Share this:

" />
Published On: Wed, Jan 14th, 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyay Xildhibaano Golaha Deegaanka Boorama Oo Xidhnaa

Smiley face

madaxweyne SilanyoxafiiskaHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa cafis u fidiyay Xildhibaano golaha deegaanka Boorama oo dhowaan la xidhay, kuwaas oo lagu eedeeyay abaabulo lagu taageerayo Suldaan ka mid ah madaxdhaqameedka Awdal oo dhowaan shaaciyay inay ka laabanayaan go’aankii lagu dhisay qaranimada Somaliland ee heshiiska lagu ahaa, isla markaana ku hanjabay inuu dagaal la gelayo Somaliland. Kadib markii uu sidaa ka sheegay muuqaal lagaga soo duubay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ee u dhow Boorama.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Caawa, ayaa lagu sheegay in Madaxaweynuhu cafis u fidiyay xildhibaanada arrintaa u xidhaan, waxaana lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;

Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.

Wuxuu Go’aamiyey In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleeabaan Dhuxul.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face