Share this:

" />
Published On: Sat, Dec 16th, 2017

Hawlaha Horyaal Madaxwaynaha Cusub iyo Xukuumadiisa Warbixin: Xarunta Daraasaadka Siyaasadda

Smiley face

Araweelo News Network

HORDHAC
Dadka Somaliland markii ay ansixiyeen dastuur sanadkii 2001 waxa ka danbeeyey doorashooyin dhowr ah oo heerar keedu kala jaad ahaayeen. Doorashadii u horaysay ee madaxwayne waxaay dhacday 2003 waxaana doorasho lagu murmay ku guulaystay madaxwaynihii markaas xilka hayay Daahir Rayaale Kaahin oo todobo sanadood kadib, 2010, uu ka guulaystay Axmed Maxamed Maxamuud Siinaalyo oo ahaa hogaamiyihii codka aadka u yar lagaga helay 2003 dii. Doorashadii sadexaad ee madaxtooyo waxaay dhacday 13 November 2017. Guul loogu dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi, murashixii xisbiga Kulmiye ee talada haya waxa diiday xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ku tilmaamay mid la boobay, inkasta oo uu ugu danbayntii aqbalay natiijada. Goob joogayaasha caalamiga ahi way amaaneen hanaanka doorashadu u dhacday.
Madaxwaynaha loo doortay markuu qabto xilka waxa horyaalo arimo badan. Xarunta Daraasaadka Siyaasaddu waxaay qoraalkan si guud ugu soo koobtay dhawr arimood oo ay tahay in xukuumaddu maaro waarta u hesho. Arimahaas oo ah kuwo dhaqaale, dhaqan, siyaaad, amni iyo bulsho. Madaxwaynuhu wuxuu ku fadhiisanayaa kursiga ugu sareeya dalka isaga oo soo maray oolole doorasho oo dad badani u arkayeen inuu ahaa mid kala qaybin badan, xag xagasho wayn oo dadka u kala guray haybo.
Xarunta Daraasaaska Siyaasaddu waxaay falaqaysaa arimaha ka jira Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaan Somaliland. Ujeedadu qoraalkani waa inuu siiyo madaxwaynaha iyo xukuumadiisa talooyin iyo in tooshka lagu ifiyo meelaha daruuriga ah ee ay tahay inay ka war hayaan.

XUQUUQAL INSAANKA IYO WARBAAHINTA
Xuquuqal insaanka
Dastuurka JSL wuxuu ku sallaysan yahay ilaalinta qofka banii aadamka ah. Waxa ku xardhan cutub dhan oo ka hadla xuquuqda aadanaha keliya. Wuxuu dastuurku ku waajibinayaa dhamaan hay’adaha dalka inay fuliyaan oo racaan xuquuqal insaaanka. Sida ku cad qodobka 21aad ee dastuurka waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waa inay u hogaansamayaan xuquuqal insaanka. Hadaba, dawladda waxa ay tahay inay qaado talaabooyin ay ku hubinaso inay raacdo xuquuqal insaanka oo anaay ku tacdiyain.
Kow iyo labaatan sanadood oo dawlad ciidan oo keligii talis ah oo ay Somaliland ku hoos jirtay ayaa abuuray dhaqan kakan oo aan ixtiraamin qofka banii aadamka ah iyo isku xukunka sharciga. Markaas waxa yaraatay ilaalinta qaanuunka. Taas bedelkeedana waxa batay in si sharci darro ah loo isticmaalo awoodda iyo ku tacaddi. Salka dhibtaasina waa saraynta dastuurka iyo shuruucda oo hoosaysa.
Dhinaca kale, markii la ansixiyay dastuurka, lama qaadin talaaboooyin gun dheer oo is bedel sal iyo baar ah loogu samaynayo hay’adihii sii jiray si ay u noqdaan kuwo waafaqsan dastuurka. Maqnaanshaha is bedel (reform) caynkaas ahina waxaay keentay in dastuurka waxa ku qoran iyo dhaqanka jiraa ay kala noqdaan kala jaad iyo arimo aan is waafaqsanayn oo dhinacyo kala duwan u socda. Waxaa xoog batay dhaqankii oo waxa la riixay dastuurka iyo xeerarka waafaqsan dasturuka.
Saraynta dastuurka
Si looga baxo dhibaatooyinkaas, waxa daruuri ah in la xoojiyo saraynta dastuurka oo uu saldhig u noqdo wax kasta oo la samaynayo. Qodobka 128(2) ee dastuurku wuxuu sheegayaa “dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan.”
Tabo barista madaxda, shaqaalaha iyo ciimada
Hadii aanay dastuurka aqoon u lahayn dadka ku dhaqmayaa, suurto gal maaha inuu shaqeeyo. Waxa cad inaan wax ka bedel lagu samayn tabo barka la siiyo ciidamada, gaar ahaan Booliiska, oo weli qaata culuumtii laga bartay dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Sidaasdarteed, waxa muhiim ah in tabo barkaas lagu daro oo loo qaabeeyo si waafaqsan dastuurka, laguna qasbo dhamaantood oo ay ka mid yihiin saraakiisha sare inay qaataan tabo barka lagu baranayo dastuurka iyo hanaanka cusub ee uu waajibiyay. Hadii dastuurka iyo mabaadida uu dhigayo laga dhigo qayb ka mid ah tabo-barka rasmiga ah, waxa ay keenaysaa in ciidamadu ay noqdaan kuwo u darban inay dastuurka raacaan. Tabo barro aan rasmi ahayn oo si habaqle ah hadba lagu siiyo oo ay hay’ado caalami ah ama maxalli ahi bixiyaan wax wayn ma bedeli karto, balse waxa si waxtar leh saamayn u yeelan kara hadii cilmiga lagu baro akademiyadooda dib u habayn lagu sameeyo oo loo eekaysiiyo sida uu rabo dastuurka.
Si taas la mid ah madaxda maamula qaybaha kala duwan ee hay’adaha dalka ayay tahay in lagu waajibiyo inay qaataan taba-bar kooban oo kor loogu qaadayo aqoontooda la xidhiidha dastuurka iyo dawladnimada uu abuurayo dastuurku. Qaar badani waxaay ku bar baareen nidaamkii keligii taliska ahaa, qaar kalena dalal kale ayay ka meen guuriyaan sida ay wax u maamulaan. Taasina waxaay meesha ka saartay isu eekaanshaha dawladnimada iyo ixtiraamka dastuurka.
Dib u habaynta iyo madax banaanida garsoorka
Garsoorku waa hay’adda ugu muhiimsan xuquuqal isaanka, saraynta sharciga, kala danbaynta iyo abuurista dal run ahaan dimqoraadi ah. Sitaas lo helo waa in garsoorku noqdaa mid madax banaan oo si run ah uga madax banaan fulinta, dhaqaale ahaan, magacaasbita iyo faro gelin toos ah ba. Markaa waa in wax ka bedel lagu sameeyo Xeerka Nidaamka Garsoorka oo la helo xeer si run ah u madax baneeya garsoorka. Waa in garsoorka kor loo qaado aqoontiisa, lagana hortaggo musuq iyo laaluushka, iyada oo la abuurayo qaab loola xisaabtami karo garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha. Is bedel dhab ah oo garsoorka ku yimaadaa wuxuu u baahan yahay rabitaan siyaasadeed (political willingness) oo ka yimaadda madaxtooyada.
Madax banaanida Gudida Qaran ee Xuquuqal Insaanka
Gudida Qaran ee Xuquuqal Insaanku waa hay’ad muhiim u ah ilaalinta xuquuqda insaanka. Hadii aan Gudidaas laga dhigin mid madax banaan oo ay maamulaan dad aqoon u leh sharciga oo leh hufnaan, karti iyo aqoon islamarkaana leh waayo arganimo xuquuqal insaan, waxa aan shaki ku jirin inay dalka ku adkaanayso inuu ilaaliyo waajibka ka saaran xuquuqda dadka.
Samaynta shuruucda daruuriga u ah ilaalinta xuquuqal insaanka
Shuruuc badan ayaa ah kuwii laga dhaxlay dawladii hore ee Somalia. Shuruucdaas waxa ka mid ah Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta. Sidoo kale shuruuc daruuri ah ilaalinta dadka ayaan la abuuri. Waxa markaas muhiim ah in wax ka bedel lagu sameeyo shruucdaas hore islamarkaana la sameeyo kuwo hor leh oo la jaan qaadsan dastuurka.
Dib u habaynta booliiska
Cabashada ka dhanka ah Booliisku waa mid u eeg hada in la isla wada fahmay. Wax aasal u ah dhibta booliiska inuu yahay hay’ad qaab dhismeed ahaan, tabo bar ahaan iyo maamul ahaanba u dhisan sidii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Waa in lagu sameeyo Booliiska dib u habayn run ah oo ka jawaabaysa dhibaatooyinka badan ee Booliisku abuuro oo aan ahayn oo keliya kuwo dhib ku ah xuquuqda dadka, balse keeni dooona kala shaki dhex mara dadka iyo dawladda dabadeed horseedi kara amaan xumo.
Samaynta siyaasadda cadaaladda
Hay’adaha hada ku hawlan caddaaladda ee kala ah Booliiska, maxkamadaha, xeer-ilaalinta iyo xabsiyada iskama war hayaan kumana wada shaqeeyaan qaab is og oo ku dhisan siyaasad. Tusaale ahaan buux dhaafka xabsiyada maanka kuma hayaan booliiska, xeer ilaalinta iyo maxkamadaha oo dadka ku xukuma xabsiyo dhaadheer, awoodana aan saarin ka hortagga dembiga ee ku mashquulsan soo xidhid uun iyaga oo aan ka war hayn halka ay u dirayaan, xabsiga. Taasi dalka dhibaato culus oo xitaa dhaqaale ayay ku haysaa. Waxa markaas muhiim ah in la yeesho siyasadda caddaalada (criminal justice policy). Siyaasadaasi waa inay awooda saarto ka hortagga dunuubta oo ay noqoto mid cilmi ku sallaysan oo laga wada qayb qaatan.
Dib u habaynta xabsiyada iyo nidaamka dhaqan celinta
Xabsiyada iyo nidaamka dhaqan celinta ayaa u baahan in lagu sameeyo dib u habayn si loo helo xabsi u qalma in cid lagu xidho, dadka lagu hayaana ay ka soo baxaan iyaga oo dhaqankoodu toosmay oo buslshada wax u tari kara, balse aanay noqon meel dadka lagu ciqaabo.
Xaquuqda Haweenka
Haweenku waxaay ka mid yihiin qaybaha bulshada ee aan ka faa’iidin dimoqraadiyada Somaliland. Waaxyaha kala duwan ee dawladda way ku yar yihiin oo saamigooda lama siiyo. Tiro gaar ah oo loo qoondeeyo iyo talaabooyin lagu kobcinayo inay dawladdu qaado waa daruuri. Sidoo kale waxa dalka ka maqan shuruucdii lagaga ilaalin lahaa haweenka tacadiyadda ay ka mid yihiin kufsiga. Sidaasdarteed, dawladdu waa inay la timaado siyaasado iyo shuruuc dhaqan gal ah oo ay ka mid yihiin ansixinta kuwa hadda taagan oo arimahaas waxa lagaga qabanayo.
Dadka laga tirada badan yahay
Beelaha laga tiro badan yahay waa la takooraa waxaana loola dhaqmaa si xun. Waaxay ku nool yihiin goobaha ugu liita dhaqaale ahaan dalka. Hay’adaha dawlada laftooda ayaa lagu eedayaa inay qayb ka yihiin takoorka iyo gaadhsiin la’aanta adeegyada. Waxa jira tacadi iyo dhaqan soo jireen ah oo lagu hayo. Sidaasdarteed, dawladdu waa inay ka qaybgeliso maamulka dalka, kor u qaado dhaqaalohooda iyo aqoonta, ay gaadhsiiso adeegyo dawladeed oo tayo leh oo ay ka mid yihin caafimaad iyo wax barasho.

Warbaahinta
Xadhiga iyo dacwad ku oogsita suxufiyinta islamarkaana xayiradda warbaahintu way korodhay sanadihii u danbeeyey. Dawladdu waxaay u adeegsataa suxufiyiinta xeerka ciqaabta. Taas oo ka soo horjeedda dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah. Waxyeelo aad u wayn bay u gaysatay magacsamida Somaliland iyo sida ay dunidu u aragto. Waxay taasi waxyeelo u gaysan kartaa dadaalka Somaliland ugu jirto aqoosni raadinta.
Waxa sidoo kale jira cabashooyin loo garaabayo oo ah in warbaahinta in badan oo ka mid ahi ay yihiin kuwo aan aqoon lahayn islamarkaana xirfadda edebteeda aan ilaalinta. Haseyeeshee, cabashooyinkaasi waa kuwo baahsan oo xitaa si wayn uga muuqda warbaahinta dawladda.
Hadaba si arinkaas maaro loogu helo waxa muhiim ah in la joojiyo xeerka ciqaabta ee loo adeegsanayo warbaahinta (decriminalization of media) oo la sameeyo xeerka warbaahinta (media law) oo wax ka qaban kara cabashada laga qabo warbaahinta iyada oo la dejinayo hanaan suxufiyiinta gefta wax lagaga qabto hab maamul iyo madani. Waa in la abuuro kulliyado lagu barayo cilmiga saxaafadda si kor loogu qaado aqoontooda.

MAAMUL WANAAG (GOOD GOVERNANCE)
Maamul wanaaggu waa u fure dhaqaale kora oo waara iyo dawladnimo raagta dadka iyo dawladnuna is ogol yihiin. Hadii aanu jirin mamul wanaag waxa faafa habac sanaanta, wax is dabo marinta, boobka iyo musuq maasuqa. Waxa baaha dadka u shaqeeya dawladda ee aan hadana qaban waxa loo dirtay, iyada oo ay hoos u dhacdo adeegyada ay dawladdu dadka siiso. Somaliland may samayn hay’ad dhisid dhab ah (institutional building). Hay’adaha dawladuna ma laha nidaamyo sugan oo ay ku shaqeeyaan. Awoodu iyo shaqadu waxaay ku urursan tahay qofka madaxda ka ah, sida wasiirka. Ma jirto wada shaqayn iyo nidaam daadegsan. Waxa sidoo kale badan musuq maasuqa iyo boobka hantida umadda. Dhibaatooyinkaasi waxay sida xarka u cunayaan dawladnimada iyaga oo si hortaagaya in dhaqaaluhu kordho, iyo in la maal gashado Somaliland.
Markaas, waa in dawladdu dhisto maamul wanaag, hay’ado shaqeeya oo leh hanaan sugan, siyaasado iyo habraacyo hufan oo qoran lana yaqaan cida waliba waxay qabato. Waa in dadka masuuliyiinta ah lagu xusho aqoonta iyo waayo aragnimada. Sidoo kale shaqaalasyiinta shaqaalaha dawladdu waa inay noqoto mid ku sallaysan tartan furan iyada oo lagu fadhiisiyay baahi jirta. Hada waxa ku badan hay’ado badan shaqaale aanay u baahnayn (overstaffing). Ku shaqalysiinta eexda, qaraabo kiilka iyo abaal gudka waa in la joojiyo. Shaqaaluhuna ay noqdaan kuwo wax yaqaan oo lala xisaabtamo. Si maamul wanaaggu u shaqayn karo, waa in laga shaqaysiiyo Xeerk Nidaamka Xukuumadda. Hay’ado badan oo jira ayaan xeerar lahayn ama looma baahnayn jiritaankooda. Qaar badan shaqadoodu ma cadda.
Musuqmaasuq
Musuq maasuqu waa dhibaato ka jirta inta badan dunida soo koraysa. Waxa se Somaliland u dheer inaan la qarsan musuq maasuqa iyo inaanay jiran ha’ado u xilsaaran la dagaalankiisa. Musuq maasuqa baahsan hadii aan lala dagaalamin shaki kuma jiro inaan Somaliland hore u dhaqaaqi karin. Waa inaan loo dul qaadan musuqa, loo samayn cudur daar, oo la abuuro ha’yado la dagaalama. Ha yaraado ama ha bato wax is dabo marinta, laaluushka iyo qaadashada hantid shacabku waa masiibo wayn oo haysata Somaliland.
Sidaasdarteed, waa in la abuuro gudida la dagaalanka musuq maasuq oo madax banana; waa in laga dhigo Hanti-dhawrka hay’ad madax banaan oo gudata hawsheeda ee aanay noqon fadhiid; waa in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu la dagaalamaa musuqa oo uu dadka gala maxkamad hor keena. Hay’adahaas laftoodu waa inay ka madax banaanaad musuqa oo aanay noqon koobto qaby ka ah, sida hada dhacda.
Dawladdu waa inay joojiso lacagaha ay qabtaan xafiisyada dawladdu iyada oo aan lacagahaasi ku jirin miisaaniyadda islamarkaana aanay gelin qasnadda dawladda. Waydaarsiga lacag adeeg ay qabato hay’ad dawladeed waa mid ka mid ah musuqa aan daah saarnayn.

XIISADAHA SIYAASADEED EE HORYAALLA MADAXWEYNAHA:
Gudaha:
Waxaa jiraa xiisado siyaasadeed iyo kala qaybsan bulsho oo ka dhashay ololihii doorashada, hoggaamiyayaashii ku tartamayey kursiga madaxtinimada bulshadu waxay isticmaalayeen weedho xanaf leh oo salka ku haya qabiil, taageerayaasha xisbiyada iyo masuuliyiinta qaarkoodna waxay soo gaadheen in REER hebel aanu xaq u lahayn inuu reer hebel xukumo, waxay soo qaarkood bulshada dib u soo xasuusiyeen weedho xanafleh iyo dagaalo sokeeye oo hore looga heshiiyey, masuuliyiin kalena waxay bulshada qaarkeed ku eedaysay inay u dhega-nugul yihiin aragtida Somaliweyn, taas oo lafteedu salka ku haysay duruufo laga soo gudbay.
Haddaba bulshadii ereyadaas loo sheegay, ee laga guulaystay, weli iyaga oo ciil qaba ayay joogaan, waxaa sidoo kale jira in taageerayaasha Xisbiga Waddani ay u arkaan sida ay warbaahinta ka sheegayaan, inay ku dulman yihiin nidaamka dawliga ah, ka soo bilaw xukuumadda Hargeisa fadhida ama maamulka ka jira gobollada ay ku nool yihiin.
Haddaba duruufta noocaas ahi waxay u baahan tahay in degdeg wax looga qabto, haddii la iska dhega-tiro, waxaa dhici karta in dhinacyo kale ka faa’iidaysan karaan, sida Siyaasi kursi waayey, Caaqil shaqadiisii meesha ka baxday iyo gacmo shisheeye.
Halista ugu weyn ee sii hurinaysa xaaladdan ayaa ka imanaysa qurbe joogtii qaadhaanka ugu badan ku taageertay Mucaaradka, iyaga oo aan weli ku qancin habkii doorashadu u dhacday, sidaas awgeed xukuumadda waxaa horyaalla inay la timaaddo qorshe ay ku waajahayso arrintan oo ku qancinayso dadka tabashada qaba, maaha inay kuraas u qaybiso oo keliya, hase ahaatee inay ugu yaraan la fadhiisato.

ARRIMAHA AMNIGA:
Ajnebiga dalka ku soo badanaya:
Dhawaan laamaha ammaanka ee dalku waxay gacanta ku dhigeen sida lagu baahiyey warbaahin kala duwan, dad ajnebi ah oo Somaliland dhexdeeda ku faafinayey lacago dollar ah oo been abuur ahaa, sidoo kale waxaa jira Yemeni badan oo dalkeena u soo qaxday, badankoodu waa dad jilicsan oo nabad iyo nolol raadinaya hase ahaatee waxaa ku jiri kara dad aragtiyo kale wata, ama kuwo dalka ka geysan kara dembiyo kala duwan oo halis ku ah ammaanka guud ee dalka, haddaba waxaa muuqata in haatan loo baahan yahay abuurista WAAX SI GAAR AH ULA SOCOTA DADKA AJNEBIGA AH EE DALKA KU SUGAN, taasi waxay sahlaysaa in dadka nolol raadiska ah ama dadka dalkan u soo shaqo tegey inaanay waxyeello gaadhsiin amnigeena guud.
CAQABADAHA ARRIMAHA DEBEDDA:
Mowqifka siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland, wuxuu wakhti dheer ahaa mid ku salaysan, in Somaliland ay aqoonsigeeda ka raadsato beesha caalamka, isla markaana ay wadahadal la furi karto Soomaaliya oo keliya marka ay samaystaan dawlad metesha dadka ku nool gobollada kala duwan ee Somalia. Hase ahaatee aragtidaas waxaa wax ka bedelay, xukuumaddii Kulmiye markii ay kursiga ku guulaysatay sannadkii 2010; waxay qaateen jid cusub oo arrimaha debedda ah, waxay wadahadal la fureen dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Somalia sannadkii 2012, hase ahaatee arrintaasi may noqon mid midho dhasha, ama laga gaadho hadafkii loo bilaabay.
Wadahadalada waxaa inta badan majaraha u hayey dalka Turkiga, oo dano iyo masaalix badan ka leh Somalia, Turkigu wuxuu magaalada Muqdisho ku bixiyey maalgelin toos ah oo ka badan $1 Bilyan oo Dollar, wuxuu u dhisay garoon diyaaradeed, dib u habaynta iyo qalabaynta dekedda Muqdisho, Cusbitaallo, iskuullo, saldhig milateri, ciidamo kala duwan oo uu u tababaray, waddooyin uu u dhisay iwm. Taas bedelkeeda ma jirto wax uu u qabtay Somaliland, intaas waxaa dheer Turkigu wuxuu si cad u sheegay inuu taageersan yahay midnimda iyo isku haynta Soomaaliya wixii la isku odhan jiray, taasina ay tahay siyaasaddooda ku wajahan Soomaalida, haddana waa dalka gacanta ku haya wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia. Haddaba su’aasha ugu weyn ee hortaalla xukuumadda Muuse Biixi ayaa ah, go’aanka ay ka qaataan dalka Turkiga.
WADAHADALADA:
Xukuumaddii Kulmiye ee haatan wakhtigeedu dhamaaday ayaa Edna Aadan u magcawday inay noqoto ergeyga wadahadalada, sidoo kalena Danjire Cawil Cali Ducaale ay u magcawday la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha wadahadalada, haddana waxaa muuqatay inaanu jirin qorshe cad oo xaqiiqi ah oo ku aaddan, siyaasadda dawladda Somaliland ka leedahay wadahadalada.
Waxaa xaqiiqo ah, in nuxurka wadahadalada ee labada dhinac ka doodayaan inuu yahay, in Soomaaliya aqbasho, in Somaliland ay ka madax banaanaato, isla markaana jidkaas la isku macasalaameeyo, taasi waxay u baahan tahay in Somaliland ay miiska la tagto qorshe ay ku qanciso weftiga Soomaaliya si ay aragtideeda u iibgeyso, waxaa kale oo dhinaca kale yaalla, in dawladda Soomaaliya ay doonayso, inay Somaliland ku qanciso, midnimo dambe iyo wax wada yeelad, haddiiba Soomaaliya la timaaddo qorshe ballaadhan oo arrintaas ku aaddan, muxuu yahay mowqifka Somaliland ee wadahadaladu? Haddii xalka ka soo bixi kara wadahadaladu noqdo, in wakhti la sii wada joogo, oo labada dhinac ay wada dhistaan wakhtigaas hal dawlad, ka dib wakhtiga la isla gartayna afti loo qaado in Somaliland ay noqoto dal gaar ah, arrintaas lafteeda maxaa Somaliland uga meel yaalla.
Waxaa jira dalal badan oo danaynaya inay martigeliyaan ama dhexdhexaadiyaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia, waxaa ku jirta Qaramada Midoobay oo lafteedu danaynaysa.
Haddaba Xukuumadda Cusub waxaa hortaalla inay la timaaddo, qorshe isku xidhan oo lagu waajihi karo arrinta wadahadalada iyo natiijo kasta oo ka soo bixi karta. Taas oo laga eegi karo, qorshaha ka yaalla Jidka lagu gaadhayo madaxbanaanida, iyo haddii natiijo taas ka duwan laga dhex arko wadahadalada, wixii laga yeeli lahaa.
YEMEN, ETHIOPIA IYO KHALIIJKA
Isbedello waaweyn ayaa ka socda gudaha dalka Ethiopia, waxaa socda loollan awoodeed oo u dhexeeya qowmiyadaha dalkaas wada dega, arrintaasi waxay dalkeenna ku yeelanay saamayn xooggan, Tusaale ahaan, waxaa dhawaan Xisbiga talada dalkaas haya laga saaray haweenaydii awoodda badnayd ee uu qabi jiray Ra’iisal Wasaarihii Geeriyooday Meles Zenawi, waxaa soo kordhawaya awoodaha ay yeelanayaan qowmiyado markii hore aan door badan ku lahayn siyaasadda Ethiopia.
Dhinaca kale waxaa dalka Yemen ka socda loollan siyaasadeed oo aad u awood badan oo salka ku haya, gacan ku haynta badda cas. Iran oo taageeraysa jabhadda Xuutiyiintu, waxay dedaal xooggan ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen xukunka dalka Yemen, waxay dhawaan dileen madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo markii hore ay xulafo ahaayeen, hase ahaatee markii uu taageeray isbahaysiga Sucuudiga ay khaarajiyeen, Haddiiba ay Iran ku guulaysato fadhiisimada marinta badda cas, taasi waxay isbedel weyn ku keenaysaa xasiloonida biyaha gacanka cadmeed, oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan caalamka.
Sidoo kale waxaa barbar socda qaxootiga ka soo qulqulaya dalka Yemen, iyo kooxaha Islaamiyiinta ee ku hirdamaya, iyo weliba xanuunada faafa ee laga sheegayo dalka Yemen oo qaxootigoodu ay si sahlan u keeni karaan gudaha Somaliland, arrimahaasi waa kuwo horyaalla xukuumadda cusubi inay si dhow ula socoto.
Xasaradda Khaliijka ee u dhexeysa Qadar iyo Xulafada Sucuudiga lafteedu waa arrin saamayn ku leh Somaliland, maadaama Xukuumaddii hore ee Kulmiye ay ogolaatay in dalka Imaaraadka Carabtu uu saldhig ku yeesho magaalada Berbera, Dawladda Somaliya oo sheegtay inay dhex ka tahay xiisadda Khaliijka ayaa haddana xidhiidh dhow la leh dalka Qadar.
Xukuumadda Cusub ee Somaliland waxaa hortaalla inay aad uga fiirsato in xiisadda wadamada Khaliijku inay saamayn ku yeelato siyaasadda arrimaha gudaha ee Somaliland.
MIDAWGA YURUB IYO BRITIAN
Britain waxay ka baxday Midawga Yurub, waxayna haatan leeyihiin laba weji oo kala duwan oo ku aaddan siyaasadda arrimaha debedda, Midawga Yurub waa dalalka ugu badan ee taageera Somaliland, xilligii doorashadu socotay waxaa Somaliland ku sugnaa in ka badan 15 danjire oo Midawga Yurub ka socda, kuwaas oo saddex habeen u hoyday Somaliland, waxaana si aada uga shaqaysay arrintaas, Wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan Somalia.
Dawladda Britain lafteedu waa saaxiibka ugu dhow Somaliland, waa dal xidhiidh taariikheed la leh Somaliland, sidoo kale waa dalka taageerada ugu badan u fidiya laamaha ammaanka ee Somaliland. Hase ahaatee xidhiidhka Britain iyo Somaliland waxaa haatan saamayn ku leh laba arrimood, tan koowaad Britain, waxay haatan si weyn ula dhacsan tahay xidhiidhka ay la leedahay Soomaaliya, waxay halkaas ka furatay safaarad, waxaana ka jooga ciidamo kala duwan, waxay la gashay heshiisyo dhinaca shidaalka ah, iyada oo shirkadda shidaalka ee SOMA GAS and OIL, ee heshiiska la gashay dawladda federaalka ah ee Somalia, inuu xubin firfircoon ka ahaa Ra’isal Wasaaraha haatan xukuma Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Haddaba siyaasadda UK ee u jihaysatay Xamar ee ku dhisan masaalixdooda iyo danohooda dhaqaale, waa mid u baahan in Xukuumadda Kulmiye ay si dhow ula socoto.
Qodobka labaad ayaa ah, in Xukuumadda Kulmiye ay isu dheelli tirto xidhiidhada ay la yeelanayso Midawga Yurub iyo Britian oo haatan wixii ka dambeeya, kala yeelanaya laba siyaasadood oo kala madaxbanaan.
TALOOYIN:
Dawladda Cusub ee la doortay, waxaa mudan inay si weyn isugu miisaanto maslaxadaha iyo danaha wadamadu innaga leeyihiin, iyo danta qaranka Somaliland, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimo la xidhiidha Dhaqaalaha iyo Amniga.
Arrinta kale ee mudan in dawladda cusubi xoogga saarto ayaa ah, inay la timaaddo qorshe muuqda oo ay ku geleyso, wadahadallo dhexmara dawladda ka dhisan Muqdisho, qorshahaasi waa inuu ahaadaa mid qoran, oo tilmaamaya habka ay Somaliland u geleyso wadahadalada. Sidoo kalena waxaa taas barbarsocda in Xukuumadda cusubi la timaaddo Qorshe ku aaddan aqoonsi raadiska, jidadka loo marayo iyo meelaha ay tahay in xoogga la saaro.
DHAQAALAHA IYO XUKUUMADDA CUSUB
Xisbiga Kulmiye oo shacabka Somaliland ucodeeyeen, qodobada ay aadka ugu ololeynayeen ee dad badan soo jiitey waxa kamid ahaa, hoggaamin adag oo dad badani ufasirteen soo celinta awoodda dawladnimada oo aha arrin saamen weyn kule koboca dhaqaalaha wadamada.
Marka loo eego bandhigga siyaasadda xisbiga ee ku sharraxan buugga ololaha xisbiga, waxa muhiimad gaara lasiiyey horumarinta dhaqaalaha, oo kamida dhawr tiir oo horoumarintoota xisbigu aad ugu nuuxnuusadey, arrinkan oo si aada kor ugu qaadey filashada dadku ka haystaam xukuumadda cusub.
Caqabadaha taagan
Guud ahaan xaaladda dhaqaale ee waddanku waa mid aad u hooseysa. Qiima dhaca shilinka SL, shaqo la-aan baahsan, wax soo saarka gudaha oo aad u hooseeya, ku tiirsanaanta cuntada debedda laka keeno, kala sarraynta dhaqaalaha ee bulshada oo kor usii kacaya ayaa ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee muuqda.
dhanka kale waxa adag in si fudud wax looga qabto arrimaha dhaqaalaha ee waddanka sababo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa baahsan, dhaqanka bulshada ee ah necbaanshaha isla xisaabtanka iyo yaraanta awoodda xukuumadda ee bixinta adeegyada umuhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha.
Sidoo kale maareynta filashada sarreysa ee dadku ka haystaan xukuumadda cusub iyo ballan qaadyadeedii waaweynaa (shaqo abuur, la dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta waxsoosaarka gudaha iyo soo celinta qiimaha SLSH) ayaa iyana ah caqabad kale.
Qiime dhaca SLSH
Qiime dhaca SLSH (SLSH depreciation) ka ugu weyn dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka kusoo kordhay sannadihii udanbeeyey, waana mid indhaha bulshadu si ballaadhan ugu dhacayaan. Markii xukuumadda KULMIYE xilka la wareegtey 2010kii, $1 waxa uu ahaa ku dhawaaad SLSH6500, halka 7sanno kadib maaanta uu marayo $1 in ka badan SLSH 10,000. Inkastoo aaney jirin daraasado rasmiya oo laga sameeyey sababaha keeney dhibkan baahsan- haddana waxa jira arrima dhawr oo si guud isaga muuqda iney yihiin sababta qiime dhaca SLSH. Yaraanta dollarka dalka soo gala, ku tiirsanaanta maceesashadda debedda laga soo dhoofiyo, qaadka oo waayadan danbe lagu soo iibiyo dollar iyo kordhinta mushaharaadka shaqaalaha dawladda ayaa ah sababaha ugu muhiimsan hoos udhaca qiimaha SLSH.
Dhammaan dhibaatooyinkaa kor ku xusan iyo kuwo kaleba waxa ay keeneen in SLSH si ba-an uqiimo beelo, taasi oo keentey iyana in bulshadii waxba iibsan kari weydo maadaa qiimihii alaabtuna kor ukacay sarrif ahaan (alaabtu kuma qaali garoobin doolar ahaan, laakiin waxa qiime korodhku imanayaa marka lagu sarrifo SLSH).
Dhibaatadana qiime dhaca shillinka waxa xukuumaddu ku xallin kartaa dhawr dariiq. Tusaale ahaan qorsha dhaw waxa ka mid ah in dawladdu lacag badan oo dollar ha suuqa soo geliso oo sarrifto isla markaana suuqa ka xarayso xaddi badan oo SLSH. Qorshahani oo sannadka ay xukuumaddu tijaabisey muu noqon m id xal unoqda qiime dhaca SLSH, sababo ay kamidyihiin xukuumadda oo marka horeba aan sariff lacag ku filan iney qiimaha suuqa wax ka bedesho, iyo sidoo kale baahidii doolarka oo halkeedii taagneed.
Qorshaha ugu habboon ee wax looga qaban karo sarrif bararka SLSH ayaa ka muddada fog (long term plane) waana in la dhimo baahida dadku ay uqabaan doolarka. Sababta ugu weyn ee dalka oo dhan circa ku shareereysa baahida doolarku waa ku tiirsanaanta wax yaalaha lala soo dego ( import effect), si taasi loo yareeyo waa in kor loo qaadaa wax soo saarka gudaha- gaar ahaan wax soo saarka cuntada iyo dharka oo ah meelaha lacagta ugu badan ee doolarka loogu baahdo si debedda loogaga soo iibsado. Haddii xukuumaddu in kufilan yarasyo waxyaalaha lala soo degeyo waxa dhici doonta in ay yaraato baahida loo qabo doolarka, arrinkaas oo keeni doona inuu soo noqdo qiimaha SLSH.

Shaqo la-aanta
Shaqo la-aantu waa mid kamida dhibaatooyinka dunida 3aad la ildarantahay guud ahaan. Gaar ahaan SL waxa lagu tilmaamaa waddamada ugu shaqaaleynta liinta dunida. Sababo badan ayaa kenaya, waxa ugu mudan in aanu jirin haba yaraatee qorshe qaran oo si cilmiyeysan loogu eegay marna dhibaatada keentey shaqo la-aanta, xalalaka loo heli karo iyo xattaa bal in si saxa loo ogaado heerka ay marayso.
Dawladda cusub waxa muhiim ah iney daraasad tifa tiran ku samayso ugu horreyn heerka dhibaatada shaqo la-aanta dalka ka jirta iyo xalalka loo heli karo. samaynta komishanka shaqo abuurka qaranka oo umadax bannaanada arrimaha shaqaalaynta ayaa noqonkara xalalka ugu muhiimsan ee la qaadan karo, sidoo kale samaynta tababaro xirfadeed iyo tayaynta waxbarashada jaamacadaha gaar ahaan in kor loo qaado barashada xirfadaha ayaa iyana noqon karta xal lagaga gudbo xaaladda taagan.
Sidoo kale xoojinta faro gelinta dawladda ee dhaqaalaha gaarka loo leeyahay, waxa loo adeegsan karaa in lagu shaqaaleeyo dad badan. Waayo waxa jira shirkadaha waaweyni iney ku tacaddiyaan shaqaalaha oo meel 3qof looga baahnaa iney ka shaqeeyaan ay uqaataan 1qof.

Wax soo saarka gudaha
Somaliland waxa lagu tilmaamaa waddama ugu liita xagga sugnaanta cuntada (food security) waayo waxa dadku ay cunaan waxa debedda laga keenaa 99.5% ugu yaraan. Marka dhaqaale ahaan la eego waa musiibo kun jeer ka daran shaqo la-aanta, waayo haddiiba la waayo ama uu dagal ba ka dhaco meelahaa cuntada laga soo dego waxa dhacayso macaluul ay adkaan doonto cidda ka badbaaddaa.
Sababta ugu weyn ee dhibaata yaraanata sugnaanta cuntada dalku waxay tahay xorriyadda suuqa ganacsiga oo ka badan intii loo baahnaa ( perfect free market), yaraanta wax soo saarka gudaha iyo maqnaanshaha qorshe qaran oo arrinkan xal loogu raadinayo.
Markaa xukuumadda cusubi waa iney sidii ku jirtey buggii ololaha xisbiga xoojisaa wax soo saarka gudaha, oo dhibaatooyin badan xal unoqon doona, sida in kor loo qaado heerka sugnaanta cuntada qaranka iyo abuurista shaqooyin badan, sidoo kale waxa uu ka qayb qaadan doonaa soo celinta qiimaha SLSH.’

guud ahaan dhibaatooyinka dhaqaale ee waddanku waa kuwo isku xidhxidhan, oo haddii aan hal mar isku si loo wajahin wax udhimi kara ujeedada laga doonayo in laga gaadho, markaa xukuumadda cusub oo dadkii la ololeynayey ay ku jiraan khubaro badan oo dhanka dhaqaalaha ahi, waxay ubaahantahay muhiimadda koowaad iney ka dhigto sidii ay umaareyn laheeyd dhibaatooyinka dhaqaale ee waddanka ka jira.

References
✓ Findings based on the Somaliland Household Survey 2013 – a representative urban sample, and a fairly representative sample of settled rural households.
✓ New World Bank GDP and Poverty Estimates for Somaliland, 2014
✓ ILO Labour Force Survey 2012

Wixii Faallo ah kala soo xidhiidh centerforpolicy.ed@gmail.com

18

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face