Share this:

" />
Published On: Tue, Oct 27th, 2015

Labada Xisbi Mucaarad Ee UCID Iyo WADDANI Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Wasiiradda Iska Casilay Xukuumadda Iyo Khilaafka Xisbiga KULMIYE

Smiley face

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska casilay iyo khilaafka uu sababay loolanka loogu jiro musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga u metelaya doorashada Madaxtooyadda ee loo asteeyay 3 April 2017, kuwaas oo lagu dooranayo shirka golaha dhexe 10 Nov 2015.

Guddomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Warabe, ayaa si kooban oo taxadir ka muuqdo uga hadlay arrintaa, wuxuuna Guddomiyuhu usoo jeediyay dhinacyada KULMIYE, inay dhamastaan khilaafka Xisbiga KULMIYE , isagoo yidhi, “Xisbigii UDUB, oo 10 sano jiraa burburaye KULMIYE oo 12 sanno jiraana yaanu inaga bur-burin ,waxaanan u soo jeedinayaa inay khilaafkooda dhamaystaan ,waxanay fadhiisan doonaan Xisbiga KULMIYE 10 bisha soo socota, Alle kii uu u qoray baa soo bixi doona, wax dhibaato ahina ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca Kale Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa qoraal warsaxaafadeed uu si kooban ugaga hadlay Wasiiradda iska casilay Xukuumadda iyo loolanka khilaafka sababta u noqday ee Xisbiga KULMIYE, ku yidhi sidan:- “Bishan Oktoobar 26dii, 2015ka, waxa magaalada Hargeysa ka dhex qarxay muran iyo is-maan-dhaaf ka dhex jiray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee talada haya.

Khilaafkaa oo soo taxnaa tan iyo Kal-fadhigii 3aad ee Xisbiga ee Burco ku qabsoomay 2008kii.
Isaga oo Xisbiga Kulmiye ku magacaaban Xisbiga talada dalka hayay ilaa waqtigaas jidka uu marayay wuxu ahaa dariiq aan ka tarjumayn himilada habka dimuqraaddiga ah iyo tartan xalaal ah, bal se wuxu u biyo-shubanayay qori-isu-dhiib kooxeed. Wuxu inagu waday waddo khaldan oo uu ku ambinayo qarankan socod-baradka ah. Waxaynu halis ugu jirnaa in aynu mar kale sidii lixdankii la inoo anmbiyo oo himilada iyo halgankii ummadda loo jaho-wareeriyo.

Haddii aanu Xisbiga Waddani nahay aad ayaanu iskaga dhowrnay in aanu ka hadalno ama faro-gelinno doodaha iyo murannada Xisbigaa dhexdiisa ka socday, annaga oo aamminsan in aanaan ka nabad-galleen annaga oo aan dhiillo naga dhex taagnayn. Mar haddiii immika burbur dawladeed iyo walaac qaranba abuurmeen, waxaanu Xisbi ahaan aamminsan nahay in lagu dhaqmo habka dimuqraaddiyadda, tartanka xalaasha ah iyo xeerara kala gaarka ah ee ay Xisbiyadu ay leeyihiin iyo ka guud ee ka dhexeeya ee Lam. 14aad. Waxaanu aamminsan nahay in laga fogaado kooxaysiga qori-isu-dhiibka ah iyo ku-danaysiga magaca reeraha oo ay Xukuumaddan Siilaanyo si baahsan oo fool xun u adeegsatay intii ay talada dalka haysay.

Waxaanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanu dariiqa ay jeexayaan uu yahay mid aan lagaga dayan karin. Wax la qaadan karo ma aha in Madaxweynuhu isugu yeedho koox Wasiirro ah oo uu reernimo ku xushay, isaga oo isugu yeedhi karayay Golihiisa Xukuumadda oo isu dhan oo uu talo weydiin karayay. Waana dhaqan uu shantaa sannadood ku shaqaynayay oo dal iyo dadba aafeeyay.
Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxay abuurtay shaki iyo mugdi isku gedaamay Somaliland oo werwer iyo walaacba ku abuuray beesha caalamka iyo dadkii maal-gashan lahaaba. Dhaqanka Xukuumaddan iyo Xisbigani, wuxu waxba-kama-jiraan ka dhigayaa tacabkii iyo guulihii dhiigga lagu hantiyay ee shacbiga Somaliland.

Xisbiga Waddani isaga oo qaddarinaya midnimada iyo nabadgelyada qaranka, wuxu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa feejignaan iyo nabadda oo la ilaaliyo.”ayaa lagu yidhi qoraalka Xisbiga WADDANI, ee mucaaradka uu kaga hadlay Wasiiradda Xukuumadda iska Calisay iyo khilaafka Loolanka Xisbiga KULMIYE.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face