Share this:

" />
Published On: Wed, Dec 2nd, 2015

Heshiis Laga Gaadhay Colaadii Gaalkacayo

Smiley face

dagaalkagaalkacayoGaalkacayo(ANN)Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke, madaxweyne-yaasha Koofur Galbeed Shariif Xasan Aadan, iyo Jubbaland Axmad Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhibaano, nabadoono, iyo mas’uuliyiin mataleysay beesha caalamka.

Munaasabad ka dhacday garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu soo hor fariistay labada hogaamiye, waxayna qalinka ku duugeen heshiis ka kooban afar qodob.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.

“Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in heshiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in dhankooda ay dhaqangelinayaan, isla markaana rajeynayaa in dagaal iyo dhibaato intaas looga gudbo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa sheegay in Galmudug ay dhankooda dhaqangelinayaan, ayna illaalinayaan qodobada heshiiska.

Ugu dambeyntiina, waxaa loo mahadceliyay Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland, oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada dhexe, si loo baajiyo dhiiga iyo colaada Gaalkacyo.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @SomaliPM

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face