| Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Laba Nin Oo U Dhashay Iran Oo Lala Xidhiidhiyay Al-shabaab |
|
|
|
| Saturday, 23 June 2012 20:23 |
|
Mombasa (ANN)Saraakiisha Booliiska Dalka Kenya ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen Labo Nin oo u dhashay Dalka Iiraan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanyihiin Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.Madaxa booliska magaalada xeebta ah ee Mombasa Mr. Aggrey Adoli, ayaa sheegay jimcihii shalay in labada Nin oo ay ciidamada amaanku xidheen ay u dhasheen Dalka Iiraan, kuwaas oo lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalkaasi xili ay ku dhuumaaleesanayeen. Aggrey Adoli ayaa intaa ku daray in mid kamid ah Raga la qabtay ee u Dhashay Dalka Iiraan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa fulinta howlgallada magaalo xeebeedka mambaasa ee dalka Kenya, isla markaana laga helay 15 kgr oo ah waxyabaaha loo adeegsado qaraxyada ee budada ah. Sidoo kale sarkaalka booliska ah ee lagu magcaabo Aggrey Adoli, ayaa sheegay in labadaa Nin ay hada ku xidhanyihiin Xabsi ku yaala Magaalada Nairobi, isla markaana ay damacsanaayeen in ay qaraxyo ka geestaan gudaha Kenya. Safaarada Maraykanka ee Kenya, ayaa jimcihii heshay digniino sheegaya weero aragagixiso, taas oo sababtay inay dawladda Maraykanku uga digtay dadkeeda inay tagaan magaalada xeebta ku taal ee Mombasa. Kenya ayaa dagaal culus kula jirta Al-Shabaab. kadib markii ciidamada Kenya galeen gudaha Somalia Oct, 2011, waxayna ciidamada amaanka Kenya xabsiyada dhigeen tan iyo waqtigaa dad badan oo la sheegay in ay xidhiidh la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab oo qaraxyo kala duwan oo ay ku sheegeen aargoosi ka fulisay gudaha dalka Kenya. Araweelonews Mobile Somaliland Office E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |

Quraanka Kariimka Ah Oo Luqado Badan Lagu Turjumay ka Daalaco Halkan


Habeenkaaga Hargeysa Hoolal Casri Ah Iyo Huteelka Crown kala Xidhiidh Hargeysa Somaliland

Victory never looked in doubt for the Blaugrana who are now just...
The Rossoneri...
The San Siro giants...
Montella's men blew away...
The Dragao outfit have secured Liga honours for a third successive season,...
The Manchester United midfielder insists that the Scot can walk away from...
The manager credits his team's attitude after reaching the top four ahead of Tottenham...


















