__

 

Dawladda TFG oo Iddaacad ka soo horjeeda Madaxbannaanida Somaliland ka Hirgelinaysa Gobolka Sanaag PDF Print E-mail
Tuesday, 26 June 2012 13:32

Muqdisho (ANN)-Dawladda taagta daran ee wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Somalia, ayaa ku hawlan dhismaha iddaacad FM ah oo la doonayo in laga baahiyo barnaamiyo kasoo horjeeda Madaxbannaanida iyo qaranimada  Somaliland, taas   oo ay ka hirgelinayso magaalada Badhan oo ka

 

tirsan Gobolka Sanaag.

Sida xalay laga baahiyay telefiishanka ku hadla Telefiishanka ku hadla afka dawladda Somalia iyo Universal Tv. Idaacaddaas ayaa la guddoonsiiyay laba nin oo ka socday Gobolka Sanaag, gaar ahaan Deegaanka Badhan, kuwaasoo mid ka mid ah ay wallaalo yihiin Xildhibaan Bulqaas oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

Idaacaddaas oo xarunteedu noqon doonto ayay masuulliyiinta dawladda TFG ku doodeen in loogu deeqay waxa ay ugu yeedheen “Shacbiga Midnimada jecel” ee Gobolka Sanaag, islamarkaana waxay xuseen in idaacaddaasi baahin doonto barnaamijyo  ku saabsan wacyigelinta bulshada Gobolka Sanaag ee la xidhiidha Baahinta Dastuurka Somalia iyo wadajirka qaranka Somaliyeed.

Xukuumadda Somaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin qorshaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee xilligan idaacaddo loo qorsheeyay in lagu faafiyo waxyaabo ka soo horjeeda Madaxbannaanida Somaliland oo dawladda TFG-du bixinaysay muddooyinkii u danbaysay, iyadoo Idaacad hore dawladda TFG-du ugu deeqday bilihii la soo dhaafay malleeshiyada nabad-diidka ku dhuumaalaysata Buuhoodle.

Tallaabooyinka ay dawladda TFG-du qaaday ayaa u muuqada kuwo carqaladayn  kara wadahadalladii beesha Caalamku soo saartay ee Somaliland iyo Somali, waxa kale oo ay Idaacaddahani khatar ugu jiraan inay u gacangalaan kooxo argagixiso ah oo u addeegsada fidinta barnaamijyo xagjir ah.
Araweelonews Mobile

 

Hargeysa Somaliland

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 17 guests online

Sports Headline