Share this:

" />
Published On: Sun, Oct 26th, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Mid Ka Mid Ah Dhismayaasha Indha Sarcaadka Ah Ee Aan La Shaacin Kharashka Ku Baxa Iyo Qandaraaskooda

Smiley face

silayo lugaynaya
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo ay wasaaradda Xanaanada Xooluhu ka hirgelisay xayndaabkeeda, kaas oo sida lagu sheegay ka mid ah balamihii uu shacbiga Somaliland u balan qaaday ee dib u dhiska iyo horumarinta qaranka.

Silanyo and abdi aw daahir

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kormeeray xafiisyada dhismaha cusub ee Wasaaradda, wuxuuna amaanay wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo dhamaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda.

xoolahaasarada2

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo dhismayaal kale oo dhawr ah oo ay dhistay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ah kuwo baahi weyn loo qabay, balse waxa jira doodo ka taagan qaabka dhismayaasha loo dhiso tayadooda iyo in ay noqdaan kuwo ku haboon xafiisyo, waxaana dhowaan muran iyo dood la xidhiidha dhisme loo sameeyay wasaaradda Arrimaha Debeda dhexmaray Shirkada inta badan sida hoose loo siiyo qandaraasyada dhismaha ee Daryeel iyo Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland oo si weyn u saluugtay dhismaha loo sameeyay, taas oo sababtay in wax laga bedelo qaabka loo dhisay Dhismaha Wasaaradda, balse  dhismahan waxa dhistay oo qandaraaskeeda  la siiyay shirkad lagu magcaabo Caalami Construction, taas oo ay Wasiirka isku shushubtaan.

xananadaxoolaha1Inta Badan dhismayaasha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku faanto maaha kuwo la ogyahay cimrigooda, waxaana inta badan qandaraasyada oo aan la shaacin, isla markana lagu bixiyo eex iyo qaraaba kiil sababaan ceebo soo baxa marka la dhamaystiro dhismayaashaa Wasaaraddaha oo ay ku baxaan malaayiin dolar, balse aan mid keliya la shaacin marka la dhamaystiro kharashka ku baxay iyo qaabka loo bixiyay qandaraaskiisa.

Masuulyiinta xukuumadda, ayaa arrimahaa ku qariya xaflado idhasarcaad ah oo ay sameeyaan marka la furayo dhismayaashaa oo Madaxweyne Siilaayo inta badan xadhiga ka jaro, waana sababta keenta inuu amaan ku asqaysiiyo sida munaasibadan u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jaray dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Halkan ka dhegeyso Codadka Masuuliyiinta

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face