Share this:

" />
Published On: Mon, Apr 13th, 2015

Hammi iyo Qami La’aanta Qaadka: W/Q. Sucaad Sh. Axmed

Smiley face

Sucaad Sheekh AxmedMahad oo dhan waxa iska leh Allah ee naga yeelay dad Islaam ah, naxaris iyo nabad ha ahaato Nebigeena dushiisa ehelkisa iyo asxaabtisa. Kadib waxan halkan uga mahadcelinaya gabi ahaanba bahda saxaafadda madaxabannaan iyo dhammaanba bulsho waynta reer Somaliland iyo akhristayashaa qimaha leh….

Haddaba, waxan jeclaystay in aan qoraalkeygan kaga warramo aafooyinka saddexda ah ee ragaadiyey umaddeena Soomaali. Burburka, dagaalada, barakaca iyo baaba’a sababta keentay waa;

1) Qaadkaa

2) Qabyalada

3) Aqoon-darrada

Sadexdaa ayaynu halkan kaga hadli doonaa waxana uu horayn doonaa qaadka

Maandooriyaha loo yaqaano QAADKA amma JAADKA;

Nolosha bini’aadamku waxay tahay mid soo taxnayd taariikhduna ay qoraysay sida ay jiil ba jiil u soo dhaxli jireen. Jiritaankaasina uu ahaa mid ku qotoma xadaarad soo jireen ah iyo aqoon la soo ka la dhaxli jiray.

Umadda soomaaliyeedna ay ka mid ahayd umaddahaasi faca weyn ku leh dunida aynnu maanta joogno. Dad leh bay ahaayeen taariikh fog oo qadiimi ah. Dhaqan iyo hidde summad u ah sida ay u ahayd ummad qiimo ku leh dunidan; maanta se marka aad maqasho magaca soomaaliyeed maskaxdaada waxa markaba ku soo dhacaya umad burburtay oo aan adduunka qiimo nololeed ku lahayn. Tartanka loogu jiro hore-umarka, dhaqaalaha iyo aqoonta ayaa ah midka qiimaha u yeela umaddaha dunida guudkeeda ku dhaqan. Isla mar ahaantaasi dib u dhaca ay umadi noqoto mid aan dunida tartankeeda ka qayb qaadan Karin ta ugu weyn ee sababta looga dhigaa waa jahliga iyo aqoon-darrada.

Qabyaalada, Qaadka, iyo Aqoondariduba waa kuwa soomaalida galaaftay ee ka dhigay mid ka hadha tartanka dunida hore-umarkeeda loogu jiro oo aan noqon mid sinaba uga qeyb qaadan Karta.

Haddaba, qoraalkeygan waxaan kaga warami doona mid ka mid ah aafooyinka saddexda ah ee kor ku xusan ee ragaadiyey umaddeena soomaali. Burburka, dagaalada, barakaca, iyo baaba’a sababta keentay waa maandooriyaha loo yaqaano QAADKA amma JAADKA.

Qaadku waa balwad aad u xun oo noqotay calaamad lagu garto soomaalida iyada oo ay jiraan umado kale oo isticmaala amma cuna, se aannu noqon mid u baabi’iya sida uu umaddeena u baabi’iyey.

Qaadku waa maandooriyaha aynnu ugu cunidda badan nahay haddii aynu nahay umadda soomaaliyeed meel kasta oo aan dunida ka joogno uguna aqoonta yar nahay. Aqoon yaridda waxa aan ugu jeeda Qaadka waxa uu yahay, inta waxyeelo ee uu umaddeena ku hayo hadday tahay mid caafimaad iyo mid maal iyo mid qoysba.

Waxa dhibka ugu badan inagu hayaa waxa uu yahay iyada oo aan looba arkayn wax weyn oo dhib keenaya, in aan loo arkayn in uu maandooriye yahay iyo in loo arko dadka raba in ay yidhaahdaan qaadku waa mamnuuc in ay waxyaabo kale oo uu keenay darteed u yidhaahdeen, laakin aanay u arkayn ka qaad ahaan in uu wax khatar ah uu yahay.

Qaadku waa mushkilad uu la nool yahay qoyska kasta oo soomaaliyeed in yar mooyanee oo uu cuno qoys kasta qof ka mid ugu yaraan. Waxa uu noqday mushkilad si qeyru caadi ah ugu faaftay bulshada soomaaliyeed daaweyntiisuna ay u baahan tahay dagaal adag iyo jihaad oo ay ugu horayso in la faafiyo aqoonta ka hadlaysa qaadka waayo iyada oo ilaa maanta ay dunida taalo aqoon badan oo laga qoray qaadka ayeynu inagu hadaynu nahay soomaali nahay dadka uguba aqoonta yare ee ka warhaya isla mar ahaan taasina aynu nahay dadka ugu cunnida badan. Iyada oo aan ognahay in qaadku dhaqan ahaan dhexgalay bulshadeena oo aad arkayso in xitaa masaajidada qaarkood ay leeyihiin qol yar oo lagu qayilo oo ay culimada masaajidka joogtaa ku cunaan marka ay xiliga salaada gaadhana ay u kacaan salaadda, taasi waxa ay tusaale cad u tahay halka uu maanta inaga joogo qaadku iyo qadarinta uu mujtamaca dhexdiisa ku leeyahay.

Maanta dhulka soomaalida waxa ugu weyn ee la isku maamuuso waa QAADKA oo haddii aan la keenin QAAD aannu jirin maamuus ammaba aannu dhacayn. Meelaha casuumadaha ducooyinka iyo, shirarka iyo goobaha garta lagu naqayo qaad la’aantiis waxba kama soconayaan, taasi marlabaad ayey cadayn u tahay halka qaadku inaga joogo.

Adduunyada maandooriyaha dadka isticmaala waa kuwa ugu liita ammaba ku jira dabaqadaha ugu hooseeya ee nolosha bani adamka, waana astaan lagu garto dabaqada aan fikirin ee nolosha ka dhacay. Inaga se halkaasi ayuu inaga tagan yahay qaadku kiisa ugu xun(QAADKA) inagama joogo ee agteena waa ka amaan oo mujtamaca oo dhan baa ku xidhiidhsan haddii ay noqoto mid ann shaqaysan iyo mid ku shaqaystaba.

Ujeedada qoraalkeygan ma’ahan in aan cilmi cusub oo qaadka laga ogaaday idiin soo gudbiyo laakin se inta aan uga socdaa waxay tahay maxaa umaddeena ka dhigay kuwa ugu badan ee cuna, moogganna hadimooyinkiisa iyo inta waxyeelo ee uu bulshadeena ku hayo?

La soco qabta dambe oo ka hadli doontaa caafimad-darrada uu keeno qaadku iyo xannuunada laga qaado jaadka.

Sucaad Sh. Axmed

sucaadshahmed@gmail.com

Allaah mahad leh.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face