Share this:

" />
Published On: Tue, Jan 26th, 2016

Hoos u Saamayn Badeecadaha daruuriga Ah

Smiley face

Arsuuqasarifkalacagaha ee Somalilandaweelo News Network

Berhayanba waxa hoos u dhac aad u ballaadhani ku imanayey qiimaha sarrifka ee lacagta Dollarka, Arrintan ayaa walwal iyo jah-wareer ku abuurtay dad badan oo ka tirsan bulshada reer Somaliland.

Waxaan dhawaan akhristay war lagu qoray mid ka mid ah Jaraa’idada maxallliga ah ee ka soo baxa dalka, Warkaasi wuxuu sheegayey inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaga hadlay khudbad sannadeedkii Distooriga aheyd ee uu Sannadkan u jeedinayey Goleyaasha Baarlamaanka, kor u kaca qiimaha Sarrifka oo sida Warku sheegay uu madaxweynuhu khudbaddiisa kusoo daray inay baadhis ku samayn doonaan Dawlad ahaan,bal inay qayb ka yihiin adeegyada( Edahab iyo Zaad) kor u kaca qiimaha Sarrifka ee lacagta Dollarka, Sidoo kale, isla warkaas waxa iyana lagu sheegay inay jiraan niman Sarrif-layaal ah oo kooto(xuurto) ku haysta Sarrifka.

Muddo yaruun Warka dabadii waxa si-isdaba joog ah hoos ugu dhacayey oo maalinba maalinta ka dambaysa sii qiimo beelayey lacagta dollarka.Maalintii aan Warkaas ka akhriyey Jaraa’idka, Sarrifku wuxuu marayey($1=7800SLSH) gacanta hore, halka gacanta danbena uu ka marayey ($1=8000SLSH), Maanta waxay maraysaa gacanta hore ($1=6000SLSH), tan dambena ($1=6200SLSH), Taas macnaheedu waxa weeyaan in qiimaha Sarrifka ee gacanta hore uu kor u kacay (76.9%) ku boqolkiiba todoba iyo todobaatan, Tan dambe, ayaa iyana noqonaysa (77.5%), boqolkiiba todo iyo todobaan iyo badh.

Haddaba, marka la eego qiimaha Sarrifku hoos u dhacay, waxaad

yahay mid aan caadi aheyn.Waxaan aqoonsanahay, in arrintan qiima dhaca ah ee aan caadiga ahayni ay ka dhalatay ama ay salka ku hayso laba qodob oo kaliya:

1. Dareenka hadalkii Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

isla dhexmarayeen

2.Hadal ay maalmahaas Dadweynaha reer Somaliland gaara haan oo ku saabsanaa Sarrifka iyo in Sarrifleyaasha la xidhi doono.

Sidaa daraadeed, waxa habboon in aan iswaydiino su’aasha ah, maxaa looga danleeyahay hoos u dhaca Sarrifka? Horta,waxa markiiba maskaxdaada kusoo dhacaysa in aad heli doonto alaabjaban.Taasi waa run oo shaki kuma jiro, haddii arrintaasi tahay mid dhab ah inuu jabayo wax kasta oo ku xidhan ama ku qiimaysan lacagta dollarka. Laakiin, waxa layaable innaga arrintaasi meesha way ka maqantahay waayo shay kastaa waxa uu taaganyahay oo lagu iibinayaa qiimihiisii hore.Waxa la ogyahay maanta in aanu wax xidhiidh ahi ka dhexayn hoos u dhaca qiimaha Dollarka iyo Badeecadaha iyo cuntooyinka

meesha kasaartay ujeedadii laga lahaa hoos u dhaca
Dollarka ama jabitaanka

Haddaba, waxaan leeyahay waa been, dhac iyo kutidhi ku teen iyo waliba sasku dhacay Sarrifleyaasha iyo bulshada , laakiin maaha Jabis run ah. Annigoo ka duulaya laba qodob: 1. Alaabooyinkii kuqiimaysnaa Dollarka oo halkoodii taagan hadday maciishad tahay iyo haddii kaleba

2. Dadkii oo ka yaacaya lacagtii SLShillinka oo ku

lacag Dollar ah illayn waxay ogyihiin inuu baddalaya

berriba halkiisii ku noqondoono ama ka sarrayn doono.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay kordhindoontaa qiimaha Sarrifka ee lacagta dollarka iyadoo sababtuna ay tahay Dollarka oo suuqa ku yaraan doona maadaama oo nin waliba uu imika rabo inuu jabnida kafaa’iidaysto oo uu gabbood (Hedge) ka dhigto lacagta adag ee Doolarka (The hard Currency).

W/Q-Dhaqaaleyahan –Xasan Cabdi Amman

ee Gobolka Maroodi-jeex.

Email:

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face