Published On: Fri, Mar 20th, 2015

Jawaab celin ku Saabsan Maqaalka Diinta iyo Waayaha Dadka ee Ibrahin Hawd

Smiley face

AbeershiyaWaxa diyaariyey Cabdilahi Beershiya
Waxaan maalin dhaweyd akhriyey laba maqaal oo kala dambeeyey kuwaas oo ay kala qoreen laba qoraa oo si kala duwan aragtidooda u soo bandhigay, waxay kala ahaayeen qoraaga loo yaqaan Ibrahin Hawd oo inta badan aragtiyihiisa iyo qoraallada u sameeyo ku soo bandhiga bar uu mareegta Internetka ku leeyahay oo cinwaankeedu yahay http://ibraahinhawd.com, qoraaladiisii ugu dambeeeyna uu ka mid ahaa qormo uu u bixiyey DIINTA IYO WAAYAHA DADKA.
Qoraalkan oo ahaa mid kooban oo u kaga hadlayo diinta, dadka diinta qaata, Qur’aanka ma laga hadli karaa, aragtiyihii tirada badnaa ee loolanka geliyey fikirka diinta islaamka iyo dadka diinta ka sheqeeya xidhiidhka ka dhexeeya, ayaa waxa qoraal jawaab celin ah ka bixiyey aqoonyahan da’ yar oo lagu magacaabo Mustafe A. Nuur oo si xilkasnimo ah gorfayn dareen diimmeed ka muuqdo ugu sameyey qoraalka Ibraahin Hawd.
Aniga oo ugu mahadnaqaya labadoodaba qoraallada ay sameeyeen ayaa waxaan jeclaystay inaan qayb ka noqdo dooda u Ibrahin Hawd furay ee ku saabsan siduu u arko xidhiidhka diinta iyo dadka, inkasta oo qoraalka Ibraahin iila eegaa mid tashuush iyo shaki gelin kara qofka aan awood aqooneed oo fiican u lahayn diinta amma aan ku xidhnayn meelaha lagu gorfeefyo dhacdooyinka taariikhiga ah ee ay diintu soo martay.
Waxa iiga baxay qoraalkaas oo aan ka fahmay in uu xambarsan yahay aragti ka mid ah aragtiyaha adduunka soo maray ee ay aaminsanaayeen qaar ka mid ah kooxihii wax wal oo diintu ka hadashay “kuwa laga hadli karo iyo kuwa aan laga hadli karinba” dood geliyey, siduu Ibraahin sheegayna ka hadlay Qur’aanka iyo sida loo qoray, Ilaahay iyo sifooinkiisa, Jannada, nolosha dhexe ee adduunka iyo qiyaamaha u dhaxaysa IWM.
Meelahan u qoraagu taataabtay oo runtii u ka abaaray oo keliya sidduu isagu u fahansan yahay waxa lagu tilmaami karaa inay sal u tahay halka ay ku kala baxeen qaybsanaanta ummada Nebi Muxamed NNKHA ay u kala baxday saddex iyo todobaatanka firqo.
Haddaba aniga oo aan soo bandhigayn falanqayn amma gorfayn ku saabsan maqaalka DIINTA IYO WAAYAHA DADKA , waxaan isu deyayaa inaan si gaar ah u dul istaago meelo kooban oo qoraalkan ka tirsan, sida Quraanka ma laga hadli karaa iyada oo la tilmaamayo inay qaybo ka dhiman yihiin, siddee ayaa loo qoray Qur’aanka, ma lagu kalsoonaan karaa dadka ku dooda in Qur’aanku kala dhiman yahay, aragtiyaha falsafadaysan ee dunida islaamka ka soo dhex baxay culimada waaweyn ee islaamku siddee ayey uga hadleen iyo qoddobo kale oo aan hoos ku xusi doono.
Waxa aad ii soo jiitay hadalka Ibraahin Hawd uu yidhi dadka qaar ayaa ku dooda Qur’aanka suurado ka mid ah ayey wax ka dhiman yihiin iyo waxa jira xal diintu hore u soo bandhigtay oo maanta si kale xal loogu helay isaga oo soo qaatay dadka Muslimiinta iyo Gaalada ah ee wadan ku wada nool, in qofka wax xada gacanta la jaro iyo in qofka gogol dhaaf la yimmaad ee reer hore soo maray dhagax lagu dilayo IWM.
Maadaama aanu si faahfaahsan u sharixin hadalkiisa oo u duuduub ku dhaafay waxaan jeclaystay inay ka mid noqdaan qoddobadaasi kuwa aan si kooban u dul istaagi doono si loo fahmo ujeedadooda.
Waa Maxay Diin?
Ereyga diin oo ka soo jeeda Af-carabi micnihiisa afeed (Luqadeed) waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Daacadnimo amma abaalmarin, Qur’aanka waxa ku jira aayado ereyga diin micno ahaan ugu jira abaal marin (Xumaan iyo samaan kuu doono ha ahaato’ e). sidaas oo kale ayuu ereygaasi ku soo arooray Qur’aanka isaga oo sita macnayaal kala duwan oo aanan dhammaantood halkan ku soo koobi Karin.
Waqtiyadii hore dadka Carabta ah waxay erega diin u yaqaaneen xidhiidhka ka dhexeeya laba qof oo midna sareeyo oo u awooda iyo madaxtinimada leeyahay midna uu hooseeyo oo uu hoggaansannaanta iyo in la maamulo u leeyahay.
Haddii aynu hoos ugu dhaadhacno waa erey tilmaamaya lahaansho, xukun, maamulid, xisaabin, dabasocod, abaalmarin iyo maamuusid. Marka la isku soo celceliyo luqo ahaan waa erey tilmaamaya wado amma dhabo uu qofku ku qanco inay u u noqoto halbeegiisa nololeed ee lama taabtaanka ah.
Marka loo yimaado erey bixin ahaan waxa looga jeedo ereyga Diin waxay aqoonyahanada aadka ugu xeesha dheer arrimmaha diintu ku sheegeen inuu yahay; Xeer dejin iyo Qaanuun Ilaahay ugu talo galay inuu banii’aadmka ku hagaajiyo noloshiisa hore iyo dambeysaba isaga oo fariintaa ugu soo dhiibay mid ka mid ah dadka … oo aynu u naqaano Anbiyada amma Rususha.
Dadku waxay had iyo jeer baahi adag oo aan la iska indho marin Karin u qabaan DIIN, gaar ahaan waxay u haraadan yihiin inay helaan diin sax ah oo aan shaki iyo tuhun toona lahayn si ay jawaab ugu helaan saddex su’aalood oo inta badan lagu tilmaamo inay yihiin kuwa dadka ku soo noqnoqda, oo jawaabtoodu ku aasan tahay diin sax ah oo aan waxba laga bedeli karin, saddexdaas suaalood oo kala ah:
1. Halkee ayeynu ka nimmi?
2. Maxaynu u nimmi adduunka?
3. Xaggee ayeynu u soconaa?
Jawaabaha su’aalahan oo si x eel dheer oo cilmiyeysan u faahfaahsan waxay ku qoran yihiin diimmaha saxda ah oo dhammaantood dhambaal isu mid ah iyo axkaam kala duwan siday.
Diimuhu waxay siddeen inay dadku u hoggaansanaadaan Ilaahay dhabbada u mara yidhina ay raacaan, laakiin waxay ku kala gedisnaayeen axkaamta iyo xeerarka qaar oo diin kastaa waxay si qumaati ah u dawaynaysay xanuunada haya bulshada ay ku soo degtay. Lasoco qaybaha dambe.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face