Share this:

" />
Published On: Thu, May 25th, 2017

Hal-abuurka Caanka Ah Ee Maxamed Aadan Dacar iyo Xasuustiisa Fanka Uu Kusooo Hano-qaaday Beri-sammaadkii

Smiley face

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Hal-abuur Maxamed Aadan Dacar, waxa uu ka mid yahay hal-doorka iyo foolaadka fanka Soomaalida, isla markaana wax badan ku soo kordhiyey, wuxuu soo taagnaa masraxa suugaanta Soomaalida muddo ka badan 60 sanno ilaa iyo haddana waxa uu ku jiraa bah’da suugaanleyda.
Maxamed Aadan Dacar waa midhe sameeye suugaaneed, sidoo kale waa fannaan luuq macaan, waxaanna intaas u dheer inuu yahay shakhsi Ilaahay (SWT) hibo u siiyay qaabka jilista masraxa riwaayadaha, isagoo hantiya quluubta dadweynaha daawanaya riwaayadaha uu ka qaybqaato.
Mr. Maxamed Aadan Dacar ayaa xog-warran aad u dheer siiyay barnaamijka baro oo ku dayo muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro aqoonyahan Rashiid Sulub Caalin, wuxuuna uga waayo warramay dhacdooyin aad u xiiso badan.
Hal-abuur Dacar ayaa ugu horayn ka hadlay goortii uu dhashay, halkii uu ku dhashay iyo deegaanadii uu ku soo barbaaray, waxaannu yidhi; “Waxaan dhashay sannadihii afartameeyadii (1940s), annigoo ku dhashay deegaan la yidhaa Kumbis-gaab oo miyiga oo u dhow degaanka Nus-dariiqa oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, anigoo yar ayaan miyiga ka immi oo magaalo imid waxaan ku soo horeeyay magaalada Awaare waxaan immi, haddana Hargaysa waxaan uga sii gudbay magaalada Berbera, halkaas oo ahayd meeshaan odhan karo waxaad ku noqotay ilbax.”
Waxa kaloo uu ka hadlay bilowgiisii dhinaca suugaantiisa oo uu xusay in markii uu miyiga ku noolaa ay bulshadu lahayd ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah deegaankii uu ku noolaana laga ciyaari jiray ciyaaraha dhaqanka ee dhaantada iyo baar-caddaha, taasina ay u sahashay in isagoo jira 5 jir ah uu aad u bartay arrimaha dhaqanka oo xidhiidh la leh suuggaanta.
Hal-abuur Dacar waxa kale oo uu xusay in bulshada Soomaalidu aanay lahayn fan u gaar ah, isagoo taas ku macneeyay in aanay lahayn qalabka la tumo ee muusiga oo dhammaantiiba inagaga yimmi sida uu yidhi; “Carabta iyo Hindida.” Hasa yeeshee waxa uu sheegay in fanka rasmiga ah ee aynu gaarka u leenahay yahay ciyaar dhaqameedka iyo gabayada. Waxa kaloo uu xusay in marka la eego deegaanada ay degto Soomaalidu ay xudunta fanku ahayd magaalada Hargaysa oo ay ka hano-qaadeen kooxdii u horaysay ee walaalo Hargaysa oo ay sameeyeen Ilaahay ha u naxariistee Cabdillaahi Qarshe iyo shakhsiyaad kale oo uu ka mid yahay Gu’roon Jire.
“Annigu meel hoose ayaan fanka ka soo galay, halka ay dadka qaar nasiib u heleen inay fanka ku soo biiraan iyadoo tiyaatar dhisan yahay, muusig jiro, isla markaana ay jiraan kooxo fannaaniin ah, waxaa kaloo aan kuu sheegayaa in aanan weligay fanka ka dhigan shaqo, waayo raggii aan ugu immi markii aan fanka soo galayay waxaa ka mid ah Ismaaciil Cabdi Basbaas, Xuseen Aw Faarax, Saxardiid Jabiye, Ismaaciil Cagaf, Cali Sugule, kuwaasoo dhammaantood wasaarado kale ayay u shaqaynayeen, waxayna ahaayeen dad aad u wanaagsan, markaas iyaga ayaan ku dayday oo aan raacay dhaqankoodii, waxaan anigu noloshayda ku dabbari jiray dawaarka oo aan bartay, waxaan samayn jiray oo weliba aan ugu wanaagsanaa dharka ragga iyo kuwa dumarka, waxaan markii danbe isku dayay dhinaca ganacsiga, waxaan ka mid ahaa dadkii bilaabay suuqa Shiraaqle ee magaalada Hargaysa ilaa iyo maantana fanka iima noqon shaqo rasmi ah, balse waa hiwaayad aan xiise gaar ah u hayo,” ayuu yidhi Maxamed Aadan Dacar oo ka hadlay markii uu fanka soo galay iyo xaaladihii xiligaas ay fannaaniintu ku noolaayeen.
Hal-abuur Maxamed Aadan Dacar waxa uu sheegay in kacaankii Siyaad Barre hogaaminayay uu dhibaato badan gaadhsiiyey bulshadii uu ka midka ahaa ee bahda fanka, isla markaana fannaaniin badan oo halkan (Hargaysa) joogay oo ay ka mid ahaayeen Gu’roon Jire, Cali Dheere, Cismaan Gacanlow, Maxamed Yuusuf Cabdi, Maxamed Axmed Kuluc, Shamis Abokor Guduudo-carwo, Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq) dhammaantoodba laga qaaday Hargaysa oo la geeyay Xamar.
Waxa kaloo uu xusay in fannaaniintaasi ay idaacadda Radio Hargaysa ku tiirsanayd suugaanta ay sameeyaan, isagoo Maxamed Aadan Dacar intaas ku daray in markii dambe Radio Hargaysa la keenay, loona soo magacaabay Idiris Cigaal oo maamule ka noqday.
“Idiris Cigaal waa la tijaabinayay inuu maamule idaacada ka noqon karo iyo in kale, markaa Idiris wuxuu ahaa weriye weyn oo weliba reer Hargaysa ah, wuu fikiray maadaama aanay jirin cid idaacaddii suugaanteeda samaysa, wuxuu u yimmi intayadii joogtay, wuxuu markaas sameeyay barnaamij aad loo wada jeclaystay oo ahaa heesaha hirgalay, xaga Muqdisho ayaa markii hore laga bilaabay, laakiinse waxaynu kaga horaynay dhinaca tiyaatar ku soo bandhigista fanka, wuxuu nagu yidhi Idiris waxaan doonayaa inaad dhaqankii ila dhistaan oo aan furno heesaha hirgalay. Waxaa barnaamijkaas ka soo baxay fannaaniin badan oo maanta magac leh bulshadooda codkoodana aad loo jeclaysto,” ayuu yidhi Maxamed Aadan Dacar.
Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Idiris markii dambe dhul ayuu noo weydiiyey dawladdii markaas jirtay si kooxdayadan fannaaniinta ah ay isugu yimaadaan oo ku shiraan, waa la soo siiyey dhulkii, cashuurtiina wuu bixiyey, wuxuu nagu yidhi waxaynu ku dhisaynaa iskaa wax u qabso, markaas 4 qof ayaa heesaha hirgalay lagu tartansiiyaa, waxaana labada soo baxa ee guulaysta la siin jiray midkiiba 20 shillin, wixii soo hadha ee kooxdu qaybsan lahayd wuxuu yidhi waxba kama jiraan, waayo wuxuu rabay in lacagtaasi gasho dhismaha gurigaas, aqalkaas annaga ayaa kuuli ka ahayn sidii ayaana gurigii lagu dhameeyay, gurigaas lama wada lahayn ee intii berigaas joogtay Hargaysa ayaa lahayd.”
Hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Aadan Dacar, ayaa sidoo kale sheegay in fannaaniintii wakhtigaas joogtay ay ahaayeen kuwo kala danbeeya oo is ixtiraama, isla markaana bulshada dhexdeedda ku lahaa sumcad gaar ah, isagoo taas beddelkeeda barbar dhigay fannaaniinta maanta jooga oo wax badan uu ku saluugay.
Xog-warrankaas oo dhinacyo badan leh wuxuu kaga hadlay amuuro kala duwan oo ku wajahan nolosha uu maanta ku nool yahay iyo xaaladda fannaaniintii ay isla wakhtiga ahaayeen oo uu in badan oo ka mid ah xuquuqdooda u dhaqdhaqaaqo.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face