Share this:

" />
Published On: Mon, Sep 4th, 2017

Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Murrashaxa KULMIYE Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Gobolka Awdal Somaliland

Smiley face

Araweelo News Network

soo dhowaynta wefdiga Kulmiye

 

Boorama (ANN)- Wefti ballaadhan oo ka kooban xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, kadib markii ay halkaas u sii galbiyeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka oo isugu jira masuuliyiinta iyo saraakiisha xisbiga KULMIYE iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo hawlo shaqo oo kala duwan u tagay Gobolka Awdal, isla markaana ay qayb ka tahay galbis loo sameeyey Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee dhawaan loo doortay Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Dila iyo Boorama oo ay ku qaabileen kumanaan qof oo taageerayaasha xisbul-xaakimka KULMIYE oo muujiyey miisaanka taageerada xisbiga ee Gobolka Awdal, kuwaas oo weftiga kaga hortagay meel ka baxsan magaalada oo dhinaca bari iyagoo lulayey caleemo qoyan, astaanta xisbiga KULMIYE iyo weliba tabbeelooyin ama boodhadh ay ku yaalaan sawirrada murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga – Md. Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici iyo weliba Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed-yaasin Sh. Cali oo ay soo bandhigeen sida ay faraxsan yihiin guusha xildhibaan Axmed-yaasiin oo uu door laxaad leh ku lahaa hoggaanka KULMIYE iyo xukuumaddiisa haysa talada Somaliland.

Soo dhawayntaasi baaxadda leh ee weftiga kadib waxa la isugu tagay fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama oo madaxda kala duwan ee weftiga iyo kuwa heer gobol iyo degmo ee xisbiga iyo xukuumadduba ay khudbado uga jeediyeen kumanaan shacabkii soo dhaweeyey ah.

Ugu horreyn, Maayarka degmada Boorama Md. Maxamed Xuseen Maydhane iyo Ku-simaha Badhasaabka, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal, ayaa halkaas uga mahadnaqay shacabka reer Boorama ee sida aan kala hadhka lahayn u soo dhaweeyey weftiga uu horkacayo Ku-simaha Madaxweynaha dalka Md. Saylici. Waxaanay ku dhiirrigeliyeen inay codkooda si buuxda u siiyaan xisbiga KULMIYE oo ah mid lexejeclo ka leh gobolka iyo ummadda ku dhaqanba marka la gaadho waqtiga doorashada.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku hadlayey afka madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Awdal, ayaa isaguna shacabka reer Awdal uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaannu ku dheeraaday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu ku lahaayeen guushii uu xildhibaan Axmed-yaasiin Cali Ayaanle ka gaadhay tartankii uu u galay kursiga Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad oo uu cod aqlabiyad ah ku hantiyey, isaga oo shacabka ka codsaday inay maanka ku hayaan abaalka xisbiga KULMIYE u galay guud ahaanba gobolka Awdal.

Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha Md. Axmed Xaashi Daahir Cilmi iyo Boosaha Md. Mustafe Faarax Abraar iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Prof. Maxamed Mixille Boqorre oo iyaguna khudbado ka jeediyey fagaaraha, ayaa si wayn ugu mahadceliyey shacabka reer Boorama sida diirran ee ay u qaabileen weftiga, waxaanay u hogo-tusaalyeen sida uu ku yimmi xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada ee uu ku guulaystay Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka dhashay dedaal ay sameeyeen murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE, taas oo ka markhaati-kacaysa maamuuska iyo milgaha uu xisbul-xaakimku u hayo reer Awdal, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen inay maanka ku hayaan sidii ay u gudi lahaayeen abaalkaasi maalinta codbixinta doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo khudbad gilgilashay quluubta shacabka Gobolka Awdal ka jeediyey fagaaraha Khayriyada Boorama, ayaa dareen farxad iyo qadarin leh kaga fal-celiyey soo dhawaynta baaxadda leh ee loo muujiyey kadib waxa uu tilmaamay oo uu ku dheeraaday kaalintii xisbiga KULMIYE iyo murrashaxashixiintiisu ku lahaayeen guushiisii golaha dhexdiisa, isagoo bulshadana ugu baaqay inay xil gaar ah iska saaraan inay abaalkaas u gudaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE waqtiga doorashada.

“Kursigan muddo badan baynu  u halgamaynay, tabashadaadana qofka ka garaaba, kugula hawlgal ee kula halgamaa abaal inuu kugu leeyahay Aadamaha oo dhan baa qiraya, Golaha Wakiillada ee 82-ka mudane ah ee codka aqlabiyadda ah igu doortay laba xisbi bay u kala baxaan, aqlabiyadda aan ku soo baxayna xisbiga aad maanta u dabbaaldegaysaan (KULMIYE), ayaa iska lahaa, iskumana qaldana, anna waxaan doonayaa inaan halkan idiinka caddeeyo, xisbiga KULMIYE ee aan xubinta ka ahayna waxa uu dedaal u galay oo uu hindisay in Gobolka Awdal uu helo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada, madaxweynaha qaranka, ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaana go’aamiyey oo aniga oo gurigayga iska fadhiya yidhi reer Awdal haka soo tashadaan ninkay u gartaan,” ayuu yidhi Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna khudbad miisaan culus leh oo uu u jeediyey dadweynaha soo dhaweeyey, waxa uu mahadcelin ballaadhan oo uu u diray taageerayaasha isugu soo baxay qaabiladda weftiga kadib uu kala hadlay xisbiga KULMIYE iyo sida uu u danaynayo gobolka.

“Axmed-yaasiin sababta aannu u soo dhignay maaha oo keliya waa reer Awdal ee waa ninkii golaha ugu yaraa oo mustaqbalka dhallinyaradaanu eegaynay oo dad siyaasadda loo tababaro ayaanu eeganaynay, waxa kale oo aannu ku dooranay oo labaad taageerada aad u haysaan oo waanu qaadanay oo farriin Awdal ka timi bay ahayd, ta saddexaad ee aannu ku dooranayna waa isagaa raggii kasoo baxay oo isaga oo golaha ugu yar ayuu ugu cod-karsan yahay, waxaannuna filaynaa inuu mustaqbalkana ugu caqli bato,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ugu dambayntii soo gunnaanaday khudbadaha, ayaa mahadcelin kadib ku dheeraaday waxqabadka muuqda ee xisbiga KULMIYE ka hirgeliyey dalka, isaga oo si gaar ah liishaanka u saaray sida mudakarnimada leh ee xukuumadda iyo xisbigeedu xilka isaga saareen in Somaliland la wada yeesho, isla markaana laga wada muuqda kuraasta sare ee dalka.

“Kursiga Axmed-yaasiin dhayal kumuu iman ee waxa uu ku yimmi siyaasadda xukuumadda KULMIYE iyo xisbigeeda, 2015-kii ayey xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE go’aansadeen markii ay ogaadeen inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka tegayo oo uu noqday murrashax madaxweyne in guddoomiyaha golaha lagu maamuuso reer Sool, si Somaliland u soo dhammaystirano oo looga wada muuqdo, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaadna reer Awdal la siiyo, wuxuuna suuragalay markii Ilaahay qaddaranay,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

 

 

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face