Share this:

" />
Published On: Tue, Jan 27th, 2015

Liiska Magacyada Wasiiradda Cusub Ee Xukuumadda Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Ee Somalia

Smiley face

omar abdirashiidMogadishu(ANN)Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke, ayaa caawa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub, kadib markii hore uu dib ula laabtay Liiksa xubnihii uu magcaabay, wuxuuna Raysal Wasaaruhu ku tilmaamay xubnaha cusub inay ku yimaadeen wadatashi uu la yeeshay Madaxweynaha, gudoonka baarlamaanka, xildhiibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Golahaan Wasiirada ayaa ka kooban 20 wasiir, waxaana Raysal Waasare Cumar sheegay in dib laga soo magacaabayo Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha.

Raysal Wasaaraha ayaa si xushmad leh uga codsaday Xildhibaanda Baarlamaanka inay soo dhaweeyaan Golaha Cusub ee Xukuumadda, markii la horgeeyo oo ay ansixiyaan, si loo dar-dargaliyo howsha culus ee na hortaala, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi sidan:- “Aniga oo gudanaya waajibka dastuuriga ee ay ummadda Soomaaliyeed iga sugayso oo ah inaan soo dhiso Xukuumad buuxinaysa shuruudaha qabashada xilalka Wasiirnimo, isla markaasna ku sifoobaysa Aqoon, hufnaan, waayo argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sanadka 2016-ka. Kadib markaan wada- tashi dheer la sameeyey Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka, Xubnaha Baarlamaanka, Qurba Joogta, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaan aniga oo og muhimadda ay leedahay in la helo xasilooni siyaasadeed oo horseeda sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalkeena oo maanta maraya meel wanaagsan ayaan magacaabay Golaha Wasiirada caawa 28 Januery 2015” ayuu yidhi.

Sidoo kale wuxuu sheegay Raysal Wasaarahu in Wasiirrada uu caawa soo magacaabay aanay wax raad ah ku lahayn khilaafka siyaasadeed ee hadda jira, isla markaana buuxin karaan hawsha ay shacabku ka filanayaan.

“Waxa aynu la soconaa in mudooyinkii u dambeeyay uu hakad galay hawlihii Xukuumadda oo laf-dhabarka u ahaa ummadda, mana aha arrin lagu sii jiri karo. Waqtiga gaaban awgiis, waxaan hadda soo gudbinayaa magaabista Wasiirrada oo kaliya, waxaan sida ugu dhakhsaha badan usoo gudbin doonaa Wasiirro Ku-xigeenada iyo Wasiirro Dawlayaasha”

Ugu danbayntii Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu mas’uul ka yahay waajibna ka saaran yahay inuu gacan ka geysto horusocodka dalka iyo inaan mar dambe dib loo noqon. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in aan xaqiijino fulinta hawlaha ahmiyadda koowaad u leh xukuumadda, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka, ayuu yidhi Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Liiska Magacyada Wasiirradda Xukuumadda Cusub
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka

Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face