Share this:

" />
Published On: Tue, Apr 28th, 2015

Gudoomiye Salebaan Maanta Kala Dooro Danta Qaranka Iyo Ta Madaxweyne Siilaanyo: W.Q Kaptanka

Smiley face

abdiqanisalafiGudoomiyaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan waa nin aqoonyahan ah, kana mid ahaa Siyaasiyiinta Somaliland hormoodka ka ahaa sodonkii sannadood ee lasoo dhaafay. Mudane Saleebaan waxa uu ahaa siyaasi halgan dheer usoo galay sidii uu wadanka uga noqon laha Madaxweyne waana Siyaasigii kali ahaa ee u badheedhay inuu kursiga Madaxtooyada kula tartamo Madaxweynihii hore ee Somaliland AHN M. Ibrahim Cigal doorashadii 1997 kii wadanka ka dhacday ee uu waxyar kaga guulaystay Marxuum Cigaal, taas oo Saleebaan ku qancay.

Halka uu Madaxweyne Siilaanyo raalida ku ahaa inuu Wasiir u ahaado Madaxweyne Cigaal waqtigaa. Saleban Madaxweyne inuu noqdo ayuu hamigiisu ahaa maantana isaga iyo Siilaanyo ayaa dalka ugu sareeya oo raali lagaga yahay.

Gudoomiye Saleebaan wuu ka sareeyaa Odayaasha aan aqoonta lahayn ee guurtida laga dhigay waa nin muran siyaasadeed. Soomaray oo garan kara waxay daarantahay. Somaliland waxay ku maahmaahdaa geeljire geela wuu wadajira waana kala jiraa, maanta Salebaan isagaa midada daabkeeda haya oo gudoimiye ka ah golaha guurtida canaantu isagay ugu hordhacaysa haddii wax qaldamaan oo weliba waxa intaa u dheer xanta suuqa kuu taala ee gudoomiye xantaa iska fogee.

Hadaba gudoomiye yaanay ceebi kaa raacin Mudo kordhin aad u ficil samayso xukuumada maanta go, aan shacabka kaa dhuur sugaaya adiga oo ka farxiya ayaanu kaa sugaynaa maanta gudooniye kaama filayno mudo kordhin ka badan sanadka Komishanku soo jeediyey inaad sharciyayso sanadka waxii ka badan ceeb ayaa idinka raaci dalkuna idinkuu idinkula xisaabtami isha Allah.

Wabilaahi Towfiiq
Abdiqani Salaf (Kaptanka)

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Gregorio says:

    It is these deposits which hinder the ability to retain far more
    to losing that pound! Other research shows that another one of the deprivation on the webmd leagues
    while other leagues are competitive. The assumption is a key factor in calorie webmd expenditure.
    A positive self image distortion comes from a diet.
    If we respect and work with this kind of
    diet plan is truly worthwhile.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face