abdirazak said ayanleHargeysa(ANN)Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Ciidamada sida Milateriga u tababaran ee RRU, xabsiga u taxaabeen Habeennimadii Sabtida ee 15 Nov 2014, ayaa weli ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxaana loo diiday in ay arkaan Eheladiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland.
Ma cadda sababta xadhiga Xoghayaha oo shalay Maxkamadda iyo Xeer Ilaalintu ku murmeen xadhigiisa, kadib markii Hay’adda CID, ka dalbatay Xeer Ilaalinta in loo xalaaleeyo xadhiga Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda, balse Xeer Ilaalinta ayaa ku gacansaydhay in ay xalaalayso xidhigaa. Kadib markii ay Askarta ka socotay CID-du waayeen wax loo raaco xadhiga Xoghayaha ee ay doodu noqotay wuxuu Telefoono kula xidhiidhay dad jooga Gar-adag.
Hase yeeshee sida ay qaar ka mid ah Eeheladiisu u sheegeen Shebekada Araweelo News Network, waxay muran iyo dood dhexmartay Askarta ka socotay xarunta CID-da iyo Xeer Ilaalainta ka dib aqbashay in loo xalaaleeyo, taas oo lala xidhiidhiyay awaamiir ka timi Madaxtooyadda oo marka horeba xadhiga Xoghayaha lala xidhiidhiyay.
Qaar ka mid ah Eheladiisa iyo Xildhibaano dooanayay in ay booqdaan loo diiday in ay arkaan Xoghayaha oo ku xidhnaa Saldhiga Dhexe ee Hargeysa, balse sida ay Araweelo News Network u sheegeen eheladiisa, waxayna arrintaa ku tilmaameen mid gef iyo meel ka dhac ku ah Nidaamka iyo shuriicda Dalka, iyadoo aanay muuqan wax denbi ah oo loo hayaa Xoghayaha, balse xadhigiisu yahay mid siyaasadeed oo ay abaabuleen xildhibaanada Qandaraasyada Madaxtooyadda ku mamay, kuwaas oo Xoghayaha u hayay cadaawad siyaasadeed, isla markaana doonaya in ay xadhig aan sharci ahayn kaga aargoostaan.
Xadhiga Xogahayah Golaha Wakiiladda, waxa Canbaareeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda cabdiraxmaan Cirro, Xildhibaano iyo qaybo baddan oo ka mid ah Bulshada, kuwaas oo isugu jiray Odayaal, waxgarad, Siyaasiyiinin iyo dhalinyaro, isla markaana ku tilmaamay xadhigaa mid sharcidaro ah oo kasoo horjeeda Dastuurka oo damaanadqaaday Xoriyada iyo xuquuqda Muwaadinka oo layska xidho iyadoo aan wax denbi ah loo hayn, ama loo xidho aargoosi siyaasadeed, taas oo ka hor imanay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha oo Somaliland hore u saxeexday, isla markaana Dastuurka Somaliland damaanad qaaday.
.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com