__

 

“Arrinta Wadahadalka Somaliland iyo Somalia way fiicantahay, wuxuu ku salaysanyahay ….” Prof. Ismaaciil Buubaa PDF Print E-mail
Saturday, 04 August 2012 20:20

Muqdisho(ANN) Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, oo  ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii Soomaaliya soo maray ee debeda loogu soo dhisay, tan iyo markii ay burburtay dawladii Somalia ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya tahay

 

mid lagama maarmaan ah, isla markaana waxa uu ku dooday in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku salaysan yahay arrinta midnimada.
Ismaaciil Buubbaa waxa uu sidaa ku sheegay  waraysi uu siiyay weriye ka tirsan shebekadda wararka ee Berberanews, kaas oo uu ku sheegay  inay Somaliland cabbudhin ku hayso dadka reer Somaliland ee taageersan fikirka midnimada Soomaaliya, waxaanu siyaasad aan bislayn ku tilmaamay hadal Xukuumadda Somaliland ka soo yeedhay oo ay ku sheegtay inay Soomaaliya ku hayso faro-gelin qaawan oo cawaaqib-xumo geeska oo dhan ka dhalin karta. Isagoo intaa ku daray inuu Hargeysa iman doono maalin maalmaha ka mid ah.
Prof: Ismaaciil Buubbaa oo ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa Shabakadda wararka ee Berberanews caawa khadka taleefanka ku waraysatay, waxaanu waraysigaa Prof: Buubbaa kaga hadlay, arrimo faro badan oo la xidhiidha Shirarka ka socda magaalada Muqdisho, ansixinta Dastuurka, doorashada Baarlamanka iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya yeelanayso inta ka horraysaysa 21 bishan aynu ku jirno. Ismaaciil Buubaa oo dhallasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aamisan fikirka midnimada Soomaaliyeed, waxa kale oo uu ka hadlay Ergooyinka Somaliland ka tagay.
Waraysiga Berberanews la yeelatay Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa oo ahaa su’aalo laga weydiiyay arrimahaa iyo jawaabihii uu ka bixiyay ayaa  u dhacay sidan:-
Su’aal: Ismaaciil, waxaad joogtaa Muqdisho oo uu ka socday Shirkii Dastuurka Soomaaliya oo Arbacadii la ansixiyey, waxaana dhawaan lagu dooranayaa Baarlamanka cusub oo iyaguna Madaxweyne dooran doona, bal arrimahaasi siday u socdaan nooga warran?
Jawaab: Shirarkan Muqdisho ka socda aad iyo aad ayey caalamka iyo Soomaalidu-ba isha ugu hayaan, waxaana la doonayaa in dawlad Dastuuri ah Soomaaliyi yeelato, illaa immikana si fiican bay wax u socdaan. Arrintaa ansixinta Dasruurka cusub ee Soomaaliya yeelatay-na waa wax weyn oo muhiimad badan u leh ummadda Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeed iyo caalamka Soomaaliya taageeraaba aad bay u soo dhaweeyeen, waana wax loo baahnaa.
Su’aal: Shirarkani waxay noqonayaan kuwii ugu horreeyey ee intii 1991-kii ka dambaysay lagu qabto gudaha Soomaaliya, maxaad is-leedahay way kaga duwan yihiin shirarkii dalalka dibedda lagu qaban jiray ee dawladaha ku-meel-gaadhka ah Soomaaliya loogu soo dhisi jiray?
Jawaab: Horta marka dhinac laga eego aad bay u wanaagsan tahay oo in ummadda Soomaaliyeed gudaha dalkooda wax loogu qabto ama loogu dhiso way habboon tahay. Marka gees kale laga eegana Shirarkii Carta, Jabuuti iyo Impigaati ee dawladihii hore ee Ku-meel-gaadhka ah Soomaaliya loogu soo dhisay wax badan kuma kala duwana, inkasta oo aan weli la gaadhin doorashadii Baarlamanka cusub oo iyaguna dooran doona Madaxweynaha.
Su’aal: Ismaaciil Buubbaa, waxa tahay nin Siyaasadda Soomaalida muddo ku soo dhex-jiray, waxaana hadda jira oo Muqdisho kula jooga Rag badan oo Musharrixiin ah oo Jagada Madaxweynennimada Soomaaliya inay u tartamaan doonaya, saadaashaada Musharrixiintaa yaa ugu cadcad ama ugu rejo fiican baad isleedahay inay guulaystaan?
Jawaab: Waa su’aal fiican, way jiraan Rag badan oo musharrixiin ah oo damac Madaxweynennimo leh, laakiin rejadoodu waa mid ku xidhan tayada uu yeelan doono Baarlamanka cusub ee la dooranayaa, haddii Baarlamanka la dooranayaa noqdo mid aqoon ahaan, waddaninnimo ahaan iyo aragti ahaanba tayo fiican oo lagu soo xusho leh, waxay dooran karaan qof u qalma Madaxweyne-nimada Soomaaliya oo waddaniyad ahaan, aqoon ahaan iyo siyaasad ahaanba dhisan. Laakiin, haddii tayada ay yeelanayaan Baarlamanku noqoto mid hoosaysa ama aan dhammaystirnayn lama saadaalin karo, rejaduna waxay ku xidhan tahay hadba sida Baarlamanka cusub noqon doono, markaa, taa immika kuma deg-degi karno.
Su’aal: Md. Buubbaa, Madaxweynaha hadda talada Soomaaliya hayaa Sheekh Shariif, waxa uu ku doodayaa inuu leeyahay CV fiican oo aanay lahayn Musharrixiinta qurbaha ka soo noqotay, kaasoo uu u dhigayo waxyaabaha uu dalka ka qabtay muddadii uu xilka hayey, waxaana la saadaalinayaa inay taasi u sahasho in mar kale Madaxweyne loo doorto, arrintaasi Ismaaciil ahaan ma kuu muuqataa?
Jawaab: Horta wax badan oo uu kaga duwan yahay Musharrixiinta kale way jiraan, laakiin wax badan oo uu doonayey inuu qabto oo aan u qabsoomin Sheekh Shariif way jiraan. Rag badan oo Siyaasiyiin ah oo isbeddel keeni karaana way jiraan, balse sidaan kuu sheegay rejada Madaxweynaha Soomaaliya yeelan doontaa waxa ay ku xidhnaan doontaa tayada Baarlamanka cusub ee la dooranayaa yeesho.
Su’aal: Waxa jirta inaan Beelaha Soomaaliyeed u dhammayn nidaamka wax lagu dooranayo, sida Somaliland oo Ergooyinka dhankeeda ka tagay ku tilmaantay kuwo aan cid matelin, isla markaana Somaliland dembi ka galay oo hadday soo noqdaan lagu qaadi doono, taasi miyaanay jirin?
Jawaab: Beelaha Soomaaliyeed Waqooyi way joogaan halkanna (Muqdisho) way joogaan, fikirka kala go’ana cidna dani uguma jirto, Dad Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Boorame ka yimi-ba shirka way joogaan, waxaanay la siman yihiin kuwa Kismaayo, Boosaaso, Baydhabo iyo Baladweyn ka yimi, xuquuq simanna way leeyihiin, waxaanay xaq u leeyihiin inay waxna dooran karaan lana dooran karo, markaa maaha in la yidhaahdo ciddii fikirka maamulkayga ka soo horjeesataa way qaldan tahay. Dadka midnimada taageersan ee Somaliland jooga iyo kuwa kala go’a taageersanina xuquuq siman oo siyaasi ah ayey leeyihiin, duniduna hadda cabbudhin way ka gudubtay, Geeska Afrikana dani uguma jirto inay Soomaaliya kala go’do, maalin ay timaaddana midnimadu way imaynaysaa, Soomaaliduna marnaba ma kala maarmi karto.
Su’aal: Ismaaciil, Xukuumadda Siilaanyo waxay sheegtay inay dawladda Soomaaliya faro-gelin qaawan oo khalkhal iyo kala fogaan dhalin karta ay ku hayso gudaha Somaliland, arrintaasi ma kuu muuqataa adiga?
Jawaab: Aniga taasi iima muuqato, dadka Somaliland joogaa dad kala go’a taageersan iyo kuwo midnimada taageersan ba way leeyihiin, Shirarka halkan ka socda iyo doorashaduna maaha doorashadii caadiga ahayd ee inta Sanduuq meel la dhigo dadku qofka ay doonayaan u codaynayaan, ee haddii Alla badankeeda leeyay waxa weeye mid beelo ku salaysan, Beelaha Soomaaliduna Waqooyi (Somaliland) way joogaan, Muqdisho way joogaan, Kismaayo way joogaan meel kastana way joogaan. Markaa, inay Somaliland tidhaahdo waa nalaga dhex Kalluumaysanayaa waxaan u arkaa fikrad qaldan iyo siyaasad aan bislayn. Meeshana ma taallo dimuquraaddiyad baan doonayaa oo aan ku dhaqmayaa iyo dadka fikirkooda waan cabbudhinayaa. Somaliland lafteedana in Baarlaman tayo leh oo Soomaaliyeed yimaaddo dan badan baa ugu jirta.
Su’aal: Laakiin, Somaliland dawlad bay dhisatay ku salaysan Dastuurka oo 97% dadka reer Somaliland u codeeyeen, markaa dadka gobollada Somaliland ka tagay ee Shirarka Soomaaliya ka qaybgala sharciba dembiilayaal ka dhigaya ayaa uga yaalla, iyada oo taasi jirto in halkan dadka looga yeedho miyaanay faro-gelin ahayn?
Jawaab: Maaha faro-gelin, waayo? Dadku fikirkooda iyaga ayaa u xor ah, dunida dimuquraaddiyaddu ka jirtaana aad bay u tixgeliyaan xornimada fikirka qofka, markaa dadka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo ama Boorama iyo meelaha kale ee Somaliland-ba way ku jiraan kuwo midnimada Soomaaliyeed taageersan iyo kuwo gooni-isu-taagga doonayaa, laakiin waxaan kuu sheegayaa inay dadkaasi xaq iyo xuquuq siman leeyihiin. Ta ay Somaliland leedahay waa nalaga dhex kalluumaystayna waa arrin ku salaysan siyaasad aan bislayn, mana aha in dadka xuquuqdooda lagu tunto, oo fikirkooda ay dembiilayaal ku noqdaan.
Su’aal: Waxa dhawaan bilaabmay wadahadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, wadahadalladaasi waxay Somaliland u muujiyeen rejo fiican oo la xidhiidha dhinaca gooni-isu-taaggeeda iyo inay aqoonsi buuxa beesha caalamka ka hesho, aqoonsigaasi mid iman kara ma kuula muuqdaa?
Jawaab: Horta anigu ma jecli inaan idhaahdo way riyoonayaan! Taasina waa rabitaankooda, laakiin aniga waxa ii muuqda inay imanayso dawlad Soomaaliyeed oo midaysani, way jiraan maammulo badan oo aan Somaliland ahayn sida Puntland, Galmudug iyo kuwo kale, dhammaantood waxay ka mid noqon doonaan Soomaaliya, Somaliland-na waxay noqon doontaa mid ka mid ah Soomaaliya. Arrinta wadahadalku way fiican tahay, waxaanu wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku salaysan yahay midnimo, Afrikana dani uguma jirto in la kala googo’o, duniduna midnimo ayey taageeraysaa. Markaa Xukuumaddan uun maaha ee maammuladdii Somaliland u kala dambeeyey-ba waxay aamminsan yihiin gooni-isu-taag.
Su’aal: Ismaaciil, waxaad muddo ku soo jirtay Siyaasadda Soomaalida, immika ma jiraa damacsiyaasadeed oo aad ku doonayso xilalka dawladda cusub ee loo tartamayo?
Jawaab: Qofkasta oo siyaasi ahi damacsiyaasadeed wuu leeyahay, dabcan aniguna Siyaasiyiinta ayaan ka mid leeyahay damac iyo hanba waan leeyahay, laakiin anigu dantayda damaca siyaasadeed waxaan ka horreysiinayaa danta ummadda Soomaaliyeed oo ah inay dawlad fiican oo Dastuuri ahi u dhisanto oo ay dhibaatada 21-ka sano ay Soomaalidu ku soo jirtay laga baxo. Sidaan hore kuugu sheegayna doorashada Baarlamanka ka dib ayey wax kala caddaanayaa, wax walibana wuxu ku xidhan yahay tayada uu Baarlamanku yeesho, markaa ku degdegi maayo inaan ku idhaahdo xilkaas baan rabaa, laakiin han iyo damac siyaasadeed-ba waan leeyahay.
Su’aal: Waxa dhawaan soo baxay hadal-hayn la xidhiidha in Ismaaciil Buubbe ahaan aad Hargeysa imanayso, hadal-hayntaa maxaa ka jira?
Jawaab: Wax way ka jiraan, laakiin waxaan doonayaa inaanay imashadayda Hargeysa khalkhal gelinnin degganaansha iyo nabadgelyada Somaliland ka jira, sababta oo ah, waxa jira fikir ay maammullada Somaliland soo maray aamminsan yihiin oo ah ta gooni-isu-taagga, aniguna inkasta oo aan Somaliland waxay qabsatay iyo nabadgelyada ay samaysteen ku ammaanaya, haddana fikir kaa ka duwan baan qabaa oo ah midnimada Soomaaliyeed, waayo Afrika, Yurub iyo caalamka oo dhan baa aragtidaa qaba. Markaa marka kollay waan iman doonaa Hargeysa, balse inaan deggenaanshaha saamayn ku yeesho ma jecli.
Xigasho Berberanews

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 17 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun 08 May 2013, 09.52 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun
Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku
Suxufiyiinta Somalia Oo Xusay Maalinta Saxaafadda Aduunka Iyo Sanadkan Oo Loo Aqoonsaday Kii Tacadiyada Ugu Badnaa Soo Waajaheen
Muqdisho(Araweelo News Network) Munaasibad si heer sare ah loo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday
Xuska Sanad Guuradii 11aad ee Geerdii Madaxweyne Cigaal iyo Taariikhda Faca wayn ee uu lahaa, Qalinkii: Muna Ibrahim Adan
v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);} 800x600 Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE
ABWAAN DHOODAAN: Ilays Damay! Qalinkii: Maxamed Haaruun 02 May 2013, 09.36 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
ABWAAN DHOODAAN: Ilays Damay! Qalinkii: Maxamed Haaruun
Abwaan C/laahi Macalin Axmed, (Dhoodaan), 1941 kii ilaa 2013
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Oo U Xuubsiibtay Abwaan Gabaygii Labaad Oo Isugu Jira Dardaaran Iyo Dhaleecayn Ee Uu Tiriyay Halkan Ka Akhri
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mar kale soo tiriyay tix kale oo Gabay ah, iyadoo dhowaan si lama filaan ah Wasiir Xirsi oo ka mid ahaa Wefdiga Madaxweynaha Somaliland munaasibad Magaalada London

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top