Published On: Mon, Dec 1st, 2014

Kenya: Qaraxyo Iyo Weeraro Xidhiidh Ah Oo Khasaare Dhaliyay Iyo Sarkaal Toogasho Lagu Dilay

Smiley face

wajeerqarax

Gaarisa(ANN)Qaraxyo xidhiidh ah iyo weeraro khasaare dhaliayay ayaa ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Woqooyi Bari Kanya, wuxuuna qaraxaasi sababay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mid ka mid ah qaraxyadaa, waxaana dhaawacyo kasoo gaadheen 12 qof. kadib markii qaraxa lala beegsaday goob caweyn oo ku taal gaarisa sida laga soo xigtay Laanqayrta Cas.

weerar kale oo ka horeeyay kan ayaa sababay in dhaawacyo kasoo gaadheen 7qof, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu liidato.Saraakiisha Booliska ee Gaarisa, ayaa sheegay in qaraxu ahaa Banbo kuwa gacanta laga tuuro ah, taas oo lala beegsaday dad Kanyaan ah goob ay joogeen oo ku taal xaafad ka mid ah xaafadaha Magalaada Gaarisa.

M jirto cid loo qabtay Qaraxa banbadaa, waxayna kusoo beegantay, iyadoo uu saacado ka hor ka dhacay Magaalada Gaarisa weerar lagu khaarajiyay Sarkaal ka mid ah Booliska sida Milateriga u tababaran ee Kanya ayaa lagu dilay Magaalada gaarisa ee Woqooyi Bari Dalka Kanya habeenimadii xalay, kaas oo ay kooxdii khaarajisay ka baxsatay goobta, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka kanya.

Sidoo kale warar hordhac ah, ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaday Dhismaha Booliska magalaada gaarisa iyo sidoo kale goob lagu cawaynayay, iyadoo wararka hordhaca ah ee laga helayo deegaankaa sheegayaan in la maqlayay qaraxyo iyo tacshiirado aan la ogayn khasaaraha ka dhashay.

Dalka Kanya, waxa muddooyinkii u danbeeyay ka dhacay weeraro lagu khaarajinayo Booliska Iyo dadka Shacabka ah, iyadoo weerarkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay Deegaanka Mandheera lagu khaarajiyay 28 qof oo Kanyan ah, kuwaas oo ahaa Macalimiin wax ka dhiga Dugsiyada Gobolka Soomaalidu degto ee Woqooyi bari Kanya ee Wajeer, waxaana weerarkaa oo dhacay markii dadkaa oo ahaa rakaab lagala degey baskii ay saarnaayeen sidaana lagu khaarajiyay sheegatay xarakada Al-shabaab.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face