Share this:

" />
Published On: Mon, Apr 4th, 2016

Madaxweyne Siilaanyo Oo Fadhiga Ka Kacay Kadib Dhaliilo Loo Jeediyay Qaabka Loo Maamulay Caawimooyinka Dadka Abaartu Saamaysay Ee Deegaamada Galbeedka

Smiley face

silanyoboqasho2“Currashada Raxmaadka ee Roobabka, Booqashada Madaxweynaha silanyoboqdayawdaliyo Deeqdii Raashinka ee ku kulmay Deegaamada Abaartu Saamaysay ”

Araweelo News Network

Boorama(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo oo subaxnimadii hore u ambabaxay gobolada galbeedka dalka ee sida weyn u saamaysayabaartu liciifisay dadkii reer guuraaga ahaa, isla markaana saamaynta ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha, ayaa safarkiisu la kulmay raxmaadka gu’ga oo ka curtay maanta gelinkii danbe inta badan deegaamada galbeedka ee Madaxweynuhu booqday.
dadkabaartu samaysay

Socdaalka galbeedka Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ahaa mid ujeedadiisu ahayd sidii uu wax uga ogaan lahaa ee indhihiisa ugu soo arki lahaa dadka abaartu waxyeelaysay ee qaarkood lagu soo ururiyay deegaamo ka torsan gobolka Awdal.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo saaka ka baxay Hargeysa, ayaa gaadhay degmada qolujeed ee gobolka Awdal oo ka mid ah ahayd goobaha lagu ururiyery dadkii ay abaartu ragaadisay ee ku waayay duunyadooda, isla markaana ku caydhoobay.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu indhihiisa kusoo arkay xaalada dadka deegaanka, isagoo mudadii uu safarka ku jiray shacbigii ku sugnaa tuulooyinka, degmooyinka iyo magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, salaan gacan taag ah u fidiyey bulsho tiro badan oo Madaxweynaha u muujinayay dareenkooda, balse diifta iyo dhibaatada abaartu ka muuqatay dushooda, kuwaas oo aanay waxba ka bedelin xaalada noloshooda caawimooyin fara guudkood ah oo deegaamadaa si teel teel ah u gaadhay, iyagoo aan helin gurmad wax weyn ka tara dhibaatada abaarta iyo diihaalka duruufaha noloshooda.

Madaxweynaha iyo weftigiisuna waxay u sii gudbeen goobaha lagu ururiyey qoysaskii ay saamaysay abaartu kuna caydhoobay, kuwaas oo hadda qaybo ka midi ku sugan yihiin degmada qolujeed, madaxweynuhu markii uu halkaa gaadhayna waxa si balaadhan u soo dhaweeyey dadweynaha deegaanka ku dhaqan oo madaxweynaha iyo weftigiisa u muujiyey dareen waddaninimo iyagoo ka markhaati kacay xaalada adag ee ay ku sugan yihiin dadkaa abaartu waxyeelaysay ee lagu soo daad gureeyey xeryahaas.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu dadkii ku sugnaa xeryaha uu kormeeray ka dhegaystay warbiximo la xidhiidha sida ay abaartu u taabatay, waxaanu madaxweynuhu Alle uga baryey inuu u gargaaro raxmad khayrqabtana u shubo.
wefdiga Madaxweynaha, ayaa halkaas gaadhsiyey raashin kala duwan oo loo qaybiyey guud ahaan deegaamada ay abaartu saamaysay, balse uu goobjoog ka ahaa madaxweynuhu dadkii loogu qaybiyey qolujeed raashinka oo dhammaa lix boqol oo qoys in ka badan.

dadkaa tabaalaysan ee madaxweynuhu booqday ayaa dareenkooda muujiyey ugana mahadnaqay madaxweynaha dedaalka uu la barbartaagan yahay iyo socdaalka uu ugu yimid oo ay sheegen inay u tahay dhiirigelin, maantana ay dareemayaan farxad madaama oo madaxweynihii dalku la joogo.
raashinkadakalooqaybiyay1
sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo intii uu safarka ku guda jiray, wuxuu u degay madaxdhaqameedka deegaamada uu maraayey oo hareeraha wadooyinka laamiga dhiniciisa tubnaa, si ay ugu hambalyeeyaan socdaalkiisa iyo inuu la soo arko xaalada guud ee dalku halkay marayso marka loo eego dadka ay abaartu taabatay.

Wefdiga Madaxweynuhu hogaaninaayey waxay u soo kicitimeen magaalada dhinaca Boorama oo ay caawa ku sugnaan doonaan, waxaana Xusid mudan in markii madaxweynuhu soo gaadhay magaalada Boorama ay halkaasi ka curteen roobab badiba ka da’a ay nawaaxiga Boorama ilaa Hargeysa oo ahaa horaantii raxmaadka gu’aga.

Dhinaca booqashada kediska ah ee Madaxweyne Siilaanyo saaka ugu baxay galbeedka dalka, ayaa kusoo beegnatay wax ka yar todobaad markii ay deegamadaa kasoo laabteen wefdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeeniisa Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo ay weheliyeen wasiiro uu hormood u yahay wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, kuwaas oo maray inta baddan deegaamada galbeedka ee abaartu ka jirtay, isla markaana hore usii qaaday deeq caawimooyin ah, balse qaabkii loo qaybiyay cabshooyin iyo dhaliilo kasoo baxeen, kuwaas oo la rumaysan yahay inay sababeen safarka Madaxweyne Siilaanyo ee saaka.

Deegaamada galbeedka oo ahaa meelaha abaartu riiqday, waxa lagu qiyaasay in ku dhowaad Kumanaan qoys ku caydhoobeen abaarta ku habsatay galbeedka Somaliland iyo deegaamo kale oo Somaliland, kuwaas oo xoolihii ay dhaqanayeen abaartu galaafatay, iyadoo aanay dadka dhibaatada abaartu haleeshay ahayn kuwo si dhab ah loo ogyahay tiradooda iyo xaalada dhabta ah ee noloshooda, isla markaana aanay wax baddan ka bedelin duruufaha gurmadka deeqaha caawimooyinka ee Dallalka Khaliijka sida Sucuudiga oo markii u horaysay Somaliland soo gaadhsiiyay deeq, Qadar oo deeq caawimo soo gaadhsiiyay Somaliland iyo Dalalka Kuwait Imaraadka oo gurmadka abaaraha iyo taakulada ay soo gaadhsiiyeen Somaliland ka sokow ay mashaariic waaweyn kaalmo xidhiidh ah Somaliland la garab taagnaayeen Somaliland dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, balse hay’addaha gargaarka ayaan doorkii loo baahnaa ka qaadan xaalada abaarta iyo gurmadkii laga filayay marka laga reebo labada Hay’adood ee qaramada Midoobay ee WHO iyo UNICEF, oo meelo cayiman gaadhsiiyay taakulo kooban.

inkasta baaxada dhibaatada abaartu sababtay tahay mid culus oo dalalka Khaliijka ee Carbeed gurmad balaadhan ka geysteen xaalada abaarta Somaliland, isla markaana caawimo wax ku ool ah soo gaadhsiiyeen, waxa muuqata in aanay caawimooyinku gaadhin inta baddan kuwii loogu tala galay ee xaqa u lahaa, ama ku haboonaa oo meelaha qaar saluug iyo maamul xumo ka jirtay,ama wax is daba marin farta lagu fiiqayay, taas oo sababtay in Madaxweyne Siilaanyo fadhiga ka kaco, isla markaana uu goob joog ka noqdo qaabka loo qaybinayo caawimada dadka abaartu saamaysay deegaanka uu cagihisia ku tegey ee galbeedka Somaliland

Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face