Share this:

" />
Published On: Fri, Jan 22nd, 2016

Madaxweyne Siilaanyo Oo Masuuliyiinta Xukuumaddisa Iyo Bulshadda Ku Canaantay Isticmaalka Shilinka Somaliland

Smiley face

Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Seylici

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Seylici

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa Jimcihii Maanta 21 Janeury 2016) Qasriga Madaxtooyada shir muhiim ah kula yeeshay Masuuliyiinta iyo madaxda qaybaha ay ka kooban tahay Xukuumaddiisu.

Kulankaa oo ahaa mid balaadhan, waxa ka qaybgalay Xubanaha Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Gudoomiye-yaasha & Maayeeyeyaasha Hay’addaha madaxa bannaan ee Xukuumadda iyo Taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee Ciimada Qaranka, sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland .
ujeedada kulankaa, ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid war-bixin laga dhagaystay Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray 3 Dec 2015, inay xog buuxda kasoo ururiyaan sicir-bararka dalka ka jira, isla markaana kasoo talo bixiyaan wixii arrintaa lagu xallili karo.

Sidoo kale kulanka, ayaa dulucdiisu ahayd in Xukuumaddu ay ka wada hadasho doorka kaga beegan kor u qaadidda kalsooonida, aaminaada iyo isticimaalka lacagta Shilinka Somaliland iyo ka hortagga qiimo dhaca lacagta Qaranka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu furitaankii shirka ka sheegay, isagoo la hadlaya masuuliyiinta Xukuumaddiisa in dal kasta uu leeyahay Calan iyo Calaamad u gaar oo dunida lagaga dir sooco. Astaamaha Qarannimada JSL waxa ka mid ah lacagteenna taasoo ah Shilinka Somaliland, sidaa darteedna ay Dawlad ahaan waajib inagu tahay in la ilaaliyo Qiimaha lacagteena. Madaxweynuhu wuxuu si adag u sheegay in ay tahay wax laga xumaado in aynu ummad ahaan ku kalsoonaan weyno lacagtii Qarankeena, oo xataa shaqaale weynihii iyo madaxdii Dawladdu ee mushaharka ku qaadanayey ay isticmaali waayaan lacagta dalkeena, amma ay ka door bidaan lacag qalaad.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid aan la aqbali karin oo aan dib loogu dulqaadan doonin. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Xukuumadda u sheegay in isticmaalka, qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagteenu ay tahay tallaabada iyo yoolka ugu mudan ee ay Xukuumaddu hiigsanayso sidii loo xaqiijin lahaa. Fulinta iyo hir gelinta qodobada iyo talooyinka ay soo jeediyaan Guddida talo-bixinta sicir-bararku waa siyaasad Qaran oo u baahan in si buuxda oo dhammaystiran la isu garab taago. Sidaa darteed, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta sare ee Xukuumadda ku adkeeyey inay hormuud ka noqdaan meel-marinta go’aamadaasi, kuwaasoo sida uu sheegay dabagal lagu samayn doono.

Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face