Share this:

" />
Published On: Sun, Apr 10th, 2016

Madaxweyne Geellaha Djibouti Oo Ka Hadlay Guusha Inuu Markii Afraad Kusoo Laabto Kursiga Iyo Jawaabta Mucaaradka Aan Awoodda Lahayn

Smiley face

Araweelo News Network

ismail omar geleDjibouti(ANN)Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraad ku guulaystay in xilkaas loo doorto, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shacabka reer Jabuuti markale isaga u doortaan madaxtinimada dalkiisa maalintii Jimcaha, iyagoo musharraxiinta axsaabta mucaaradka ee la tartamayeyna cabasho xooggan ka muujiyey natiijada doorashada oo lagu dhawaaqay shalay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti oo natiijada doorashada madaxtinimada subaxnimadii hore ee shalay, ayaa sheegtay in uu Geelle ku guuleystay 86.68% codadka doorashadii ka dhacday dalkaas maalintii Jimcaha.
Madaxweyne Geelle oo xukumayey Jabuuti tan iyo sannadkii 1999-kii, ayaa hadal uu ka jeediyey TV-ga dawladda ku sheegay shalay, inuu hore kalsooni weyn ku qabay in shacabka waddankiisu dib u soo dooranayaan, waxana codadkooda ka dhiibtay tiro lagu qiyaasay 187,000 qof oo kala dooranayey lix murrashax.
“Shacabka Jabuuti waxay markale igu aamineen xafiiska ugu sarreeya Jabuuti. Waxaan si dhab ah u ogsoonahay inaad ii doorateen inaan hawlihii horumarinta ahaa ee dalka ka socday aan ka sii wado halkoodii, waanan ka sii wadi doonaa,”ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle oo 68 jir ah.
Madaxweyne Geelle waxa lagu ammaanaa horumar uu gaadhsiiyey dalkiisa oo uu ka talinayey 17 sannadood, iyadoo Jabuuti xidhiidh saaxiibtinimo oo aad u dhow la leedahay waddamada Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo dalalka Khaliijka Carabta.
Geesta kale, murashaxa ku xiga Geelle tirada codbixinta Mr. Cumar Cilmi Khayre oo helay 7.32% codadkii la dhiibtay, ayaa si aad ah u dhaliilay natiijada doorashada madaxtinimada dalka Jabuuti ee Wasaaradda Daakhiligu ku dhawaaqday.
Murashaxa metelayey Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti Cumar Cilmi Khayre
Murrashax Khayre oo metelayey Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti (USN), waxa uu ku dooday in wakiilladoodii laga eryey goobihii dadweynuhu codadkooda ka dhiibanayeen doorashadii madaxweynenimo ee dhacday Jimcihii, isagoo sheegay inuu la amakaagay natiijada la shaaciyey, waxaannu xusay in mucaaradka culeys weyn la saaray intii doorashadu socotay
Sidoo kale, murrashaxiinta mucaaradka Jabuuti ayaa ugu baaqay xukuumadda Geelle inay habeyn ku sameyso nidaamka iyo qaabka doorashooyinku u dhacayaan, iyagoo muujiyey in aanay diidanayn natiijada doorashada ee uu mar afrkaad ku guulaystay madaxweynaha dalkaas.
“Waxaan weydiisanaynaa xukuumadda inay hagaajiso, dibna u habeyso doorashooyinka ka dhacaya Jabuuti.” Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Jaamac oo ahaa musharrax si madax-bannaan ugu tartamayey hoggaanka Jabuuti.
Natiijada codbixinta doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Jabuuti waxa ay lixda murrshax ee ku tartamayey codadka u kala heleen sidan; Madaxweyne Geelle wuxuu ku guuleystay 86.68% cod,  Cumar Cilmi Kheyre wuxuu helay 7.32.%, Maxamed Muuse Tuur-tuur ayaa helay 1.53% , Ibraahim Idirs waxa uu  1.39%, Jaamac Cabdiraxmaan Candhoole oo kasbaday 0.74% iyo Maxamed Shixim Daa’uud oo helay 02.28% cod.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face