__

 

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Sheegay In Aanu Waxba Kala Socon Ajandaha Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia Ee London PDF Print E-mail
Tuesday, 19 June 2012 17:21

 

Hargeysa(ANN) Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inaanu waxba kala socon wadahadalada xukuumadda uu ka tirsanyahay ee Somaliland la yeelanay Somalia. C/raxmaan Saylici


oo shalay kusoo laabtay dalka. kadib markii uu socdaal laba todobaad ah ku maqnaa dalka Swedan, ayaa  ka gaabsaday su’aalo laga weydiiyay waxyaabaha ay Somaliland iyo Somalia ka wada hadlayaan, isla markaana wuxuu sheegay inaanu sheegi karin inuu jiro ajande qoran oo ay Somaliland la tegeyso wadahadaladaa oo Arbacada beri ka furmaya London.
Madaxweyne xigeenka Somaliland, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi    uu shalay siiyay Laanta afka-somaliga ee Ideecada VOA-da ka hor intii aanay dalka ku soo laaban, wuxuuna mar la weydiiyay ahmiyada uu wadahadalkaasi u leeyahay dhinacooda Somaliland, yidhi, “Wada-hadaladaasi waxaanu  u aragnaa kolay inay muhiim yihiin, waayo waxaanu ahayn laba dal oo walaalo ah oo wax wada lahaa mudo labaatan sanadood ku dhaw, markii horena laba Mustacmaradood kala gumaysanayeen, markaa waa muhiim in labadii dal ee wax wada lahaa wada-hadlaan,”.
Sidoo kale Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Selici oo la weydiiyay halka wax laga bilaabayo iyo inay jiraan cid aan labada dhinac Somaliland iyo Somalia ahayn oo ku dhex jirta waxa uu yidhi,  “kolay hawshu waxay u badantahay in dawladaha shisheeye goobta lagu wada hadlayo diyaarinayaan, goob joogna ay ka noqonayaan, laakiin wada hadalku wuxuu ka dhaxaynayaa Somaliland iyo Somaliya.
Hadalku  marka laguula yimaado ayuu  imanayaa, laakiin hada ku odhan kari maayo halkaas ayaa wax laga bilaabayaa, markaa dee markuu  ragu isku yimaado ayuu  nin waliba fikirkiisa iyo talada uu qabo yeelanayaa.”
C/raxmaan Seylici oo ka jawaabayay aragtidiisa waxa ay Somaliland ka helayso shirkaa ee faa’ido ah iyo inuu jiro ajande qoran oo ay la tagtay, wuxuu yidhi,    “horta annigu dalkii waxaan ka soo maqnaa mudo 17 maalmood ah , runtiina waraysi badan umaan helin inaan la xidhiidho madaxweynihii iyo xukuumaddii markaa ajandahaasi inuu qoranyahay iyo  in kale kama warami karo.
Somaliland ahaanse, waxaanu  jecelnahay  in Walaalahayaga Somaliya ay nagu taageeraan dawladnimadii lixdankii aanu ula tagnay oo aanu maanta doonayno inaanu kala soo noqono, sababtoo ah waad ogtahay dhibaatooyin baddan baa jira, dadkuna aqoon ayuu leeyahay oo waa la horumaray, markaa waxaanu  jecelnahay inaanu noqono labada dawladood oo Soomaliyeed oo jaar ah, iyaguna sidaa nagu taageeraan,  waana  kaas  go’aanka  shacbiga  oo ah ta nalugu doortay ah ee aanu dalka ku hogaaminayno..”
Sidoo kale mar la weydiiyay Madaxweyne xigeenka haddii ay Somalia ku doodo inay doonayso midaw danbe, balse ay xaalmarin ka bixinayaan wixii dhacay xiliggii midawga, ama ku doodaan Somalia lixdankii idinkaa yimi maantana anagaa idiin nimi ee sidaa ku qaata midnimo,  waxa Somaliland uga meel yaal, wuxuuna isagoo arrimahaa ka jawaabaya yidhi, wuxuu  yidhi, “kolay taasi weftiga ayay u taalaa oo raga mudakarka ah ee la diray  ayaa ka jawaabi doona, waxaana la yidhi laba talaabo dhexdooda ayay talo ka dhalataa oo ka horka dhici maayo, kuna odhan maayo maya,  ama haa ayaanu odhanaynaa, laakiin anigu waxaan kuu sheegay uun Hilimada shacbiga reer Somaliland  inay tahay inay dawlad madaxbanaan  noqdaan  oo ay si mutadawacnimo ah kula soo noqdeen dawladnimadoodii, sidaasi oo kalena ay ula hadlayaan maanta iyagoo dawlad ah.
.
Mar la weydiiyay Dastuurka Somalia loo sameeyay ee aan weli la ansixin iyo aragtidiisa haddii la raaco qodoka sheegaya laba gobol oo midoobaya, ama kala baxay oo afti loo qaadayo, wuxuu yidhi, “Haddii ay Dantu kalifto weeye , laakiin waxa weeye  kolay dastuurku iminka maaha mid aanu u dhanahay oo Somaliland iyo Somaliya wada khuseeya ee inta badan waxa uu khuseeyaa Somaliya, waxaanan jecelnahay walaalahayaga Somaliya inay na soo gaadhaan oo halka aanu joogno soo gaadhaan, oo dhibaatooyinka jira ay ka takhalusaan , markaa markay na soo gaadhan ee iyagoo dawlad ah dimuquraadiya sidayada oo kale wixii talo ah ee la gaadhayo waa la gaadhi , wixii wax  lagu wanaajin karo, laakiin midnimada Somaliya waxaan cunfi ahayn ma keenaysee  in si walaalnimo leh lagu kala baxo ayaanu jecelnahay.” Ayuu yidhi C/raxmaan Seylici.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 4 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Faham La’aanta Qurba-jooga Iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed , By Aamina Maxamuud Axmed (Khaliifo)
Ku Xaragoodka Luqadaha shisheeye iyo Hal Adayga Murtida Hibada loo siiyay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Qiso dhexmartay Wiil Quraba-joog ah iyo Odayaal dhaqanka
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal 23 May 2013, 22.47 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal
Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top