Share this:

" />
Published On: Mon, Feb 8th, 2016

London: Wiil Soomaali Ah Oo Xabsi 15 Sano Ah Lagu Xukumay

Smiley face

Araweelo News Network

Conventry Crown

London (ANN)Wiil Soomaali ah oo Dhalinyaro ah, ayaa lagu xukumay xabsi 15 sano oo xadhig ah kadib markii lagu helay inuu toorey la dhacay haweenay ka tagtay dalka Ethiopia oo ku sugnayd magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Weerarka ayaa dhacay bishii September 16 sanadkii 2013, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Torcastle, waxaana wiilkaa oo magaciisu yahay Mahad Aadan iyo gabadha tooreyda lala dhacay la sheegay inuu xiriirdhow ka dhaxeeyay.
Wiilka oo Maxkamaddi ku riday xukunkaa, ayaa waxa sidoo kale lagu eedeeyay inuu markii uu falkaa geystay u cararay dalka Ethiopia sanadkii 2013, balse Mahad Aadan oo ku laabtay dalka Britain dhamaadkii 2015, ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Heathrow, waxaana lasoo taagay maxkamada Conventry Crown ee dalka Ingiriiska.

Mahad Aadan oo 33 sano jir ah, waxay Maxkamaddu ku riday xukunkaa markii uu qirtay eedaha loo haystay oo ahaa inuu dhaawacay haweeneyda oo ku sugneyd dalka Ingiriiska, taas oo sida la oggaaday uu ka dhexeeyay xidhiidh, balse dagaal dhexmaray isaga iyo gabdha ka hor intii aanu dhaawac weyn gaadhsiin ee aanu Toorayda la dhicin.

“Markii uu tooreyda uu igu bilaabay gacmaheyga ayaan wajiga saaray waxaana hoos u eegayay dhiiga kasoo daadanaya wajigayga,waxaana ka fekeray in haddii aan gaadhiga aanu ku jirnay aan ka bixi lahaa inuu i dili lahaa”ayay tidhi gabadha uu Mahad dhaawaca tooreyda u geystay oo ka hdlaysa maxkamadda markii ay dacwadu socotay.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face