Share this:

" />
Published On: Mon, Jan 19th, 2015

Koox Looga Shakiyay Al-shabaab Firxad Ah Oo Lagu Qabtay Xeebaha Sanaag

Smiley face

araweelonews-300x168Sanaag(ANN)Koox looga shakiyay inay kasoo firxadeen Al-Qidada Buuralayda Golis ee Bariga Gobolaka Sanaag oo maalmihii u danbeeyay dagaal kula jiray Ciidamada Maamul goboleedka Somalia ee xaruntiisu tahay Garoowe, isla markaana weeraro ku qaaday Magaalada Dekedda ah ee Boosaaso, ayaa lagu qabtay Magaalada Raqas oo ka tirsan Degmada Xiis ee xeebaha Taal xeebaha gobolka Sanaag ee qadiimka ah.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelo News Network in dadka la qabtay oo ahaa 10 qof oo rag ah, kuwaas oo ay ku jiraan laba caruur ah oo aan qaangaadh ahayn laga qabtay shalay Degmada Raqas, iyagoo wata 50 Neef oo adhiga nooca yar yar ee loo yaqaan Janbaqa iyo 6 Dameer oo ay sahay ku siteen.
Kooxdaa oo loo malaynayo inay kasoo firxadeen dagaalada dhowaan ka dhacay Buuralayda Sil-silada Golis ee dhinaca Bariga kaga teedsan xeebaha u dhexeeya Sanaag iyo Boosaaso, halkaas oo ay dagaalo soo noq noqday ku dhexmareen Ciidamada Puntland, waxaana 10 qof xalay lasoo gaadhsiiyay Magalaada Ceergaabo, iyadoo ay ciidmada Boolisku baadhitaan ku wadaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in aanay wax hub ah sidan dadka la qabtay, balse loo malaynayo in hubkii ay siteen ay ku bedesheen xoolaha ay wataan iyo Dameeraha ay sahayda ku siteen, isla markaana doonayeen inay dhinaca dalka Yaman u talaabaan.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor.

2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance.

contact:
Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

+ 252 63 442 5380

+ 252 63 4764409

+ 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face