Share this:

" />
Published On: Thu, Nov 9th, 2017

Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xaallada Amniga iyo Maxaabiista ku Xidhan qaar kamid Ah Dalalka Caalamka

Smiley face

Araweelo News Network

Golaha Wasiirada Somalia

Muqdisho(ANN)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa: arrimaha amniga dalka, maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku xidhan, iyo ansixinta siyaasado qaran.

Ugu horreyntii Golaha wasiirradu waxay warbixin la xidhiidha ammaanka dalka ka dhegeysteen Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isagoo wasiirku sheegay in xaaladda ammaanku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana, la qaadhay tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo la qabtay kooxo ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka. Wasiirka ayaa xusay in waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda lagu xidhay kaamiradaha ammaanka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda inay si degdeg ah u bixiso lacag dhan hal malyuun oo doollar oo dawladdu ugu yaboohday dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay weerarkii argagaxiso ee 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xidhiidha xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xidhan caalamka ka dhegeystay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caddaalada Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Mudane Xasan Xuseen Xaaji, waxayana sheegeen in dhinaca Soomaaliya dhammeeyeen tallaabooyinka loo baahan yahay si loo meelmariyo heshiis ku saabsan maxaabiista oo ay la galeen dalka Hindia, balse, ay dhiman tahay in dhinaca dalka Hindia uu mariyo heerarka iyo hanaanka dawladnimo si loo fuliyo heshiiskaasi.

Sidoo kale wasiiraddu waxay warbixintooda ku sheegeen inay wada-hadal la fureen dalal kale oo ay ku xidhan yihiin maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka, Tansaaniya, Suudaan, Yuugaandha, Liibiya iyo Cummaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey shirkii Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobolleedyada ee ka dhacay Muqdisho, wuxuna tilmaamay in guul iyo is-afgarad uu ku dhammaaday, isagoo dhinaca kale tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha golayaasha deegaanka iyo dawladaha hoose ee dalka si loo daadajiyo maamulka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada, ayaa markii ay dhegeysteen, isla markaana ay ka doodeen meelmariyey siyaasadaha qaran ee dhalinyarada iyo maareynta musiibooyinka, oo ay soo gudbiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaaradda maaraynta masiibooyinka.Siyaasadahan ayaa wax-badan ka tari doona wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aafooyiinka soo noq-noqda ee dalkeena halakeeya.

—DHAMMAAD—-

 

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face