shisheeye, ciidamada Ethiopia waxaa ay diyaar u yahiin inay ka garab dagaalamaan ciidamada Somaaliland.”

Waa sax. khatar kasta oo Somaaliland kaga iman karta gudaha iyo dibedda waxaa ay halis ku tahay Ethiopia iyo deriska. Haddaba, miyaanay habboonayn Ethiopia in ay intaa kala sii dhowaato. Ha garawsato 27 sannadood ka dib dalku inuu weli haybinayo AQOONSIGA uu xaqa u lahaa. Soo ma badana 27 sannadood oo dalku ku dhammaystay dulqaad, isku tashi iyo u adeegidda asaagood?

Marka laga soo tago sugidda nabad-gelyada soohdimaha aan la wadaagno Ethiopia iyo Jabuuti, sida ku qeexan shaxda Ururka Ganacsi ee Caalamka (WTO), Somaliland waxaa ay tahay dalka ugu badan ee soo waarida wax-soo-saarka Ethiopia. Isla markaa, waxaa dalkeenna ka xoogsada ilaa 15,000 shaqaale ka soo jeeda Ethiopia kuwaasoo dalkooda dib ugu celiya lacag culays ku ah dhaqaalaheenna liitta. Sidoo kalena, dhammaan adeeegyada ganacsiga, baananka iyo sarrifka lacagaha ee dalkeennu, waxaa ay maraan Jabuuti.

Haddaba, AQOONSIGA dalku ma aha arrin ka dhaalatay dhalanteed ama ku timid laab-la-kac. Run ahaantii, waxaa ay ku qotontaa sharciyad iyo qadiyad ummadeed. Muddo dheer waxaa loo duudsinayay iyadoo loo arkay inay sii ragaadin karto burburka Somaaliya. Aragti taas ka duwan waxa qaba khubaro u kuur gala waayaha Geeska kuwasoo aaminsan AQOONSIGU inuu kaalin mug leh ka qaadan lahaa nabadaynta Somaaliya.

Isku soo duub, dhan kasta oo la iska taago, qadiyadda Somaaliland waxaa ay mudan tahay garawshiiyo. Haddaba, waxaa waajib ah xukuumaadda Somaaliland in ay si qotto dheer u la xajooto dhiggeeda dunida oo dhan, balse, ay ka bilowdo Addis Ababa iyo Jabuuti si ay horseed uga noqdaan AQOONSIGA. Jabuuti waxaa tahay xaruntii IGAD. Waxaana ay ku yeelan karto saamayn weyn. Halka Ethiopia, iyaduna, ay gacan ka geysan karto dalalka ku teedsan Webiga Niil-ka oo ah kuwa ay maganta u tahay xukuumadda Xamar. Insha Allah, raca labaad waxaa ay ahaan doonaan Koonfurta Afrika iyo Rwanda oo hore u muujiyay mawqifkooda iyo in ay u taagan yahiin la dagaalanka duudsiga. Waxaa aan ku soo gunaanadi doonnaa Imaraatka (UAE) iyo Sacuudiga oo wax badan ka tari kara dunida Carbeed iyo Islaamka.

La soco Qaybta 6aad, Dhalan Rogga Siyaasadda Arrimaha Dibedda Si Loo Abuuro Siyaasad Cartamaysa. Xassan Cumar Horri (Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa-HID), Suxufi ka faallooda umuuraha Geeska iyo B/ Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama #horrimania.

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face