Share this:

" />
Published On: Sat, Jan 23rd, 2016

Hooyo Dhashay Wiil Yar Oo KU Baxay Gacanta Ciidanka Booliska Oo Dhanbaal Cabasho Ah U Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golayaasha Qaranka

Smiley face

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Hooyada dhashay Wiil yar oo ku baxay gacanta Ciidanka Booolika Somaliland, ayaa baaq cabasho ah oo ku waajahan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Golayaasha Qaranka iyo Salaadiinta Somaliland u gudbisay warbaahinta.
Qoraalka Hooyada dhashay Wiilka yar ee la dilay, ayaa u qornaa sidan:- “Aniga oo ah Hooyo Khadra Daahir Cabdullaahi oo ah Hooyada ladilay wiilkeeda DAAHIR Cabdullaahi Jaamac, isla markaana ah muwaadinad reer soomaaliland, Wiilkayga oo ahaa wiil da’a yar, waxa lagu dilay Xaafada Maxamed Mooge .

waxa lagu dilay toogasho sharcidaro ah anagooo ah dad u dhashay Gobolka Togdheer gaar ahaan Oodweyne Anagoo baaq u dirnay wasiirka wasaradda Arrimaha gudaha iyo Aminiga soomaaliland, isagoo wasiirku dhagba jeleq u siin waayay iskana dhegamariyay dilka madiga yar loo gaystay waxa aan baaq balaadhan u dirayaa Madaxweynaha J.S.L mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO iyo Labada Gole Qaran ee Golaha wasiirada iyo Golaha Baarlamankaba , Salaadiinta Soomaaliland meelkasta oo ay joogaan , Cuqaasha , Waxgaradka Aqoonyahanka , Hay’adaha xuquuqada Aaadamaha u dooda iyo ( Beesha Sacad Muuse gaar ahaana Makaahiil )(Nuux Makaahiil )oo uu ka dhashay gacan ku dhiiglaha Magasciisu yahay( NIMCAAN CABDI MAXAMED laguna naanayso (DHABAR ! ) kana tirsan Saldhiga Maxamed Mooge waxaanan idin ogaysiinayaa inaanu xidhnayn dilaaga Gacan ku dhiiglaha ahi aanu wax taalabo ah anuu ka qaadin taliyaha haysta saldhigaasi CABDI KAYD HALAB In la badalay sadexdii askari ee uu kuu jiro Gacan ku dhiigluhu loona badelay Sadhiga Daloodho uu kuna jiro gacan ku dhiigluhu sadexdaa askarina , isla markaana uu haysto hawlihiisi shaqo gacan ku dhiiglihii .

Waxaanu idiin sheegaynaa in aanu Taliyuhuu wax Talaabo ah ka qaadin haba yaraatee dilaaga booliska ah ee goobtiisii shaqo ku dilay Muwaadinkaa yar, isla markaana Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Warancade si cad isu hortaagay in aan naloo soo qaban gacan ku dhiiglaha xaqdarada ku dilay wiilkayga waxaan iidiin sheegayaa in aan ahay hooyo dhiban oo goblantay wiilkaasi madiga ahna ee la dilay dhashay .

Waxaan idiin sheegayaa in aan ahay hooyo u shaqaysa QARANKA Macalimadna ahayd mudo 20 sano ah .

Waxaan idiin sheegaya in uu wasiirka waran cade ku guul daraystay jawaabta uu ka bixiyay dilka wiilkayga DAAHIR CABDILAAHI JAAMAC (DAKHARE) . Waxaan idiin sheegayaa in uu wasiirku Hay’addaha Baadhista iska hor taagay in ay badhitaan ku sameeyaan Dilka Dhacay , sharcigana lndhaha ka riday.

Waxaan idinka codsanayaa in aad hoos u eegtaan Baaqaygaa waxna ka qabataan Falka Arxan darada ah ee Nalagula kacay .

Waxaan rajeeynayaa in aad nala qaybsan doontaan murugadaa xanuunka badan ee aan idiin soo bandhigay.’ ayaa lagu yidhi qoraalka cabashada ah ee Hooyada dhashay Wiilka yar.

Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face