Share this:

" />
Published On: Thu, Mar 23rd, 2017

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabis Iyo Xil Ka Qaadis Sameeyay

Smiley face

Araweelo News Network

Madaxweyne Axmed Siilaanyo


Hargeysa(ANN)- Warsaxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu Sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sameeyay Magcaabis Iyo Xil ka qaadis Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Warsaxaafadeedka, ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4621/032017 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Badhan, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, halka uu xilkii uu qaranka u hayeyna ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi.

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Badhan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cali Xuseen Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ø Sidoo kale Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahamiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka Qaadis

Ku: Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Og: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Mudane, Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaan farayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face