Share this:

" />
Published On: Mon, Nov 9th, 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hay’adda Waddooyinka Hoos Geeyay Wasaaradda Hawlaha Guud

Smiley face

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka;
Markuu Tixgeliyey:Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;
Markuu Dersay:Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka;
Markuu Garawsaday:Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;

Wuxuu Soo Saaray;

In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face