Share this:

" />
Published On: Thu, Mar 17th, 2016

Hawl-gal Ciidamada Belgiumka iyo Faransiisku Wadajir U Fuliyeen Oo Khasaare Kasoo Gaadhay

Smiley face

Araweelo News Network
hawlgalkaBrusselesBrusseles(ANN) Seddax Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Belgium-ka iyo kuwa Faransiiska ayaa ku dhaawacmay hawl-gal ay ka qeyb galeen Ciidamada Faransiiska uu ka dhacay magaalada Brusseles ee Caasimadda dalka Belgium,waxaana ku geeriyooday Hal ruux oo dablayda hubaysan ee gashay halkaa ka tirsanaa

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ee Dalka Belgium-ka waxay sheegeen Ciidamada Booliiska ee Dalkaas oo kaashanaya kuwa Faransiiska ay xoog ku galeen guri kuyaalla magaalada Caasimadda oo ay ku sugnaayeen dad looga shakisanyahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii dhammaadkii Sannadkii tagay ka dhacay magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqollaal ruux, isla markaana si weyn saamayn ugu yeeshay amaanka dalalka Yurub.

Iska hor imaad kooban ayaa la sheegay inuu dhexmaray Ciidamada iyo raggii gurigaas ku sugnaa, waxaana rasaasta la is weydaarsaday ku dhintay hal ruux oo ka mid ahaa kooxdii hubeysneyd ee guriga ku sugneyd oo sitay dhalasho Algerian ah, kaas oo magaciisu ahaa Mohamed Belkaid, halka ay dhaawacmeen dhowr Askari oo Ciidamada Booliiska ee wadajirka u fulinayay hawgalkaa ka tirsanaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Barnar Kaznof oo isagoo ku sugan magaalada Abidjan ee dalka Ivery Coast Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Booliiska ee Faransiiska ka qeyb galeen hawl-gal gaar ah oo ka dhacay magaalada Brusseles ee dalka Belgium-ka, wuxuuna tilmaamay in howl-galkaas wadajirka ah loo qaaday in lagu soo qabto rag lagu tuhunsanyahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Paris.

Hawl-galkan waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee si wadajir ah ay fuliyaan Ciidamada Dowladaha Faransiiska iyo Biljimka, kaasoo ay ku baadi goobayaan rag lala xidhiidhinayo Weerarkii Paris, balse Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalalkaasi illaa iyo hadda ma sheegin in howl-galka lagu soo qabtay cid lala xidhiidhinayo weerarradaa, ama waday weeraro kale.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face