Share this:

" />
Published On: Thu, Dec 4th, 2014

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Warbixiyay Shirka Xisbiyada Dumuqraadiga Iyo Waxyaabaha Lagaga Hadlay

Smiley face

M Biixi So dhowayn

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka Xukuumadda Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo kusoo laabtay dalka. Kadib markii uu ka qaybgalay shirka Xisbiyadda Dimuquraadiga ah ee Afrika oolagu qabtay Dalka Marooko, ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha lagga hadlay shirkaa iyo faa’idada uu Somaliland u leeyahay.

Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu kusoo laabtay Dalk, waxa uu sheegay in Shirkaa lagaga hadlay Qodobo ay ka mid yihiin sidii laysugu furi lahaa Ganacsiga Afrika , waxaanu xusay in Somaliland ay ka mid tahay Wamadda ugu faca-weyn ee ka qaybgala shirkaa oo sanadkii saddexaad la qabtay, isla markaana ay aasaaskiisa qayb ka ahaayeen Xsibi ahaan.
“Waxaan tagay Shir lagu qabanayay Marooko oo ay iskugu imanayeen Xisbiyada Afrika ee inta baddan ku Abtirsada Dimuquraadiyadda, Waxa Shirkaasi iskugu yimid 24 Dal Xisbiyadoodda oo qaaradda Afrika oo dhan ka kooban iyo Jasiiraddaha ku yaala Bad-weynta Indian Ocean iyo Atlantic-ga. Shirkaasi waa Sanadle waa Urur ay Xisbiyadda Dimuquraadiga Afrika leeyihiin oo la aasaasay Sanadkii 2003-dii wuu soo korayay hadda wuxuu marayaa meel aad u wanaagsan.”
Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Anagu (Xisiga KULMIYE) waxaanu ka nahay Xubin, labaddii Sanadood ee u dambeeyay intii hore goob-jooge ayaanu ahaan-jirnay waxaanu geynaa oo kaga doodnaa laba, Qodob mid waxaanu la wadaagnaa Afrika oo ah Dhaqaalaha , Dawlad wanaaga iyo sida Khilaafaadka loo damiyo. Midna waxa weeyaan Somaliland oo aan la Ictiraafsanayn, dabadeedna waxaanu hadda iyo jeer kaga hadalnaa Qoraalo kaga war-bixinaa Somaliya oo la Ictiraafsan-yahay ma jirto oo mid dhisan maaha oo Xisbiyadu ka hir-galeen oo Baarlamaankeedda Xisbiyo soo-saareen, Somaliland-na Baarlamaankeedu wuxuu ka kooban-yahay saddex Xisbi.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlaya arrimaha muhiimka ah ee shirkaa uu kusoo bandhigay, wuxuu yidhi, “Haddana waa Meesha ay Saddex Madaxweyne isku badaleen si Nabad ah, Afrikana badankeedda waxay ku noqotaa Mucjiso lala yaabo, Sanadkan waxaanu kaga nimid in la qaato laba Go’aan ka hore oo ah in Afrika la isku furayo Ganacsigeedda , iyo ka labaad oo ah in Ururaddu ay ku xidhiidhsamaan Midowga Afrika oo Xisbiyaddu waxay soo-saareen ay Qorsha ku xidhiidhiyaan si ay halkaasi uga soo baxdo Horumarka Ganacsiga iyo Aqoontu uga soo baxdo, Anagu Somaliland ahaan waxaynu ka mid nahay Waddamadda ugu faca-weyn ee aasaasayaasha ka ah. Shirkana waa kii saddexaad oo aanu ka qayb-galno”. Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face