Share this:

" />
Published On: Wed, Dec 24th, 2014

Madaxweynaha Somaliland Oo Meel Mariyay Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Lagu Sameeyay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Smiley face

madaxweyne SilanyoxafiiskaHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa meel mariyay Wax ka bedel iyo Kaabis lagu sameeyay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007, kaas oo muran iyo khilaaf ka dhashay bilihii lasoo dhaafay sababay in golaha Wakiiladda lagu celiyo. Kadib markii Muraaradku ka muujiyeen saluug qaar ka mid ah qodobada xeerkaa oo tafaahum laga sameeyay in dib loo saxo.
Digreeto kasoo baxday oo ku taariikhaysan 23 Dec, 2014, xafiiska Madaxweynaha, ayaa lagu shaaciyay in Madaxweyne Siilaanyo dhaqangeliyay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerkaa, wuxuuna qoraalka dhaqangelinta kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha u qornayd sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014, ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014, ee ku taariikhaysan 06/12/2014, ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face