Teodoro ObiangMalabo(ANN) Dalalka Equatorial Guinea iyo Gabon ee badhtamaha Afrika, ayaa si wadajir ah u qabanaya tartanka Ciyaaraha Qaramada Afrika ee sanadka 2015-ka. Kadib markii dalka Morocco oo hore ugu guulaystay inuu martigeliyo Ciyaaraha Afrika dhowaan go’aansaday in aanu qababayn sababo la xidhidha Cudurka Ebola eek u fiday dalalka gakbeedka Afrika.

Sidaana waxa xaqiijiyay Xidhiidhka kubada Cagta ee qaarada Afrika ee loo soo gaabiyo (CAF). Kadib markii Madaxweynaha Dalka Equatorial GuineaTeodoro Obiang Nguema Mbasogo uu ogolaaday marti galinta koobka qaramada Afrika, saacado ka dib kulan ay yeesheen gudoomiyaha Xidhiidhka Afrika ee (CAF) Mr. Issa Hayatou.

Kooxda Xidhiidhka Ciyaaraha Afrika, waxay sheegeen in aanay waxba iska bedelayn xiligii loo qorsheeyay in la qabto tartanka Ciyaaraha, taas oo ku beegan 17 bisha Janauary ilaa 8-da bisha Feberuary ee sanadka 2015-ka.
Ciyaaraha wax si wadajir ah u marti gelinaya Dalalka Equatorial Guinea iyo Gabon, waxaana lagu qabandoonaa sida ay sheegeen xidhiidhka Afrika Afar magaalo oo kala ah, Malabo, Bata, Mongomo iyo Ebebiyin.
Sidoo kale CAF, waxay sheegeen in isku aadka koobka qaramada Afrika 3-da bisha December lagu qaban doonaa magaalada Malabo ee Caasimadda Dalka Equatorial Guinea, isla markaana xulka Equatorial Guinea loo ogolaan doono in uu ka soo qeyb galo koobka qaramada Afrika,ka dib markii sanadkan laga saaray is reeb-reebka koobka, iyadoo lagu helay danbi ah in ay soo safeen ciyaaryahan laga mamnucay tartanka.
Dawlada Morocco oo ku guulysatay in dalkeeda lagu qabto Ciyaaraha Koobka qaramada Afrika, ayaa dhowaan shaacisay in aanay aqbalayn oo ay ka laabatay go’aankaa. Kadib markii ay soo waajahday cabsi la xidhidha Cudurla Ebola oo ku fiday dalal badan oo ka mid ah kuwa Afrikada galbeed.
Sidoo Dalka South Afrika ooh ore u martigeliyay Ciyaaradaha Aduunka, ayaa diiday in dalkiisa lagu qabto Ciyaaraha Qaramada Afrika, isagoo ka cudur-daartay sababo lala xidhiidhiyay cabsida Cudurka Ebola.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com