__

 

Shirkadda Isgaadhiinta Casriga ee Telesom oo Jaamacadda Hargaysa U dhistay Dhisme Cusub oo Qalabaysan kuuliyadda ICT-ga PDF Print E-mail
Wednesday, 20 June 2012 20:23

Hargeysa(ANN)Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ee Telesom oo ah shirkadda ugu weyn dhinaca  isgaadhsiinta dalka, isla markaana  ugu  horumarsan tiknolajiyadda oo door weyn ka qaadata horumarka adeegyada aasaasiga ah ee bulshada,  ayaa maanta dhisme cusub

 

u dhistay kuuliyadda Isgaadhsiinta tiknoolajiyadda ICT ee Jaamacadda Hargaysa. Xafladdii wareejinta oo lagu qabtay hoolka dhismahaas cusub waxaa ka soo qayb-galay maamulka shirkadda Telesom, xubno wasiiro ah sida Wasiirkad Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka dhalinyadda iyo Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee Tacliinta Sare, Wasiirka Waxbarashadda, Wasiirka Boosha iyo Isgaadhsiinta, Wasiirka Ganacsiga, maamulka Jaamacadda Hargaysa iyo Jaamacadda Camuud, iyo bahda warbaahinta dalka.


xafladaa waxa  ka hadlay Sh. Aadan Maxamud Xiiray (Adan Siiro), wuxuuna  aad ugu nuuxnuuxsaday qiimaha ay waxbarashaddu leedahay, gaar ahaana adeegsida culuunta tiknoolajiyadd casrig ah. Sh. Adan Siiro waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Ugu horayn Ilaahaybaa mahad leh ina siiyey nabadaa aynu maanta ku  fadhino iyo quruxdaas. Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa bahda Telesom ee Sample-ka u ah shirkaddaha maanta ka jira Somaliland. Telesom maanta waad ogtihiin amaano, karti, aqoon iyo wax qabad baa lagu tuhmayaa. Waxaan leeyahay aad baad u mahadsantihiin. Dadka waxaa ugu khayr badan buu rasuulku yidhi WSW, ‘ka wax anfaca’” sidaasi waxaa yidhi Sh. Aadan Siiro.

Sheekhu waxaa uu sidoo kale aad u sharaxay doorka iyo qiimaha ay leedahay in la ilaaliyo aqoonta, waxaanu xusay in ay jaamacaduhu dalka aad ugu soo badanayaa iyadoo uu ku taliyey in aad loo ilaalin waxbarashadda tayadeeda iyo heerka loo eegi jiray ardayga jaamacadu qaadayno. Waxanu tusaale u soo qaaday in maanta dalka Jabaanu aanu lahayn wax khayraad dabiici ah ee maanta waxa ay dunida dhaqaalaheeda ku hogaamiyaan yahay aqoonta. Aqoontun ay tahay hantida kaliya ee ma guurtadda ah. Waxanu ku boorayey in wasaaradda Waxbarashaduu ku dadaasho tayadda waxbarashadda dalka.
Waxaa isna madaxashii xafladda ka hadlay, Suldaan Maxamed Xasan Ibrahim oo ah boodhka sare ee shirkadda Telesom waxaanu aad uga hadlay doorka ay shirkadda Telesom kaga jiro horumarka dalka, waxyaalhii ay shirkaddu qabtay lixdii bilood ee u danbeeyey. Haddala suldaan Maxamed Xasan waxa uu yidhi, “Ilaahay subxaanahuu wa tacaalaa ayaa mahad iska leh inagu kulmiyey goobtan aynu maanta iskugu nimid ee ah furitaanka hall-kan jaamacadda Hargaysa aanu u dhisnay.” Waxan kaloo u mahad celinayaa xubnaha wasiiradda ka soo qayb-galay furitaanka xafladan wakhtigoodii qaaliga ahaa u soo huray iyo masuuliyanta kale ee xukuumadda ka socota iyo professor-ka jaamacadda madaxda ka ah ama wax ka dhiga iyo arday ka soo qayb-gashay xafladan, waxa kale oo mahadnaqay bahda saxaafadda ee sida xooga uga soo qayb-gashay xafladan.

Intaa ka dib Suldaan Maxamed Xasan waxaa uu sharaxaad ka bixiyey shirkadda Telesom iyo kaalinta ay kaga jirto bulshadda waxaanu yidhi, “Telesom waa shirkadda ganacsi oo ay wadda leeyihiin dad reer Somaliland ahi ama guddaha ha joogeen ama dibbadda ha joogeen. Waxa laga yaabaa dadka halkan fadhiyaa inay qaar ka mid yihiin share-holders-ka shirkadda ama dad wax ku leh. Shirkaddan dadka share-ka ku leh ugu dhawaan waxay kor u dhaafayaan ilaa 1,500 oo qof, waad qiyaasi kartaan shirkadd ay dadka intaas leegi wadda leeyihiin oo guulaystay oo horumartay oo cagaheeda ku taagan waa wax Ilaahay loogu mahadnaqo. Waana dhawris iyo badbaadin ay baadbaaday hanti badan oo ummadda reer Somaliland ahi isku darsatay. Waxay Tusaale markale ay u tahay in wax isku darsigu yahay shay horumar lagu gaadhi karo ama faa’iido dhalin kara. Waxaa kale oo xusid mudan in shirkadda Telesom ay ka shaqeeyaan shaqaalo aad u badan. Tusaale haddii shirkadda Telesom ay ka shaqeeyaan 2000 oo qof oo qofkiiba uu masuul ka yahay celcelis ahaan 5 qof, waad qiyaasi kartaan inta umadda ka faa’iidaysanaysa, waa wax weyn oo runtii bulshadda qiimo badan ugu fadhida” sidaa waxaa yidhi Suldaan Maxamed Xasan Ibrahim oo ka mid ah boodhka sare ee shirkadda Telesom.

Suldaan Maxamed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in Shirkadda Telesom ay lixdii bilood ee ugu horeeyey sanadkan ay shirkaddu ka qayb-qaadatay mashaariic badan oo ay ka  mid ahaayeen $25,000 oo Waddada Wajaale looqu deeqay, $20,000 oo wajiga hore ee Dawga cad lagu bilaabay oo ay shirkaddu bixisay, mishiin laydh oo weyn oo ay shirkaduu ugu deeqday cusbitaalka Borama,  mishiin weyn iyo 20 computer oo Jaamacadd Tima-cadde ee Gabiley isna la siiyey,  wadda isku xidha Jaamacadda Camuud iyo Magalaadd Boorama oo ay shirkaddu maal-galisay iyo mashaariic kale oo badan.

Haddaba shirkadda Telesom waxay Jaamacadda Hargaysa u dhistay dhimse lacagta ku baxday ay dhan tahay $100,000. Dhismahaas oo ka kooban Hall-ka qudbadaha ah, Hall-kale oo lagu qalabeeyey 20 computer oo kuraastoodi iyo miisaaskoodii u dhan yihiin, istoodh Network ah oo la dhigay qalab qaaliya,  xafiis qalabaysan,  iyo musqul. Dhismahan oo shirkaddu u dhistay si heer sare waxaa uu awood u leeyahay in la saari karo ama lagu kordhin karo laba dabaqa iyo wax ka badan.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Prof. Mustafe Ceelaabe oo ah horumuudka kuuliyadda culuunta Isgaadhisiinta Tiknoolajiyadda—ICT. Professor-ku waxaa uu xusan Qiimaha ay kuuliyadda ugu fadhido dhismaha iyo qalabkan loo dhamaystiray. Isagoo tilmaamaya qalab-ka ay shirkaddu ugu deeqday kuuliyada oo uu ka mid yahay CISCO Access rooter, kaas oo ah qalab aad u qaaliya oo keenistiisii waddanka aad wax la iskaga waydiiyey qiimaha uu leeyahay dartii balse lagu qanciyey in Jaamacada Hargaysa la siinaayo. Professorku waxa uu yidhi, “Qalabkan CISCO Access Rooter waa qalab ay iska leedahay shirkadda soo saarta qalabka lagu isticmaalo internet, waana qalab aad u qaaliya oo jaamacadda hargaysa nasiib u yeelatay inay hesho. Waa qalab qiimo weyn ku soo kordhin doona jaamacada waxanu u sahli doonaa in aqoonti arday si fiican loogu gudbin doono”.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacad Hargaysa Professor Muuse Adan Cabdi, oo shirkadda Telesom ku amaanay sida ay had iyo jeer u garab joogsato Jaamacada Hargaysa, waxaanu sheegay in dhismahani aanu ahayn kii ugu horeeyey ee ay jaamacada u qabto balse ay aad uga caawiso dhinacyo badan oo ka mid ah baahiyaha kala duwan ee Jaamacadda Hargaysa.
Gebagebadii waxa munaasibadaa ka hadashay  Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Marwo. Zamzam Cabdi Aadan iyadda oo uu ku soo dhaweeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Md. Khadar Cabdi qudbad kooban ka dib. Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Marwo. Zamzam Cabdi Adan waxay shirkadda Telesom ay aad ugu mahadnaqday doorka ay ka qaadanayso horumarka dalka gaar ahaan waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Wasiir Marwo. Zamzam waxay tidhi, “Farxad bay ii tahay maanta in aanan u mahadnaqaana waajibay ayey igu tahay shirkadda Telesom ee Jaamacadda Hargaysa ugu deeqday Hoolkan iyo qalabkan Telesom aad baan ugu mahadnaqayaa. Runtii waajib ayey inu tahay in aynu iska kaashano wixii horumar ah, mana aha in cid kaliya lagu eego. Waad la socotaan marxaladdii uu dalkani soo maray, waad ogtihiin in dalku soo maray iyadoo dhulka la fadhiyo oo laga soo noqday xeryihii qaxootiga, oo dalku burbursan yahay, oo miinooyin yaalaan oo dagaalo ku dhacay”.

Ugu danbayntii waxay Marwo. Zamzam Cabdi Aadan ay xadhiga ka jartay dhimihii ay shirkadda Telesom u dhistay Jaamacadda Hargaysa dhismahaasii oo lagu sharfay laguna xardhay Boodh yar oo ka samaysay maar magaca Wasiiradda Waxbarashadda Somaliland Marwo. Zamzam Cabdi Aadan, waxaan si toosa ugu wareejiyey maamulaha Qaybta horumarinta ganacsiga iyo xidhiidhka dadweynaha Md. Cabdisalaan Ismaacil Nuur. Isagoo maamuluhu ugu danbayntii si rasmi ah furayaashii iyo masuuliyadii dhismahaasi ku wareejiyey Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Muse Adan Cabdi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 9 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun 08 May 2013, 09.52 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun
Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku
Suxufiyiinta Somalia Oo Xusay Maalinta Saxaafadda Aduunka Iyo Sanadkan Oo Loo Aqoonsaday Kii Tacadiyada Ugu Badnaa Soo Waajaheen
Muqdisho(Araweelo News Network) Munaasibad si heer sare ah loo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top